Muxsiniin looga mahadceliyay taageero ay siiyeen agoon iyo dad dan-yar ah.

Date:

Bariyaasha dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur, ayaa qabtay xaflad ay ugu mahad celinayeen dadka muxsiniinta ah ee taageera waxbarashada dugsigaas oo wax lagu baro arday agoon iyo danyar isugu jira.

Dugsiga Imaamu Shaafici ee Xuddur waxaa dhigta 300 oo carruur ah kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarashada.

Maamulka dugsiga, Sheekh Axmed Sheekh Ibraahim, ayaa sheegtay in ay aad ugu mahdineyo walaalaha hiilka waxbarashada la garab taagan, isagoo xusay in Alle ka sokow, taageeradooda ay ku socoto waxbarashada Iskuulkan.

Labo nin oo midkood yahay Turki oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa bixiya kharash macalimiinta dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Xuddur.

Xafladda waxaa ka qeybglay bahda waxbarashada gobolka Bakool, waalidiin, maamulka degmada Tiyeeglow iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...