Xukuumadda Soomaaliya oo Gobalka Banaadir ku wareejisay Maamulka Waxbarshada ee Caasimadda Dalka+Sawirro.

Date:

Xukuumadda oo dedaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Ku wareejinta maamulka Gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka Gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in Gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa
munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada Gobalka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane; Mahi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...