Duqa Muqdisho oo Bulshada Boondheere ka dhagaysanaya baahiyahooda. [Sawirro]

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolla Banaadir ayaa ka qeyb galay kulanka ka warqabka Bulshada iyo wacyi gelinta Dadweynaha oo lagu qabtay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Filish, ayaa Bulshada Degmada Boondheere kula dardaarmay in ay xoojiyaan la shaqeynta maamulka, wuxuuna ballan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qaban doono baahiyaha gaarka ah ee ay soo gudbiyeen.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dedaallada uu maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro in lagu abuuro jawi iska warqab ah, si xal loogu helo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Bulshada ku dhaqan Caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...