Dowladda Soomaaliya Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Saameynta Ay Fatahaaddu Ku Yeelatay Sh/Hoose

Date:

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro.

Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...