Home Blog Page 880

Madaxda Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Qoraa Maxamed Baashe

0

Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxa uu ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxman iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Marxuum Maxamed oo ahaa aqoonyahan ayaa kaalin weyn ku lahaa keydinta taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo. Aamiin, Aamiin.

 

Innaa Lillahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Guddiga Qaranka Oo La Kulmay Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha Maamulada Gobollada Dalka

0

Guddiga hoosaadka Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada Iyo Amniga Ee Golaha Shacabka ayaa la kulmay Guddiga Madaxbannaan Ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).

Iyadoo ajendaha kulanku ahaa in GMDQ laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddi hoosaadkani.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xil. Maxamed Cabdulle Faarax “Geesey”.

Taliska Boliiska Oo Gacanta Ku Dhigey Xubno Ka Tirsan Alshabaab

0

Afhayeenka Ciidanka Booliiska, Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in howlgal ciidanku ka sameeyeen degmada Dharkenley lagu soo qabtay nin ka tirsan Alshabaab, kaas oo hadda ku jira gacanta dambi baarista Booliiska ee CID.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan C/laahi Salaad, kaas oo sida afhayeenku xusay laga soo qabtay 15 bishan xaafadda Dabakaayo- Madow ee degmadaas, waxaana ninkan oo ka tirsanaa kooxda Amniyaadka ee argagaxisada Alshabaab isaga iyo kuwo kale oo lala soo qabtay Studio lagu kireeyo Cajaladaha Filimada iyo Heesaha Jaaska lagu ciyaaro oo ay ku lahaayeen xaafadaas.

Waxa ay u muuqataa in u jeeddada Studiyahan ay u furteen ay ahayd sidii aan looga shakin laheyn falalkan guracan oo ay ku lug leeyihiin, maadaama dadka intiisa badan argagaxisada ka aaminsan yihiin wax ka duwan kireynta heesaha Jaaska, laakiin waxaad ogaataa in Alshabaab ku jiraan dambi ka weyn midka kaas ka weyn oo ah baneysiga dhiiga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale, waxa uu ka warbixiyay howlgalada amniga lagu sugayo oo ciidanku ka wadaan caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah.

Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Heshiis Ku Gaaray Jabuuti +Sawirro

0

Shirarkii maalmihii la soo dhaafay Jabuuti ugu socday guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa la soo gabagebeeyay isla markaana laga soo saaray heshiis.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:-

1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac.

3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti.

4 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha hawada, kuwaasi oo muddo 15-cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti.

5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqeyn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxayna 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan waxqabadka guddi hoosaadyada.

Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda.

Wafdigii Qatar Oo Gaaray Kismaayo, Xarigga Ka Jaray Mashaariic Hormarineed “Sawirro”

0

Wafdi uu hogaaminayo safiika Qatar ee Somaaliya Xasan Xamza ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan Golaha wasiiradda maamulka Jubbaland oo soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha ayaa xariga ka jaray mashaariic hormarineed oo loogu talagalay caruurta agoonta ah ee ku nool jubbaland.

munaasabaddan oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ahayd daah-furka mashaariicda horumarineed ay Dowladda Qatar ka wado gudaha dalka. Masuuliyiinta Jubaland iyo wafdiga safiirka oo kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Juballand  Axmed Maxamed islaam  (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa xariiga ka jiray mashruuc horumarineed oo lagu xanaaneeyn doono caruurta agoonta ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowlada Qatar mashaariic hormarineed ee ay ka wado gudaha dalkeena Soomaaliya.  Mashruuca Qatar oo dhinacyo badan taabanaya ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga faa’iideysan doonaan gaar ahaan caruurta agoonta ah.

Xasan Xamza oo ah Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo ka dib markii uu soo dhammaaday kulanka la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in si wadi doonaan taageerada dadka danyarta iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Agab Caafimaad Kala Wareegtay Itoobiya “Sawirro”

0

Wafdigani uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya mudane Axmed Shide ayaa goordhow soo gaaray caasimadda Jamhuuriyadda ee Muqdisho.

Wafdigani wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa waxaa ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Ridwaan Xuseen iyo xubno kale.

Wafdiga waxay DFS soo gaarsiiyeen daawooyin iyo agab caafimaad oo lagula tacaalayo faafidda COVID-19 oo qiimahoodu gaarayo nus million doolar.

Agabka deeqdan ayaa waxaa la wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u soo gaarayay deeqo uga imaanayay qaar ka mid ah wadamada caalamka kuwaasoo daawo iyo qalab caafimaad oo u badan kuwa looga hortago cudurka Karoona soo gaarsiiyay dalka, waxaana wadamadaasi ka mid ah sida Turkiga iyo Qatar.

Dood-Wadaag Looga Hadlayay Xal Uheliida Colaadaha Mudug Oo Gaalkacyo Ka Dhacay “Sawirro”

0

Dood wadaag looga hadlayay sida xal-waara looga gaari karo colaadaha ku soo noq-noqday deegaannada Gobalka Mudug oo ay soo agaasimeen Madasha Nabada iyo Is dhaxgalka dhallinyarada Mudug oo gacan ka helaya Hay’adda Cilmi baarista iyo Nabada Puntland ee PDRC ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goballeedyada Puntland iyo Galmudug, aqoon-yahanno,siyaasiyiin Iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

intii ay socotay Dooddu ayaa waxa ay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadii ka qeybgashay ay su’aalo ka waydiiyeen masuuliyiin iyo siyaasiyiintii oo iyaguna faah-faahin ka bixiyay sida xal-waara looga gaari karo colaadahaasi.

Jeneraal Cabdi Wali Jaamac Xuseen (Gorad) Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ugu horeyn ka hadlay sida xal waara looga gaari karo colaada Gobalka.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey oo ka mida shaqsiyaadka lagu xasuusan doono mustaqbalka nabada xiligaan ka jirta magaalada Gaalkacyo  ayaa isna sheegay in marka hore iskaashi la sameeyo isla markaana cadaaladda laga shaqeeya.

Qaar ka mid ah dhallinyarada Madasha Nabada Iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan daadaalada nabada iyagoo dhanka kale ka hadlay doorka ay dhlalinyaradu ka qaadan karaan dib u hishiisiinta dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan sida xal waara loogu heli lahaa colaadaha ku soo noq-noqday deegaannadaasi.

Dowladda Soomaaliya Oo Markale Dib U dhigtay Furitaanka Duulimaadyada Gudaha

0

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi Salaad {Oomaar} oo la hadlay goordhow Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mar kale dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada sabab la xiriirta iyadoo laga taxadarayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo laga taxadirayo weli aysan suuragal aheyn in lagu deg-dego furitaanka duuliyaadyada iyadoon la helin cadeymo muujinayo in khatarta cudurka safmarka ah laga adkaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii bishii Maarso ee sanadkan 2020 hakisay duuliyaadyada gudaha si looga taxadiro faafitaanka cudurka Covid-19 waxaana sidoo kale la fasaxay diyaaraha qaada Raashinka iyo daawada iyo waxyaabaha kale ee quutul daruuriga ah bulshada sidoo kale waxaa ay hakisay duuliyaadyada caalamiga ah taariikhdu marka ay aheyd 18-kii bishii Maarso ee sanadkan sababo la xariira cudurka Covid-19.

Barlamaanka JFS Oo Laga Codsaday Meelmarin Hindise Sharciyeedka Jinsiga+Sawirro

0

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen urrurada Arrimaha Xuquuqda Haween oo kala ah SSWC, IIDA Iyo SWA ayaa looga haylayay sidii loo meelmarin lahaa hindise shariciyeedka  jinsiga oo haatan horyaala Barlamaanka  Iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ay leeyihiin ee doorashada xigta ee 2021-ka.

Aamino Xaaji Cilmi, Guddoomiyaha Hay’adda SSWC, Sahro Maxamed Axmed Guddoomiyaha SSWDC iyo Duniyo Maxamed Cali (Carshaan) oo ah Guddoomiyaha Hay’adda IIDA ayaa ka hadlay muhiiimadda sharcigan uu u leeyahay haweenka Soomaaliyeed guud ahaan iyagoona ka codsaday in barlamaanka si dhaqsi ah uga shaqeeyaan meelmarintiisa iyagoo xusay muhiimadda hisdise sharciyeedka uu u leeyahay sidii looga hortagi lahaa xadgudubyada loo geysto haweenka.

Nasro Xasan Guhaad oo ku hadlaysay magaca ururada Bulshada Rayidka ayaa sidoo kale warbaahinta u akhrisay war murtiyeed ay soo saareen waxaana ay sheegay in sharcigan uu laf dhabar u yahay in wax laga qabto xad-gudubyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliya.

Wasiiradda Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii bishii  June ee sanadkii 2018-kii barlaamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka Jinsiga waxaana haweenka maanta ku kulmay ay ka codsadeen in sharciyaasi lagu soo daro ajandayaasha ugu horeeyay oo ay ka doodi doonaan barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.