Dowladda Soomaaliya oo xabsi cusub ka hir-gelineysa Galmudug.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya , Garyaqaan, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay koofurta Magaalada Gaalkacyo ka hirgelin doonaan Xabsi weyn oo casri ah, ka dib safar shaqo oo uu shalay ku gaaray halkaasi.

Wasiirka caddaaladda maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay si weyn usoo dhoweynayaan qorshaha ay Dowladda Soomaaliya xabsiga uga dhiseyso koofurta Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo waxay u kuur geli doonaan Xabsiyada Degmada iyo xaaladda maxaabiista ku jirta, iyagoo kulamo la qaadan doono madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...