Home Blog Page 888

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Shibis oo ugudubtay wareegga Sedaxaad ee Tartanka

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa ku wada ballansanaa Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan Warbaahinta Qaranka Degmooyinka Shibis iyo Wadajir oo kawada tirsan Gobalka Banaadir.

Todobadii weydiimo ee loogu tala galay laba degmo min hal su’aal kaliyay ayay ka jawaabeen waxa ayna wada heleen laba dhibcood.

Sida caadiga ahba su’aal dheeri ah ayaa loogu daray degmadiiba si loogu kala saaro, degmada Shibis su’aashii la weydiiyay  ayay ka jawaabtay, halka Wadajir ay garan weyday.

Sidaas Darteed  degmada Shibis ayaa aaday wareegga Sedaxaad halka wadajir ay sidaas ku hartay.

Habeen Dambe waxaa jiro laba kulan oo qeybta hore dhex mari doono degmooyinka Shingaani iyo Hodan halka kulanka labaad ay ku ballansanyihiin Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta

0

Muqdisho, Khamiis, 23 May 2019 —Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Muqdisho lagu aasay.

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah, barxadda Isbitaalka Madiina ee Muqdisho lagula dukaday Salaadda Janaasada meydka shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa lataliyeyaasha sare ee Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, qaar ka mid ah Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax, Danjireyeyaal, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad caan ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Meydka oo lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka qeybgalay dadyow badan.

Allah u naxariistee Xuseen Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda, ayaa sidoo kale qabtay xilalka wasiirnimo ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha,  Daryeelka Naafada iyo Agoonta. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.

Xuseen Ceelaabe Faahiye oo 82 sano-jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar argagaxiso oo loo adeegsaday gaari biimaysan oo naftii halige uu kaxaynayay oo beegsaday tiro gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Taallada Daljirka Dahsoon saacadihii hore ee subaxnimadii shalay ee Arbacada ( 22 May, 2019).

Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

0

Gaalkacyo (SNTV):– Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegay Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu booqday Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ku wehelinayey socdaalkiisa ay u duceeyeen in Alle Janadii Fardowso ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, acmashiisii wanaagsanayd  uu uga tegey dalkiisana ku abaal mariyo” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

Xukuumadda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay gantaal loo genay dhanka Magaalada Barakeysan ee Makka Al Mukarama

Muqdisho (SNTV)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.

Dhammaad

Ha ku Afurin Cabitaan aad u qaboow (Maqaal)

Muqdisho (SNTV)- Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga Ramadaan.

Drsa u dhalatay Wadanka Masar oo lagu magacaabo Nawal Al-xamad oo ku takhasustay cuntooyinka iyo waxtarkeeda ayaa dadka uga digtay in ay xilliga afurka badsadaan waxyaabaha saliidda lagu shiilo sida Burka iyo Saambuusaha. Dhakhtaraddani waxa ay ku talo bixisay in dadka soomani ay ku dadaalaan ku afurista khudaarta.

Drsa. Nawal ayaa soo saartay talooyin la xiriira Ramadaanka iyo cuntada, waxayna si gaar ah uga hadashay nidaamka afurka ee ugu wacan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waa in afurka lagu bilaabo timir iyo biyo cad ama caano, waayo timirta waxaa ku jira sonkor dabiici ah oo uu dheefshiidku si fudud u burburin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka”.

Dhakhtaraddu waxaa kale oo ay ku talisay in qofka soomani uu xilliga afurka cuno dareere diirran sida, Shurbadda, Laakiin waxay diiday Shaah iyo bunka oo ay tiri maya kuwaasi iyo in afurka la cabbo biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn, Dhakhtaraddani waxa ay ku talisay in waqti fiican loo dhexaysiiyo afurka iyo cashada waxa aaney ku sababaysa in dhuunta dheefshiidku ay u baahantahay waqti ay ku dhamaystirato muudinta sonkorta dareeraha kale ee la qaatay xilligii afurka, islamarkaasina isuna diyaariyo qaabilista cuntada iyada oo aan wax murug iyo khalkhal ahi dhicin.

Dr. Nawaal mar ay ka ka hadlaysay cuntada ugu fiican in lagu afuro, waxa ay sheegtay in xilliga afurka lagu dadaalo waxyaabaha uu jirku uu ka helo Faytamiinno iyo macdanno kale oo ka caawiya qofka sooman in aanu gaajoon, waxaa kale oo uu ka ilaaliyaa calool istaaga.

Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu kula talisay qofka sooman in aanu cuntada cunin inta uu dhergayo, balse uu in yar cuno, oo gaajada uu iskaga bi’iyo oo kaliya, waxa aanay si aad ah u dhalleecaysay sida caadada ah in isla marka la afuro lagu xigsiiyo shaah ama bun, iyada oo tilmaamtay in ay muhiim tahay in shaaha ama bunka iyo afurka loo dhexaysiiyo ugu yaraan laba saac, sababtana waxa ay dhakhtaraddu ku sheegtay in shaaha iyo bunkuba ay nuugaan maaddada xadiidka iyo maadooyin kale oo muhiim u ah jidhka.

Qallinka: C/laahi Ruush

War-bixin: Arday takhasusyo sare oo caafimaad ka dhigta Shiinaha oo ka waramaya noloshooda !

0

Beijing (SNTV)-Shaanxi waa mid kamida 33-ka gobal ee dalka Shiinaha, waxa uu 1,200 KM galbeed ka xigaa caasimada Beijing. Magaala madaxda gobalka oo ah Xi’an waxa joogta arday Soomaaliyeed oo darajada labaad ee waxbarasho ku diyaarineysa culuumta caafimaadka.

Habeen sabti ah 11-kii bishan May, 24-saac gudaheed oo aan booqasho u joogay maalada ayaa waxa aan la kulmay oo aan wareystay laba kamida in ka badan 30 arday oo dhigata Jaamacadaha magaalada Xi’an.

Ismacil Axmed Cumar, 29 jir ah iyo Cabdifitax Xasan Maqul oo 31 jir ayaa ila wadaagay waxyaabaha la xiriira noloshooda, waxbarashadooda iyo caqabadihii ay la kulmeen maalmihii hore ee dalkan ay ku cusboonaayeen.

“Waxa aan nimid Shiinaha 10-kii bishii September, 2017-dii. Waxa aan baraney oo aan ku baasnay barashada luuqada Shiinaha waxa loo yaqaan HSK1-4, waxa aan hadda ku jirnaa sannadkii 2-aad, waxa aan bartaa caafimaadka carruurta(Pediatrics) oo aan ka dhigto jaamacada Jiaotong qaybteeda caafimaadka”, Ismaciil ayaa sidaa yiri.

Ismacil Axmed Cumar

Wuxuu ardada geliyey laba qaanadood marka laga hadlayo deeqda waxbarasho ama lacag in ay ku dhigtaan iyo dalalka ay ka yimaadeen, waxa uuna sheegay in qaar ay iyaga iska bixiyaan ayna ka yimaadeen dalalka sida Canada, UK iyo Sweden iyo kuwa kale oo ka faa’ideysanaya deeqda waxbarasho ee dawladda Shiinaha siisay dawladda Soomaaliya.

“Aniga iyo saaxiibkey waxa aan 6-sano caafimaadka kasoo dhiganay  Jaamacadda Benadir ee Muqdisho, nasiib wanaag waxa aan helnay fursadan waxbarasho, waxa naga go’an inaan ka dhabeyno riyadeena ah inaan dhaqatiir noqono, waxan qabnaa rajo weyn in aan dadkeena wax tari doono markaan ku laabano oo ay waxbarashadeena noo idlaato July 2021-ka”, ayuu raaciyey.

Cismaciil ayaa ii sheegay in ay aad ugaga mahad-celinayaan dawladdaha  Soomaaliya iyo Shiinaha ee uga yaboobahay fursadaas, waxa uuna ku tilmaamay fursad mar la hel ah oo dahabi ah oo ay  ku sii wataan waxbarashooda.

Cabdifitax Xasan Maqul waxa uu bartaa‘Radiology’ takhasus la xiriira ‘Raajada’, balse arrinta cajiibka ah waa in Technology-yada ay wax ka badeshay fikirkiisa hore ee ahayd inuu barto ‘qaliinka’ waayo waxa uu indhaha saaray ‘Robots’ oo shaqadii qaliinka ah haya.

Cabdifitax Xasan Maqul

“Waxan rabay inaan barta ‘Qaliinka- Surgery’, balse waxa aan arkay kumbiyuutaro hayo shaqadaas oo aan suura-gal ahayn inaan ku dabaqo dalkii technology ahaan iyo qiima ahaan, waxa aan go’aansaday inaan bedelo fikirkaygii, waxana doortay inaan barto ‘Radiology’. Waan ku qanacsanahay waana danaynayaa cilmigan”, Sidaa waxaa  yiri C/fitaax.

Wuxuu sheegay in laba maalin asbuuci ay ku qaataan baratiko cusbitaalka Jaamacada balse labada sano ee soo socota ay cusbitaal kuwada qaadan doonaan maalin walba.

C/fitax waxa uu la midoobay qoyskiisa kadib markii loo ogolaaday in uu la yimaado xaaskiisa iyo cannugiisa yar, waxa uu ahaa nin farax-san oo dhoola-cadeyn sheekada igula qaatay.

Caqabadaha

Ardada ayaa hoosta ka xariiqay in caqabada uga weyn ee ay la kulmeen ay ahayd ‘Luuqada, kadibna sawirka xun ee dadku ka haysta Soomaaliya iyo Basaborka oo marka ay bangiyada sarif uga baahdaan culeys kala kulmayey.

“Waxaan baranay sanad luuqada Shiinaha balse ma aanan baran eray bixinta cilmiga la xiriirta takhasuskeena darajada labaad, waxa ay ahayd caqabad oo wakhti kale qaadaneysa ama u baahan in lagu barto”, Cabdifitax ayaa sidaa yiri.

Waxa uu u rajeeyey in jiilka dambey lagu bari doono eray bixinta cilmiga inta ay ku jiraan sannadka barashada HSK4- (barashada iyo imtixaan fahamka luuqada Shiinaha ah)ee takhasuska labaad.

“Waan ka xumaanaa marka aan la kulano dad sawir qaldan ka haysta dalkeena sida, burcad-badeed, dagaal iyo waxa Baido App-ka shiinaha soo bandhigo. Weli tani dhib ayey nagu haysaa, mana garaneyno sida aan xal kama dambeys ah uga heli karno ama looga tir-tiri karo app-kaas fadlan”, labada ardayba sidaa ayey muujiyeen.

Balse waxa ay bogaadiyeen TV-ga CGTN sida uu sheekooyin wanaagsan uga soo tebiyo Africa iyo Soomaaliyaba, iyagoo tilmaamaya in TV-gaas uu yahay kanalka kaliya ee muujiya rajada iyo nolosha wanaagan ee Africa.

Waxa ay xuseen in arrinta Passport-ga ay la wadaagaan dawlada kale(in blacklist), waana marka ay sarif u baahdaan kaliya balse waxaa arrintaas ka caawiyo maamulada jaamacadaha ama ardada ajnabiga saaxibadooda ayaa ka xaliya sidaas waxa kula taliya mamulayasha bangiyada.

Ardadan ayaa sidoo kale ka codsaday safaarada Soomaaliya in adeegyada la xiriira cusboneysiinta Passport-ga iyo documents-kale ay si dhaqso uga helaan marka ay dalbadaan.

Uga dambeyntii ardada ayaa galad weyn u muujiyey sida ay dadka Shiinaha ay u caawiyaan inta ay joogaan halkaas, iyaga oo carabka ku adkeyey in taageradooda aysan ilaabi doonin ayna qalbiga ku hayn doonaan ebed.

Shiinaha ayaa siiyey 98 ardey deeq-waxbarasho sanadihii 2017 iyo 2018-ka iyadoo uu u marsiiyey dawlada Soomaaliya maadaama labada dawladood ay wadaagaayan xiriir saxibtinimo oo ku qotoma iskaashi iyo xushmad.

W/Q:  Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Beijing-China

Dhahar oo caawa u soo gudubtay wareegga Sedaxaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Todobo iyo tobnaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

 

Guddoomiyaha Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ahna Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da) ayaa sheegay in Tartamayaasha Dharkeynley ay qabtay cabasho, balse sida sharciga qabo loo sheegay inay tartanka sii wataan oo la xalinayo tabashadooda, isagoo intaa ku daray in Dharkeynley ay gebi ahaanba diiday in uu tartanka sii socdo oo cabashooda la xalin doono.

“Anshax xumo tii ugu darneyd waaye hannaanka ay u dhaqmeen tartamayaasha Dharkeynley, waana markii ugu horeysay ay tani dhacdo, waxaana ku dhawaaqayaa in sida uu sharciga qabo, Tartanka caawa waxaa badisay Dhahar ” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Tartanka.

Tartanka markii labada degmo la weydiiyay min afar su’aal oo qeybta hore ah, ayaa Dharkeynley waxa ay sameeyeen fal ka baxsan sharciga tartanka, waxaana tartamayaasha Dharkeynley afartii su’aal ee la weydiiyay ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, mana helin wax ka faa’iideysi ah, balse tartamayaasha Dhahar ayaa ka jawaabay saddex su’aal oo ka mid ah afartii su’aal ee la weydiiyay, iyagoo ka faa’iideystay labo su’aal oo soo hareer martay dhigooda Dharkeynley, sidaas darteed Dhahar ayaa caawa heshay 10 dhibcood.

Hadaba kulankii 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Wadajir iyo Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.