Wasiirka Amniga Galmudug oo boggaadiyey dhalinyaro la dagaalamay Argagixisada Al-shabaab “Sawirro”

Date:

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Macalim Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, Taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, Taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo kooxaha aragagixisada ah  oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka kooxda argagixisada ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah arxanlaawayaasha Alshabaab.

Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay argagixisada ka nadiifin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana wasiirka iyo saraakiisha ay bogaadiyeen dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah ay wadaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan naftood hurayaasha geesiyada ah, isla markaana ay ciidamada qalabka sida sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

 

 

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...