Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan is-wareysi ah la qaatay bulshada iyo maamulka magaalada Sama-reeb+Sawirro.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa xalay kulan is-wareysi ah la qaatay dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug.

Qaar kamid ah dhallinyarada kulanka ka qeyb gashay oo dareenkooda ku muujiyay habab kala duwan oo gabayo ay ku jireen ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay sida uu uga aqbalay kulankooda waxeyna ku boggaadiyeen sii wadida horumarka caasimadda.

Guddoomiyaha degmada Sama-reeb mudane C/raxmaan Cali Maxamed ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay dadaalka uu u galay in gobolka Banaadir Aqalka sare uu ku yeesho metelaad uu hadda tilmaamay in ay waxyar ka dhimantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mahadceliyay kulanka ayaa dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii joogteeyaan amniga oo nolosha u ah udub dhexaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...