Booliiska Puntland oo gacanta ku dhigay koox ka ganacsanaysay Khamriga.

Date:

Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay xeradda Kabidda oo ku taalla bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Howlgalkan ay sameeyen Ciidamada waxaa lagu soo qabtay Khamri badan iyo rag hubeysan oo ka gacansanaayay maandooriyaha, waxaana inta uu socday howlgalka ay Ciidanka iska caabin kala kulmeen raggii hubeysnaa.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu qabtay 5 kamid ah raggii ka gacansanaayay maandooriyaha Khamriga, halka mid kalena ay Ciidanka dhaawac u geysteen,waxaana goobta howlgalka laga sameeyay ay saldhigga ugu weyn ee lagu iibi jiray Khamriga iyo Maandooriyaasha kale,sida qoraalka lagu sheegay

“Waxaa ciidamada Amniga Puntland , PSF, (PMP BIRMADKA ) iyo Booliska ay howlgal culus ay ka fuliyeen xeradda Kabidda magaalada Galkacyo halkaas oo gabi ahaan ay ciidamada amniga ka howlgalaya gobolka ay gacanta ku dhigeen rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga. Waxaana howlgalka lagu dhaawacay mid kamid ah raggaasi waxaana gacanta lagu dhigey 5 kamid ah oo kuwa ka ganacsada maandooriyaha khamriga oo caadeeystayaal ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...