Turkiga oo cambaareeyay weerararo ka dhacay Soomaaaliya iyo Burkina Faso.

Date:

Dowladda Turkiga ayaa Cambaareysay weeraro geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka kala dhacay dalalka Soomaaliya iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen askar iyo Dad shacab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war kasoo baxay lagu cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Taliska qeybta 12-ka Apriil oo ku taalla agagaarka Garoonka ciyaaraha Stadiom Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka murugeyanahay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Dowladda qeybta 12-ka April ee Muqdisho,weerarkaas oo ay ku dhinteen 8 ruux tiro kalena ku dhaawacmeen, Waxaan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed , waxaan u rajeyneynaa inuu Allah ha u naxariisto kuwa naftooda ku waayey iyo dhaqso u soo kabashada kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” qoraalka kasoo baxay Dowladda Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...