Home Blog Page 887

Wasaaradda Boostada Oo Daah Furtay Wadatashiga Qabyo Qoraalka Siyaasadaha Hirarka ‘Sawirro’

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda ee XS ayaa daah furtay shir wadatashi ah oo loogana hadli doona qabyo qoraalka Siyaasadaha Hirarka, Lambarada iyo isku xirka waxaana ka qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mas’uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta

Shirkan oo socon doona 30 maalmood ayaa waxaa looga doodi doonaa muhiimadda uu u leeyahay qaadashada ruqsadda Isgaarsiinta ee helitaanka adeegyo tayeysan iyo dhiirigelinta adeegga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha laga doonayo inay aragtidooda ku dhiibtaan mudada uu shirka wadatashiga socdo, waxaana uu sheegay shirkan loogu talo galay in lagu arruuriyo tallooyinka xubnaha ka qeyb galay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bille Nuur oo daah furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay qeyb ka tahay halbeegyada Tubta Dhaqaaalaha, uuna rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan guulo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo qabyo qoraalka Siyaasadaha, Hirarka, Lambarada iyo isku xira.

 

Shir Looga Hadlayo Doorka Odoyaasha Dhaqanka Oo Lagu Qabtay Jowhar

0

Wadatashi ku aadan dib u-eegista waxyaabihii u soo qabsoomay sanadihii la soo dhaafay Maamulka Hirshabeelle oo uu soo qaban qaabiyay Xafiirka Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka wadatashiga ah oo ay ka qeyb galeen madaxda Hirshabeelle, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa diiradda lagu saaray doorka odoyaashu ay ku leeyihiin dhismaha maamulka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadatashigan uu yahay mid muhiim ah.

“In la wada tashto waa wax aad u fiican, laga tashto wixii shalay qabsoomay, labada Gobol dhismahiisa dadkii ka qeyb qaatay ayaad tihiin, mana la inkiri karo kaalinta odoyaasha ay ka qaateen dhismaha Maamulkan”ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed oo daah furay kulanka ayaa ka mahadceliyay qaban qaabada shirka wadatashiga ah ee looga hadlayo doorka odoyaasha dhaqanka.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweyaha labada qodob inay tahay kow doorka odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin maamulka iyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka iyo Odoyaasha, runtii tan iyo bur burkii dalka Odoyaasha dhaqanka ayaa door ku lahaa dhismaha dowladnimada” ayuu yiri Cismaan Maxamed Barre.

Hoggaamiyaha Mayanmar Oo Hortagaysa Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ

0

Hoggaamiyaha dalka Mayanmar Aung San Suu Kyi ayaa Hortagaysa maanta oo talaado ah xarunta maxkamadda ee ICJ ee Hague, iyadoo si weyn loo sugayo kiiska la xiriira xasuuqii ka dhacay dalkaasi ee lagu xasuuqay dadka Muslimiinta ah ee Rohingya .

Haweeneydaasi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maalinimadii Axadii ee la soo dhaafay ka dagtay garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schiphol,waxaana la socday Wouter Jurgens, oo ah safiirka Holland ee Myanmar,

Xafiiska Aung San Suu Kyi ayaa bishii hore xaqiijisay in ay ka qeyb galeyso dhageysiga dacwadda maxkamadda ICJ ee ku saabsan in ay xasuuq u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Rakhin, waxaana la socda koox difaacaysa danaha dalkaasi.

Kiiskaan ayaa ah isku daygii ugu horreeyay ee si sharci ah loogu soo oogo Myanmar, kaas oo la xiriira dilal ballaaran oo loo geysto dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

In kabadan 700,000 oo Rohingya, ah oo u badan muslimiin waxay u carareen dalka deriska la ah ee Bangladesh ka dib hawlgal dhiig badan ku daatay oo ay sameeyeen ciidamada Milatariga Myanmar.

Saacadaha soo socda ayaa la saadaalinayaa in  bannaanbaxyo looga horjeedo hoggaamiyaha Mayamar iyo xasuuqii ay geysatay ay ka dhacaan magaalooyinka dalka Holland.

Shir Muhiim Ah Oo Lagu Soo Gabo gabeeyay Dalka Kenya

0

Shirka dalalka Africa, Kareebiyaanka iyo Baasifiga oo ka socday Kenya ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi, Soomaaliya waxaa u matalayay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo kusaabsan madaxda dalalka ka qeyb galay, isla markaana la soo jeediyay in shanta gobol ee gobollada khaaradda Afrika laga saaro ururka.

“Shirku waxa uu isku raacay in Ururka loo bixiyo magac cusub, halkii laga dhigi jiray IMACP hadda waxa uu noqonayaa OACP oo ah Ururka Dalalka Afrika, Kareebiyaanka iyo dalalka Baasifiga , waxaa kaloo Madaxda Ururka ay soo jeediyeen in Afrika laga dhigo afar gobol, taasi oo meesha ka saaraysa gobol ka mid ah gobolada shanta ah ee Afrika.

Afarta gobol ee la isku raacay waxay kala yihiin Koonfur Afrika, Bariga Afrika, Galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika, waxaana meesha laga saaray Gobolka Waqooyiga Afrika, inkasta oo aan go’aan rasmi ah laga soo saarin soo jeedintan”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Ka shiraya Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in markale ay ka doodaan Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka iyo Ajandayaal kale.

Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ayaa ah mid weli ay Xildhibaannada Golaha ka doodayaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa fikradahooda ka dhiibtay kulankii shalay ee Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka oo maalmahan ay mudanayaasha si adag uga doodayeen Xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Xildhibaannada u sheegay in Golaha uu maalin walba uu shaqeyn doono illaa iyo inta laga ansixinayo sharciga doorasho ee uu ay Soomaalia yeelato.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Waddada isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Xamar Jajab

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax dhigay waddada isku xirto degmooyinka Xamar Jajab iyo Shingaani.

Dhismaha Waddadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka gaadiidka ayaa waxey ka soo bilaabataa Dekadda Muqdisho ilaa dhismihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhismaha waddooyinka burbursan ee Magaalada Muqdisho.

Dhagax dhigga waddadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir,mudane, Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere),qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xiriiriyaha guud ee Gobolka.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha Labada Dal

0

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Magaalada Istambul kula kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga,Mss; Zehra Zumrut Selcuk.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic socota oo ku saabsan xoojinta shaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal.Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo guda-geli lahaa is Af-garad la xiriira horumarinta iyo tababarrada shaqaalaha oo ay Labada wasaaradood horay u gaareen.

Is Af-garadka ay horay u gaareen Labada dhinac ayaa waxaa ansixiyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa Istanbul kaga qeyb galaya shirka Koowaad ee Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada.

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS Sadiiq Warfaa oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Zehra Zumrut Selcuk.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa looga wada-hadlay mashaariicda socda ee ku saabsan xoojinta shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta.

Waxaa kale oo ay ku dheeraadeen inta uu kullanka socday sidii loo guda-gali lahaa is afgarad la xiriiray horumarinta iyo tababarada shaqaalaha oo labada wasaaradood ay horey u gaareen,iyadoo is afgaradka ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee labada dal.

“Sidoo kale waxaan isweydaarsanay aragtiyo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo xukuumadda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa ayaa u jooga Istanbul ka qeybgalka shirka koowaad ee heerka wasiirrada ah ee ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada,halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

Maalinta la dagaallanka Musuq-Maasuqa oo Muqdisho laga xusay

0

Munaasabadda xuska 16aad ee maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa ka socota magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalaya wasiirka cadaaladda,hanti Dhowraha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwaan ee bulshada.

Musuq-maasuqa iyo daah-furnaan la’aanta ayaa waxay   si weyn u cuuryaamiyeen horumarka iyo xasiloonida dalal badan oo ka tarisan wadamada Caalamka, waxaa maanta laga xusaya guud ahaan caalamka maalinta ladagaallanka iyo xakamaynta  musuq-maasuqa Aduunka, la dagaalank musuqa ayaa waxaa saldhig u ahaa awoodsiinta sharciga iyo dhisidda hay’addo daah-furan oo la xisaabtama Eedeymaha musuqa.

Dunida daafeheeda, 9ka Disembar ayaa laga xusaa Caalamka La-dagaallanka Musuq-maasuqa iyadoo ujeedadu tahay in wacyi-gelin laga sameeyo musuq-maasuqa iyo sidii looga hortagi lahaa.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay Qatar

Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa Maanta ka furmay shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkaan looga hadlayo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Shirka waxaa isla shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Soomaaliya waxaa Shirkaan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb gasha Shirkaan.