Home Blog Page 894

SANNAD GUURADDII 76AAD EE HALGANKA XISBIGII S.Y.L

0

Muqdisho (SNTV):-Soomaaliyey toos maanta waa maali weyn oo qadarin mudan waan sanad guuradii 76aad ee asaaskii xisbigii xornimada doonka ahaa ee SYL sidaasi darted waxaa xusid muddan in mar walba aan xusno geesiyadii naftoodda u huray xornimadda maanta aynu haysano.

Dagaalkii Labaad ee adduunka  markii uu soo dhamaaday waxaa bilaabmay dhaqdhaqaad xornima doon ah nasiib wanaag dhalliyaraddii soomaaliyeed oo xiligaasi ka damqaday xanuunkii gumeysiga, oo ka koobnaa  13kii dhallanyaro oo  asaastay xisbigii gobanimadoonka SYL iyo dhamaan inta ka soo qayb qaadatay horseedkii xisbiga oo halgan adag u soo galay in dalka iyo dadka ba laga dul qaado gumeysii Talyaaniga waxay naga muddan yihiin in aan u duceyno oo aan marka walba xusno.

Odayaashii SYL wax yar oo fara ku tiris ah ayaa  weli ka nool dalka guddihiisa iyo dibadda ba oo  dawlada iyo shacaba aysan ka  warqabin  arrintaasoo ah mid aysan naga mudmeyn balse in laga warqabo isla markaasi na  waxayna naga muddan yihiin in aan u duceyno inuu ilaahay siiyo  siiyo caafimaad taam ah , sidaasi darteed waxaan kula dardaarmayaa dhallinyarada maanta jira in ay xil iska saaraan sidii ay u buuxin lahaayeen doorkaasi maanta ay baneeyeen odayaashii naftoodda u soo huray xoriyada maanta aynu haysano , waxaana dhallinyaradda looga baahan yahay in ay ku faanaan taariikhddii awoowayaashoodda oo ay mar waliba xusan sidii loo gaarsiin lahaa jiilalka soo socoda taasoo ah sharaf iyo qadarin ba u ah dhallinyaradii miraha xornimadda noo keenay.

Runtii waxaa manta ii faraxd ah in aan halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro  dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah sannad guuradii 76aad halgankii gobanimadoonka ahaa iyo  guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. (Leegada) waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naftoodda iyo maalkoodda u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano  inuu  Eebbe naxriistiisa ku maneysto oo jannadiisa  fardoosa ahayd na  ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay  ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo.

Dawladda maanta jirta Nabad iyo Noolal in ay  kordhiyaan dadaalka ay wadaan isla markaasi na ay saxaan wixii ka qaldama mucaaradkana waxaan leenahay in ay toosiyaan wax alla wixii qaldama laakiinse aysan noqonin kuwii wax dumin lahaa , wadankani wuxuu u baahan yahay inuu ka soo kabto xanuunkii muddada dheer uu ku jiray sidaasi darted dalka uma baahna dagaal sokeeye iyo burburin hor leh, waxaan leeyahay in laga fugaado is qab qabsi oo danta dalka iyo dadka aysan ku jirin balse waaxaa loo baahan yahay dawladda iyo sharci dajinta ee barlamaanka in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii dalkani loo gaarsin lahaa horumar iyo barwaaqo islam markaasi na lagu dadaalo sidii loo heli lahaa kalsoonidda shacab si loo helo nabad iyo noolal.

Intaasi ka dib haddii aan dib ugu soo noqdo mowduuci maanta ku saabsanaa xuskii xisbigii xaq u dirirka ee SYL  inta aan la aasaasin xisbigaasi waxaa kulmay dhallinyaro ka damqaday gumeysiga waxayna  ku guuleysteen in ay sameeyaan ururkii   ka la magac baxa  S.Y.C ( Somali Youth Club ) oo ahaa  urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska   markaasi dalka haystay  mar na ma oggaleyn in ay  kulmaan dhallin yaradda aqoonta leh, ujeeddada loo aasaasay na ay ahayd meel ay ku kulmaan dhallinyaradda soomaaliyeed. Ururka SYC muddo ka dib  wuxuu isku beddalay  urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L  (Somali Youth Club)

Mudane Cabdulqadir Sakhaawadiin oo ahaa guddoomiyihii ururka iyo Yaasiin Xaaji Cismaan  waxay qoraal codsi ah u gudbiyeen Wakiilkii Ingriisa ee Soomaaliya u fadhiyey Sir William Eric Hallstead waxayna ka codsadeen in dhallinyaradda soomaaliyeed ay dhistaan naadi ay ku kulmaan , nasiib wanaag Sir William Eric markii uu akhristay codsigii wuxuu yiri, “  {waan idin  oggolaaday  maxaa yeelay annaga waxaan nahayd dawlad dimuqaraadi ah hase yeeshee waxaan idin kaaga digayaa inaad saameyn ku yeelanin wax alla wixii aamniga iyo xasiloonida dalka qalqal gelin kara iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah iyo inaad faraha la gelin arrimaha siyaasadda}” oggolaanshahaasi ka dib waxaa na dhidhibadda loo dhigay oo si rasmi ah loo furay subaxdii  taariikhdu ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen 13 dhallin yaro oo kala ah :

  1. Cqaadir Sheekh Saqaawadiin
  2. Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke
  4. Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed
  5. Cismaan Geedi Raage
  6. Daahir Xaaji Cismaan
  7. Dheexe Xaaji Dheere Xuseein
  8. Maxamed Cali Nuur
  9. Cali Xasan Maslax
  10. Huudoow Macalin Cabdulle
  11. Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
  12. Maxamed Faarax Hilowle
  13. Maxamed Cismaan Baarbe

Fadhigii ugu horeeyey Xoghaye guud Yaasiin Cismaan wuxuu soo bandhigay dastuurkii iyo barnaamijkii xisbiga oo ka koobnaa dhowr qodob oo  muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la helo soomaaliy weyn oo mideysan , lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ahaa in tacliinta kor loo qaado , in afka soomaaliyeed la qoro , in la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun oo ay ka midka yihiin qabyaaladda iyo quursiga ama takoorka loo geysto dadka soomaaliyeed iyo qodobo kale eek u sabsan  xeer hoosaadkii yo maamulkii xisbiga ku dhaqmi lahaa.qodobadaasi oo idil si wada jir ay ayaa la isku waafay , xisbiguna howshiisa sidaasi ayay ku socotay , shacabka soomaaliyeed na oo aan kala harin ayaa soo dhaweeyey.

Muddo ka dib ururku wuxuu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah  taasi na waxaa u suurta gelisay mabda adag oo ay qaateen dhallinyaraddaasi  {noolal ama geeri} oo ay isku dhaarsadeen. Munaasabadii weyned ee loo sameeyey sannad guuraddii 5aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga S.Y.L (Somali Youth League)  May15, 1948kii, waxaa ka soo qayb galay wafuuddii kormeerka ku kala soo bixiyey dhulkaoo  soomaaliyeed oo dhan  , ujeeddada kormarkaasi laga lahaana uu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la wacyi geliyo dadweyanaha soomaaliyeed sidii loogu muujiyo wafuuddii United Nations oo ahaa afartii dawladdood ee ku guuleysatay dagaalkii labaad ee adduunka (Mareykanka, Ingriisakla, Ruushka, Faransiiska) ee markaasi dalka ku sugnaa si ay u oggaadaan in ay soomaaliya diyaar u tahay in la siiyo xornimo iyo in kale..

Guddigaasi durbadiiba waxay bilaabeyn in ay xog ururiyaan  waxayna dhegeysteen fikradahii iyo warbixinadii xisbiga SYL iyo Axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nations  taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii wakiilka  xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkiii iyo rabitaankii ummadda soomaaliyeed oo ahaa rabitaan madaxbanaani iyo xornimo taam ah .  Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa.

Xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd  rabitaanka ummadda soomaaliyeed oo ah in ay hantaan madax banaanin oo aan maqaar saar ahayn.

Runtii waxaa xusid mudan  qoraalkii muddan Maxamuud Jaamac uurdoox uu u qoray Qaramada Middowey qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali weyn  mideydsan oo xor ah isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood gudohooda  xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadoon ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL  , iyo  wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti  ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo  taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo  , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen ama ay ku taageereen  in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo, taaso dawladda ingriisa  ka careesisay , hase yeeshee  caradaasi ka dib  Ingariisa   wuxuu cagta mariyey  himilooyinkii xisbiga SYL  diidmada la diiday awoogeed , sidaasi darteed Ingariiska  oo ka xun go’aankii xisbiga SYL  gaartay si la ma filaan ah dawladda Ingriiska  ah 2 qayb oo ka mid dhulka soomaaliyeey gacanta u geliyey  dalka Ethiopia iyo Kenya sidaasi ayayna ku burburtay himiladdii laga lahaa in la helo soomaali weyn.

Runtii Reer galbeedka iyo marekanka  waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin  ku yeesho Afrika gaar ahaan geeska Africka , Ruushka na wuxuu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka . United Nation ka waxay talo ku soo jeedisay  maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo madaxbanaani. United Nationka waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad  walbana ay u gubiyaan warbiin toodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii  iyo July 1, 1960kii  maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaan jiilka maanta jira looga baahan yahay in la dhamastiro himilooyinkii xisibga oo ahaa in la maalin maalin ka mid ah in la helo soomaali weyn oo mideysan ujedadaasi fog waxaa sal u ah ama lagu gaari karaa midnimo oo kaliya isla markaasi waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah hal  meel looga soo hor  jeesto cadowga soomaaliyeed oo u soo hanqal taagay in ay boobaan dekadaheyn iyo badd.

Dhallinyaraddii shalay xornimada inoo keenay iyagoo hal heeskoodda uu ahaa: { midnimo midnimo, Axyaa Waddani Axyaa Waddani  iyo Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin}” waddaniyadda ayaa  lagu gudbi karaa dhibaatooyinka isla markaasi na lagu gaari kara horumar iyo midnimo , taasi ayay na  ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka  iyo nabadgalyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda ba u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Abdulkadir Ali Bolay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalo ka sameeyay Wadada isku xirta Marko, Nambar 50 iyo Laanta Buure

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Argagixisada Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyin si ay dad Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Aargagixisada wadada galiyeen.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan)  oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

​Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed

0
NSTV:-Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa magaalada Nairobi kula kulmay deeq-bixiyeyaasha,isagoo halkaas ku daahfuray mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya.
Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka ee Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed,Jubbaland iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya.
Mashruuca horumarinta shaqaalaha Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sanno ah ayaa ka taageerri doona dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada sameynta shuruucda muhiimka u ah shaqada iyo kor u qaadidda howl-wadeennada wasaaradaha.
Wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo isboortiska Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa sheegay mashruucan inuu sidoo kale diirrada saarayo shaqo abuur iyo mashaariic farsamadda gacanta ah oo bulshada Soomaaliyeed ay ku baranayaan xirfadaha gacanta.
Daahir Faarax Fiidow , oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada ee dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay mashruucan inuu waxbadan u faa’iideyn doono shacabka Galmudug iyo guud ahaan waddanka.
Gabagabadii, Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ahmiyad gaar ah siinayso shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay mashruucan inuu sidoo kale horumarinayo shaqaalaha Soomaaliya.
“Ula jeedka ayaa waxa uu ahaa mashruuc cusub oo kartidda iyo aqoonta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka kor loogu qaadayo si ay u fuliyaan oo ay shaqadooda u garanayaan , marka ula jeedku wuxuu yahay qofka shaqada abuuraya in kartidiisa iyo khibradiisa kor loo qaado si shaqadiisa uu u fusho.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” Runtii waxaa sharaf weyn ii ah inan ku guuleystay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wasaaradahooda shaqada inay casuumadii iga aqbaleen oo ay halkan isugu yimaadeen iyaga iyo deeq-bixiyeyaasha oo aan mashruucan rajeynayo marka ay dib u noqdaan inay hirgalin doonaan, kaas oo shaqaalaha aqoontoodda iyo kartidoodda kor loogu qaadayo, dalkana loo jiheeyo shaqo abuur , dhallinyarada Soomaaliyeedna la jiheeyo.”
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqada adduunka ee ILO ayaa fulinaysa mashruucan oo ay taageerrayaan deeq-bixiyeyaal ay ku jiraan Midowga Yurub.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka oo bogaadiyay kobaca dhaqaale Dalka

0

NSTV;-Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) raiiusl wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaraadda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa siweyn uga hadlay ahmiyada wasaradaasi ay u leedahay horumarka ilaha dhaqaale ee dalka.

Raiiusl wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in wasaradad Ganacsiga ay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka,loona bahaan yahay in sare loo qaado wax soo saarkeeda dhinaca ganacsiga iyo Warshadaha,iyadoo laga faaideysanayo hay’adaha caalaiga ah Ururada ganacsi iyo dowladaha daneeya Soomaaliya,kuwaasi oo intoodi badan horey heshiisyo loola galay.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirka cusub in uu halkeedi ka sii amba qaado shaqda culus ee hortaala,isagoo wasiir Maareeye ku ammaanay waxqabadkiisa mudadii xafiiskaasi uu joogaya.

“Wasaaradda Ganacsigu waxaa ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee dalka,kuwoodi ugu waaweyn,marka mudane wasiir waxaan kugula dardaarmayaa in howshaasi aad dardargelin doonto,maareeyana waxaana leeyahay waad ku mahadsantahay howshii adkeyd ee aad soo qabatay mudadii wasaaradda aad joogtay,hadana laftigeedu waxaad joogtaa wasaraada lafdhabar u ah Dalka”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

ni oo uu xilka kula wareegayay wasiirka csuuab ee wasaraadda ganacsiga Soomaaliya waxaa ka qeybgalay raiisul wasaare ku xigeenka dalka,wasiiro ka tirsan xukuumadda xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharif ku aadan shaqo wanaagiisa la guddoonsiiyay mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay u garteen maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga intii uu xafiiskaasi joogay.

 

AMISOM oo haween Somaaliyeed u samaysay wacyigalin ku aadan hannaanka dib u eegista dastuurka

0

SNTV:-Ilaa 25 dumar ah oo laga soo kala xulay guud ahaan ururada bulshada rayidka ah ee dalka ayaa lagu wacyigaliyay sidii ay door muuqda ugu lahaan lahayeen hanaanka dib u eegista dastuurka ee ka socda dalka

Haweenkan ayaa waxaa ay iskugu jireen kuwo matalayay ururada kala duwan ee dhalinyarada, haweenka ciyaaraha iyo saxaafada

Ms Mane Ahmed, u qaabilsanaha AMISOM ee arrimaha jinsiga oo ka hadashay madasha isdhaxgalka lagu samaynayay ee ay  soo qabanqaabisay laanta AMISOM u qaabilsan badbaadada,  xuquuqda aadanaha iyo Jinsiga ayaa hoosta ka xariiqday muhiimada ay leedahay in la fahmo kaalinta haweenka ee wax ku kordhinta dastuurka

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay nala joogto wasaaraddi arrimaha dastuurka si aan u eegno sida ay ururada bulshada kaalin ugu lahaan karaan dib eegista dastuurka. Waa muhim inaan maqalno codadkooda, caqabadhooda iyo argtidooda ku aadan kaalinta jinsiga ee dastuurka”ayay tiri  Mane.

Ayada oo intaasi raacisay “Haweenka Somaalida waxaa ay aad ugu humuun qabaan ka qeybqaadashada hanaanka dib u eegista dastuurka si ay u xaqiijiyaan in si buuxda loo matalo si gaar ah markii la eego hanaanka siyaasadda ayna suuragal u noqoto matalaada boqolkiiba 50ka ah.”

Kafiya Cabdullahi oo ah lataliyaha arimaha jinisga ee wasaaradda Arrimaha dastuurka ee Somaaliya ayaa ka soo qeybgalayaasha ku wargalisay halka uu marayo hanaanka dib loogu eegayo dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka ee la qoray sanadii 2012ki

Dowlada fadaraalka ah ee somaaliya ayaa daahfurtay dib u eegista dastuurka  bishii may ee sanadka 2018 ayada oo la filayay in dhamaadka sanadkaasi ay somaaliya yeelan doonto dastuur cusub si loogu gogol xaadho doorsho hal qof iyo hal cod ah oo dhacda sanadka 2020ka

Kafiya ayaa Gabagabadii ku tilmaantay kulanka mid dhiirigalin leh islamarkaana aad muhiim ah

“Waxaan kawada hadalnay doorka haweenka ee ay tahay in ay ciyaaraan si ay wax ugu biiriyaan ayaga oo gudanaya waajibaadkooda.”

Ilhaan Maxamaed Xassan oo ka tirsan midowga haweenka aqoonyahanada ah ee Somaaliyeed (Somali Professional Women’s Union)  ayaa ku dhiirigalisay in haweenku ay bartaaan qodobada dastuuriga ah ee khuseeya arrimaha haweenka

“waxaan u ololeynaynaa in (dastuurka) lagu daro qoondada haweenka ee boqolkiiba 30ka ah, ka badbaadinta (haweenka) ee xadgudubka ku salaysan jinsiga, xaquuqda aan u leenahay in aan qeyb ka noqono sadexda laamood ee dowladda” ayay tiri Ilhaan

Mudadii Kulanka ayay ka soo qeybgalayaashu ku baaqeen in la helo hanaan loo dhan yahay oo tixgalin gaar ah siinaya matalaada dumarka. Haweenka ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo sinaan hanaanka siyaasadeed ah iyo in la siiyo fursado.

Sahra Cabdi Xaaji oo madax ka ah hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Somali youth United (Midowga dhalinyaradda Somaaliyeed) ayaa ku baqaaday in dumarka iyo dhalinyaradda ay ka helaan baarlamaanka ka qeybgal siyaasadeed oo dheelitiran

“Ha siinina boqolkiiba toban dhalinyardda iyo boqolkiiba sodon haweenka ah, waxaan baarlamaanka ka rabnaa kuraas kabadan intaas sababtoo ah waxaan matalnaa intabadan bulshada” ayay sahra xustay

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalay Madasha Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay Madasha lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horrumarka oo maanta laga furay Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgalayaan tiro ballaaran oo ah siyaasad sameeyeyaal, cilmi baarayaal iyo dad xirfad sare leh.

Madasha oo sanadle ah, qaban-qaabadeeduna uu leeyahay Machadka Caalamiga ee Stockholm ee Cilmi-baarista Nabadgelyada (SIPRI), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa mowduuca ku saabsan  ‘Ka jawaab celinta dhibaatooyinka si nabadda loo dhiso: ka guul-keenidda wadajirka’.

Madasha oo seddex cisho socon doonta (14-16 May) ayaa Mudane Danjire Axmed Cawad ka jeedin doonaa hadallo dhowr fadhi oo wadatashiga ka mid ah oo ay kala qeybqaadanayaan Wasiirro iyo wakiillo caalami ah oo ay ku fallanqayn doonaan nabad dhisidda, deganaanshaha iyo horrumarka.

Dhuusamareeb oo caawa u gudubtay wareegga Labaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sagaalaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jowhar

Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Jowhar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood, waana dhibcihii ugu badnaa ee Degmo ku adkaato inta uu tartanka socday wareegga koowaad.

Hadaba kulankii 9aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

 

 

IMF oo sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta SMP3

0

Muqdisho (SNTV ) War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa lagu sheegay in Hay’adda iyo dowladda Federaalka soomaaliya ay isku afgarteen ka gudbidda wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafinta  loona gudbay qeybta afaraad oo soconaysa bishan May ilaa bisha Jully ee sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Hay’adda lacagata waxa ay u soo jeedisay madaxda Soomaaliya joogteynta Wadadii guuleysatay ee looga soo gudbay wajiyadii hore ee Barnaamijka kooxda la socodka SMP.

Qoraalkaan waxaa uu ka dambeeyay kulan ka  dhacay Addis ababa 24 bishii April ilaa 2dii Bishaan May kaasoo u dhaxeeyay madaxda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda  Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo koox ka socotay IMF oo ay hogaaminaysay Allison Holland waxaana ay isla meel dhigeen ka gudbida wajigaan.

Kulankaan waxaa ka kale oo ka qeyb galay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Guddmooiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka ayaa intii ay wada hadalaada Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka Deyn Cafintu socdeen waxa uu la kulmay madaxda Hey’ada IMF si uu uga dhaadhiciyo in Soomaaliya deymaha lagu leeyahay laga cafiyo waxaa kale oo uu la kulmay waddamada iyo hey’adaha kale ee Soomaaliya ku leh deymaha.

Allison Holland Hogaamiyaha kooxda Wadahadalka ee IMF ayaa madaxda dowladda waxaa ay uga mahad celisay sida ay uga go’antahay hirgalinta shuruudaha Barnaamijka deyn cafinta iyo sida xooggan ay oo ay uga dhiiran yihiin.

Hay’adda lacagta aduunka ayaa markale bogaadisay kororka Dakhliga soo gala dowladda Federaalka iyo dadaalka hagaajinta maamulka maaliyadda.

Dr Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku soo dhaweeyay warbixinta Hay’adda lacagta aduunka ay soo saartay ee looga gudbay Wajiga sadaxaad ee Barnaamijka deyn cafiska SMP3

“ Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta IMF oo shaacisay in aan si guul ah uga gudubnay Barnaamishkii #SMP3 taasoo muujisay inaan fulinay dhamaan shuruudihii na looga baahnaa.  Waxaa naga go’an har iyo habeen in aan ka shaqeyno dhameystirka howlaha ina horyaala” ayuu yirri Wasiirka Maaliyada

Toddobaakan shir jaraa’id uu Wasiirka Maaliyadda ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka gududbtay wajiga sadaxaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliyana raja weyn ka qabto in sanadka soo aadan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Labadii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga gudubtay dhamaan shuruudaha Deyn cafinta ee sadaxdii waji ee SMP, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda waxaana haray shirka go’aan gaarista in Soomaaliya deymaha laga cafiyo kaa soo loo madlan yahay in la qabto bisha december ee sanadkaan 2019  ilaa bisha January ee sanadka soo aadan ee 2020 ka.

Duqa Muqdisho oo fal-danbiyeed ku tilmaamay Imtixaanka la xaday

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto

New Zealand:Xoghayaha Guud ee Q.M oo booqday 2-dii masjid ee lagu laayey muslimiinta

Muqdisho (SNTV)…Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa muujiyay taageerada iyo khushuuca uu u hayo bulshada muslimiinta ee ku nool dalka New Zealand ,ka dib markii uu booqday 2-masjid oo bishii Marso lagu dilay 51-ruux oo cibaadeysanaayey.

Guterres oo booqday Masjidyada Al-nuur iyo Linwood ,  Waxaa isaga iyo xubno ka socda hogaamiyaasha muslimiinta iyo dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay labada masjid ay halkaasi joogeen muddo ku dhow saacad,iyadoo la is-dhafsaday hadallo ku aadan naceybka cunsuriyadda iyo kala faquuqa bulshada.

Hadal uu sii daayey intii uu ku guda jiray booqashadiisa oo dhacday saaka ayuu ku baaqay in dadaal lagu bixiyo sidii loo baabi’in lahaa hadalada naceybka ah ee u sii fidaya sida dab qabsaday howdka,kaas oo lagu baahiyo  baraha bulshada.

Abdul Aziz,oo ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqii ka dhacay 2-ba daasi masjid,isla markaana isku dayey in uu ka hortago ninkii geystay falalkaasi,oo isna ka hadlay kulankii booqashadaasi ayaa ammaanay dadaalka Xoghayaha Guud ,wuxuuna inta raaciyay in ay sharaf u tahay in bulshada muslimka ah lala qeybsado xanuunka .

xasuuqii ka dhacay magaalada Christchurch  ee dalka New Zealand waa kii ugu xumaa ee loo geysto dad muslimiin ah,kaas oo uu fuliyay Brenton Tarrant oo 28-sano jir ah,una dhashay dalka  Australian,