Mashruuca sanduuqa horumarinta caasimadda oo ka bilowday galmudug.

Date:

Maamulka Magaalada Dhuusamareb, Ganasato, Aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Degmada Dhuusamareeb oo lagu daahfurayey mashruuca sanduuqa horumarinta ee caasimada galmudug.

Furitaankii mashruucaan oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaaayeen Wasiiro, Xildhibaano  waxaana diirada lagu saaray sidii magaalada dhusamareb loogu heli lahaa dhaqaale lagu daboolo baayiyaha jira ee ay unu ugu horeeyaan dab-damis.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda ayaa faah faahin ka mixiyey bilowga sanduuqan dhaqaala iyo sida howshan lagu jihayn karo iyadoo laga faa’iidaysanayo xoogga iyo xoolaha bulshada soomaaliyeed lana samaynayo isku tashi.

Salaad Cusmaan Rooble oo ah gudoomiyaha loo xilsaaray ka mira dhalinta mashruucaan ayaa isna warbaahinta la hadlay waxa uuna xusay inuu qof walba uu ka qeybqaato helitaanka gaadiidka gurmadka ee ka hortagga musiibooyinka sida dabdamiska.

Maamulka Magaalada Dhuusamareb ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loo soo celin lahaa adeegyadii bulshada sida dhismaha jidadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...