Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Drs. Xaawo Cabdi.

Date:

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo ku dhimatay Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneyso qoyskii iyo ehelada ay ka baxday Marxuumadda.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu marxuumad Drs.Xaawo Cabdi Alle uga baryey in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo,eheladii ay ka tagtayna waxa uu faray samir iyo iimaan.

Allaha u naxariistee,Drs Xaawo Abdi waxa ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab ah kaga jirtay taariikhda Soomaaliya,waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii xagga samafalka caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed.

Tariikh nololeedka Allaha u naxariistee Drs. Xaawo Cabdi oo kooban

Allaha u naxariistee,Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan degmada Cabdicasiis sannadkii 1947-dii.

Dr. Xaawo waxbarashadeedii dugsiga dhexe iyo sare waxay ku qaadatay magaalda Muqdisho, August 28, 1964-kii ay u amba-baxday dalka dibaddiisa oo ay culuumta caafimaadka kasoo diyaarisay waddamada Yaman,Masar iyo Ruushka.

Sannadkii 1971-dii ayay dib ugu soo laabatay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo shaqo ka billowday isbitaalladii dalka ka jiray waqtigaas oo ay ka mid ahayeen Digfeer, Madiina.

Dr.Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sidoo kale muddo 14-sano ah barre ka aheed kulliyada culuumta caafimaadk ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib Dr. Xaawo waxay dareentay in xaalad adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan deegaannada ku hareereysayn Caasimadda, waxayna xilligaas bilowday in ay sameeyso Isbitaal ugaar ah Haweenka, waxayna qolyar oo ay dumarku ku umulaan ka furtay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo hadda loo yaqaano degaanka Xaawo Cabdi.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi kuma ekaan kaliya isbitaal in ay halkaas ka hirgeliso ee waxay dib u dejin u sameysay qoysas kusoo barakacay deegaanka ay isbitaalka ka furtay oo ugu dambeyn iyada loogu magac daray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)

Shirkaddii Turkida ee baarista 3-D maxay arkeen/sheegeen? Waxay arkeen dhulka...

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad...