Home Blog Page 887

Tartamayaasha Warta Nabadda Oo Xalay Kaalinta 3-aad Ku Guuleysatay

0

Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan Oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso warbaahinta qaranka ayaa kulankiisa 30-aad waxa xalay ku tartamay kaalinta 3-aad ee Degmooyinka Warta Nabadda iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Goballada Banaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii  7-aad oo xiriir ah ay taaba gelineyso maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda: -Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Afar iyo toban (14) dhibcood.

Garbahaareey: – Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Warta Nabada, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ayaa caawa ku guuleystay inay galaan kaalinta 3-aad ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 31-aad ee tartanka, waxaa kulanka kama dambeyska ah (Final-ka) ku tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Banaadir iyo Baay.

Guddiga Baarlamaanka Ah Ee Dhammeystirka Hab-raacyada Doorashooyinka Oo Loo Qabtay Muddo Todobaad Ah.

0

Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayay ku sheegeen in shaqadii loo igmaday inta ugu badan ay u qabsoontay inta kalena gacanta ku hayaan dhowaana dhankooda ka soo wareeji doonto.

Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay  in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka.

Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen.

Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka         Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland.

Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.

Tirada Dadka Qaba Covid-19 Ee Caalamka Oo Shan Milyan Kor U Dhaafay

0

Sida ay baahisay Jaamacadda Johns Hopkins, oo uruurisa xogta COVID-19 ayaa sheegtay in tirada dadka qaba ee Coronavirus ay gaartay 5 milyan oo ruux guud ahaan caalamka, sidoo kale 328,000 oo ruux ayaa u dhimatay xanuunkan. Iyadoo ku dhowaad 1.9 milyan oo qof ay ka bogsoodeen.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO ayaa xaqiijisay in 106,000 oo kiisa guud ahaan caalamka laga diiwaan geliyay waana tiradii ugu badneyd oo maalin la soo wariyo, taas oo walaac hor leh abuureysa maadaama COVID-19 uu ku faafayo dalalka saboolka ah.

Dowladda Falastiin Oo Ku Dhawaaqay In Ay Joojin Doonaan Heshiisyadii Ay La Galeen Israa’iil Iyo Maraykanka

0

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu maamulkiisa joojinayo dhammaan heshiisyadii iyo is fahamkii ay la saxiixdeen Israel iyo Mareykanka, oo ay ku jirto amniga.

Madaxweyne Cabbaas ayaa hadalkan ku dhawaaqay,  Talaadadii shalay kaddib markii hoggaamiyayaasha Falastiin ay kulan ku yeesheen magaalada Ramallah.

Go’aanka ayaa yimid isagoo ka jawaabaya soo jeedinta Israel ee ku saabsan in la ballaarinayo dhismayaasha ay ka dhiseyso Daanta Galbeed.

Cabaas wuxuu sheegay inay mas’uul ka tahay dowladda Maraykanka oo raali uga ah falalka Israel iyo go’aanada ka dhanka ah xuquuqda dadka reer Falastiin.

Israel ayaa la filayaa in 1-da bisha Julaay ay dhaqangeliso heshiisyadii ay la gashay Falastiiin, sida ay ku heshiiyeen Ra’iisal wasaare Netanyahu iyo Benny Gantz, oo ah madaxa xisbiga buluuga iyo cadaanka.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay baabi’in doonaan heshiisyada laba geesoodka ah ee ay la galeen Israa’iil haddii ay ka gudubto istiraatijiyadda, taas oo wiiqi doonta xalka labada dowladood.

Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhiso dowlad Falastiin oo ah jasiirad ku xeeran buundooyin iyo burooyin.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in qorshaha Mareykanka uu rabo ay tahay in Israa’iil ay 30% ama-40% ku darsan doonto Daanta Galbeed, oo ay ku jirto dhammaan Bariga Qudus.

Wasaaradda Awqaafta Oo Daah Furtay Wajigii 2-Aad Ee Wacyigalin Diimeedka Ka Hortaga Covid 19+Sawirro

0

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa daah furay wajigii 2-aad ee wacyigalin diimeedka ka hortaga cudurka karoonaa feyruska waxaana iska kaashanaya xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada Awqaafta oo hormuud u ah.

Wasaarada Awqaafta ee Soomaaliya ayaana soo bandhigtay book ka hadlayo sida loo aasayo qofka udhinta cudurkaan covid 19 iyo sidoo kale cod baahiyaal loo qeybin doonaan masaajida ku yaalla caasimada iyo agabyo kale oo qeyb ka qaadanaya ololahan wacyigalinta sida uu sharaxayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafa Cumar faaruuq.

“Waa muhiim in aan tababarno dad ka shaqeeya aaska dadka u dhinta cudurka Covid-19 maadaama loo baahanyahay in la barto habka ugu macquulsan ee looga fijignaan karo faafitaankiisa lana aaso dadka u geeriyooda”sidaas ayuu yir agaasime Cumar Faaruq.

Sheekh Cabdul Jabaar oo ku hadlayay afka culumada iyo Kooshin Cabdi Xaashi oo ka socday Xafiiska Ra.isulwasaaraha dalka ayaa ku booriyay in lagu baraaruga fariimaha dowladda iyo bahda caafimaadka ee looga hortagayo cudurkaan qatarta ee Covid-19.

“Dadweynaha waxaa looga baahan yahay in ay qaataan fariimaha wacyigalinta ee lagu xakameynayo cudurkaan caalamka aafeeyay ee Karoonaa waxaana sidoo kale aan bogaadineynaa dadaalka wasaaradda”ayay yiraahdeen ka qeyb-galayaasha

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan dhuuboow  ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay xooga saarayaan wacyigalinta bulshada iyadoo loo maraya waxa ay diinta ka qabto sida loo wajahayo ka horataga cudurkaaan Karoona.

“Buugaan waxaa ugu talo galnay in dhammaan macluumka looga hortagi karo aan ugu bandhigna bulshada Soomaaliyeed waxaana gaarsiin doonaan dhammaan masaajida ku yaalla caasimada si dadka ugu baraarujino qatarta uu leeyahay cudurka Covid-19 ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Awqaafta Mudane Cismaan Aadan Dhuuboow

Dhanaca kale waxa ay cod baahiyaal oo ay ku jiraan sameecado iyo mikroofano iyo sidoo kale maaska afka lagu xerto ay gaarsiiyeen masjidka al-imaam ee degmada Waaberi  gobolka Banaadir waxaana dhammaan la geyn doonaan masaajida caasimada si dadka looga wacyigalinyo qatarta uu leeyahay cudurkaan safmarka ah ee Karoona Feyruska.

Doorashada Madaxweynaha Burundi Oo Si Habsami Leh U Socota.

0

Dadka Reer Burundi ayaa maanta oo Arbaco ah dooranaya madaxweyne cusub oo beddala madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo xukunka hayay muddo 15 sanno ah.

In kastoo ay jirto khatarta safmarka Corona, haddana dadweyne badan ayaa aroortii horre ee saaka la arkyay iyagoo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay doorashada uga qayb qaataan.

Dalkan oo ay ku nool yihiin 11 milyan, in ka badan shan milyan oo qof ayaa la filayaa inay u codeeyaan madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka, sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Goobaha codbixinta ayaa la furay saaka 6-dii aroornimo xilliga maxalliga ah, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 4ta galabnimo.

Toddobo murashax ayaa u taagan doorashada maanta ka dhaceysa Burundi, waxaana mid kasta uu rabaa inuu beddelo Nkurunziza, laakin fallaqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegeya in labo ka mid ah ay yihiin tartamayaasha ugu sarreeya.

Waxay yihiin Evariste Ndayishimiy, oo ah musharraxa xisbiga talada haya ee CNDD-FDD, iyo musharaxa ugu weyn ee mucaaradka National Congress for Liberty (CNL) ee loo magacaabay Agathon Rwasa.

Musharraxiinta waxay ku ololeeyeen ballan-qaad lagu hagaajinayo dhaqaalaha, in ay shaqooyin u abuuri doonaan da’ yarta, iyo midaynta dalka.

Ololaha doorashada, oo biloowday 27-ka Apriil ayaa soo dhammaatay Axaddii, waxaana hareeyay rabshado aan kala go ‘lahayn oo u dhexeeya taageerayaasha xisbiga talada haya iyo xisbiga mucaaradka ee CNL.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha doorashada, waxaana jira cabsi la xiriirta in ay dhacaan rabshado.

Webiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Ka Tirsan Degmada Mahadaay

0

Webiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga,kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa.

Tuulooyinka uu Webiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule, Shiidle Bari, Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaanno kale, isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay dadkii deganaa ka barakaceen kadib markii uu saameeysay fatahaadda webiga iyadoo sidoo kale fatahaaddu dhibaato baaxad leh ka geysatay deegaanno kale oo aad u tiro badan.

islamarkaana uusan jirin wax gurmad ah ooka yimid dhinaca maamulka Hir-Shabeelle iyadoo aysan jirin wax dadaal ah oo illaa iyo haatan ka muuqda madaxda maamulka Hir-Shabeelle si ay gurmad ugu fidiyaan shacabka ay fatahaadu barakicisay, sida uu sheegay Saalax Fuleel Xaaji oo ah Gud. Kuxigeenka A/Bulshada Degmada Mahadaay ee Gobalka Sh/Dhexe.

Fowsiya Abiikar: “Hadii Aad Isku aragto Fayruska COVID-19 Horey Ugaar Xarumaha Lagula Tacaalo Cudurka ”SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 71 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,573 Xaaladood.

Bukaannada cusub oo 52 kamid ah rag yihiin , 19-na haween ayaa kala jooga Jubaland 46, gobalka Banaadir 17, Somaliland 6 iyo Puntiland 2. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 61.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in ay xanuunka Karoona ka bogsaday 10 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee dadka bogsooday 188.

Wasiirka Caafimaadka i yo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta ka dhalata, sidoo kale qof kasta oo isku arka astaamaha lagu garto COVID19 uu tago xarumaha caafimaad ee loo qorsheeyay in lagula tacaalo cudurka.

Guddiga Ka Hortagga Covid-19 Oo Shir Ka Yeeshay Dabaal-Dega Ciidul Fidriga

0

Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa.

Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19.

Xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.

Wasaaradda C/Fimaadka XF Soomaaliya Oo Xaalado Cusub Diiwaangelisay ‘Sawirro’

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale sheegtay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59.

Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada.