Saciid Deni oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.”Sawirro”

Date:

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ujeedka socdaalkoodu ahaa u kuurgalidda xaaladaha nololeed iyo adeegyada Bulshada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka saaxo oo hoostaga Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug

Ugu horeyna maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa uga warbixiyay xaaladaha la xariira dhanka adeegyada aas aaska u ah nolasha aadanaha ee ka jira deegaankaasi iyo baahiyada jira

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowlad gobaleedka Puntland ay xil iska saarayaan ka warqabka baahiyada heysata shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhanka kalana ku booriyay ka shaqeynta amniga iyo ilaalinta daris wanaaga iyo nabad ku wada noolaashaha.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale kormeeray xerada Ciidamada daraawiishta Puntland ee deegaanka Saaxo, isagoo xariga ka jaray saldhiga booliska deegaankaasi, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarumaha adeegyada Bulshada qaarkood kuwaas oo la qorsheynayo in halkaasi laga hirgaliyo mustaqbalka dhaw

Deegaanka Saaxo ayaa ka mid ah deegaannada ay ragaadiyeen horumarkooda colaadaha ka jiri jiray Gobalka Mudug balse iminka ka soo kabsatay coladda.

W/D Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...