QM oo sheegtay in ay kumannaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen.

Date:

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumannaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.

Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelisay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badankood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali  ay hay’adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo badankooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan doceed

Addis AbabA- Intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Cambaareyneysaa Weerarradii lala Beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War-saxaafadeed.Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa...

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...