Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha XFS oo Kulan fogaan arag ah uga qeyb-galay madasha adeegsiga Afsoomaaliga.

Date:

Dood cilmiyeed looga hadlayay Xaaladda Af Soomaaliga ee dhinac  Maamulka iyo ganacsiga, ayna soo qabanqaabisay Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa lagu qabtay barta Zoomka ee Aaladda fogaan aragga!

Dooddaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay Sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , xeeldheerayaal ku taqaqusay afka iyo aqoonyahanno badan.

Sii hayaha Ra’iuslwasaaraha dalka Mudane Mahdi Guuleeed (Khadar) oo ka hadlayay Furitaankii doodaasi ayaa ka hadlay muhiimada uu afku leeyahay, waxaana uu cadeeyay dawladda inuu muhiimad gaar ah siineyso hormarinta iyo xooginta afka Soomaaliga, isaga oo u mahadceliayay Akadeemiyad goboleedka afka Soomaaliyeed ee AGA ee soo qaban qaabiyay Barnaamijkaan lagu xoojinayo afka Hooyo.

“Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeyneysaa horumarinta afka Hooyo si kor loogu qaado kobaca afka isla markaana jiilka cusub ay u bartaan ayuu ku daray hadalkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya Amb Axmed ciise Cawad ayaa sheegay inuu Soo dhawaynayo dadaalka ay Aga ugu jirto hiilka afka Soomaaliga, isaga oo balanqaaday inuu la shaqeynayo bahda ku hawlan daryeelkiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay in Akadeemiyeed goboleedka afka Soomaaliga ee AGA inay xarumo ku leedahay magaalooyinka dalka iyo dibaddiisa iyo sidoo kale qaar ka mid ah gobolada Soomaalida ay degto sida Kenya iyo Itoobiya waana macquul inay xarumahaasi ay door ka qaataan dib u kobcinta afka Soomaaliga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...