Shir looga hadlayo horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Date:

Shir looga hadlaayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ,ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha,waxaa ka hadlay Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed,isgoo sheegay in in qeyb weyn uu ka qaadan doonaan horumarinta biyaha.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....