Home Blog Page 881

Madaxweynaha JFS oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey martigelinta shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland+sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed.

“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaheenna Soomaalland.

“Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”

Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Mudane Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Jabuuti.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa goordhaw ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan  wadahadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada Capetown ee dalka Koofur Afrika.

0

Allaha u naxariistee waxaa  Magaladda Cape Town ee Dalka South Africa lagu dilay  Abdirahman Moalin Ali Waxaana Sidoo kale la dhaawacay labo Wiil Africa iyagana ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay.

Allaha u naxariistee Abdirahman ayaa waxaa Dilay burcad koonfur Afrikan ah waxayna dhac ka Gaysteen goobtiisa ganacsi oo ku Taala duleedka Magaladda Cape town

South Africa waxaa ku soo badanaayo Dilka labo isbuuc Guduhooda waxaa Magaladda Capetown Ee Gobolka Western Cape lagu Dilay 3 Qof halka Magaladda Rustenburg lagu dilay Muwadin kale Sidoo kale Magaladda Caasimadda ah ee Pretoria iyadana Police South Africa jirdil ay u geysteen Abdi Nuur oo markii Dambe uu u geeriyooday tiradda Guud ayaa marayso 5 Muwadinin Somaliyed.

Madaxweyn Galmudug oo gaaray deegaanka Bandar-qaali ee gobolka Mudug

0

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa gaaray deegaanka Bandar qaali isagoo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Barlamaanka Galmudug iyo sidoo xildhibaano Ka tirsan golaha shacabka DFS.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen bañdar qaali kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha bulshshada deegaankaasi kulmo ay uga xag wareysanyeen xaaladda deegaanka ay ku noolyihiin.

Gudoomiyaha deegaanka Bandar-qaali Sheekh Muxyadiin Axmed Garre oo ka hadlay kulanka  ayaa Ka warbixiyay horumarada Ka jira deegaankaasi sida isku tashiga leh ay ku gaareen Bulshada deegaankaasi horumarka dhanka  waxbarashada,caafimaadka ,amniga iyo adeegyada kale ee aas aaska u ah nolasha aadanaha.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Galmudug Axmed Cabdi jaamac ayaa isna bogaadiyay horumarka ka muuqanaya deegaanka Bandar-qaali oo uu tilmaamay in ay yihiin bulsho ku dayasho mudan maamulka Galmudug naa uu kasoo bixiidoono  waajib loogu leeyahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan baahiyada dhameystirka u baahan Isagoona tilmaamay in reer Bandar-qaali ay ku dayasho iyo tusaale u noqan doonaan dhamaan Galmudug.

Midowga Africa oo baroor diiq u sameynayo Madaxweynihii  Burundi ee geeriyooday

0

Muqdisho(SNTV)-Hawl-galka Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay hoos u dhigayaan calanka Midowga Africa ee suran xaruntooda Muqdisho, magaalooyinka kale iyo dhamaan fariisimaha ay ku leeyihiin Soomaaliya si ay xurmo uga sameeyaan madaxweynihii Burundi, Pierre Nkurunziza oo geeriyooday asbuucii hore.

Madaxa AMISOM, Ambassador Modera oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Pierre si madaalenimo ah uu ugala shaqeeyey midowga Africa sidii nabbad iyo amaan looga dhigi lahaa Soomaaliya.

Modera ayaa faray xarumaha AMISOM in ay calanka Midowga Africa hoos u dhigaan ilaa laga gaarayo habeenka Salaasada saqda dhexe, June 16, taasi oo ah xus, ay ku xushmaynayaan kaalintii Madaxweyne Burundi uu ku lahaa hawsha aya ciidankaasi ka hayaan dalka Soomaaliya.

Ciidanka Burundi ayaa kamida ciidanka AMISOM ee mudada ka badan 10-sano hawl-galka nabbad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya, waxaana ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo labada Shabelle.

Shiinaha oo xayiraad ku soo rogay qaar ka mid ah Suuqyadda Beijing Cabsi laga qabo labo Covid-19

0

Suuqyada waaweeyn ee magaalada Beijing ayaa si ku meel gaar ah loo xiray cabsi laga qabo in uu halkaasi mar labaad ku faafo xanuunka halista ah ee Covid 19.

Xayiraada Suuqyadaan ayaa waxaa soo jeediyay Guddiga Caafimaadka Qaran ee Shiinaha ee loo yaqaano (NHC), waxayna sheegeen in lix xaaladood oo cusub oo Corona virus ah  laga helay Xaafadda ku teedsan Suuqyada magaalada Beijing.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah dadka cudurka qaba ay ka shaqeeynayeen suuqa xayiraada la saaray.

Waxay sido kale la xayiray suuqyada lagu iibiyo Hilibka kalluunka  ee Jingshen waxayna maamulka halkaasi ka arimiyo ay amar ku bixiyeen in la baaro iyo dhammaan suuqyada cuntada jumlada ah lagu iibiyo ee ku yaala magaalada Beijing.

Hay’ada Caafimaadka Aduunka oo ka walaacsan xaalada Covid-19 ee ka jira Koonfur Afrika

0

Muqdisho:-(SNTV)-War qoraal ah oo ay soo saartay hay’ada caafimaadka Aduunka ayaa la gu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ka jirto xaalad aan la dhaliilsan Karin mkadib markii ay sii kordheen kiisaska Corona Virus.

Sida la xaqiijiyay gobalada kala duwan ee dalkaasi waxa maalintii shalay laga diwaangeliyay 3,359 Xaaladood oo Covid-19.

Sidokale Warbixin oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Koonfguud ahaan dalka laga diwaangaliyay in ka badan 61,9270 xaaladood, tiridaasi oo ka dhigeysa in xaaladahii ugu badnaa ee laga helo wadamada Afrika.

Ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meelood kiisaska Koonfur Afrika waxay ku sugan yihiin gobolka Galbeedka Cape oo xuddun u ah magaalada Cape Town.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee  qaarada Afrika ayaa dhawaan sheegay in dalka Koonfur Afrika uu ku socda Wadadii ay mareen wadamada Yurub iyo Mareykanka, waxayna ku baqeen in gurmad deg deg ah loo sameeyo Koonfur Afrika.

Muwaadiniin Ka Soo Amba-Baxay Turkiga Oo Ku Soo Wajahan Hargeysa

0

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maanta waxaa saakay ka soo ambabaxay 94 qof oo muwaadiniin Soomaali ah oo dhammaan ku wajahan  magaalada Hargaysa.

Muwaadiniintan oo ay soo qaadday diyaaradda Daallo Airlines waxa ay in muddo ku xanibnaayeen dalkan Turki-ga sabab la xiriirta xayiraadda uu sababay COVID19.

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac C/laahi Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dib u soo guryo noqoshada muwaadiniintani.

“Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dib ucelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka turkiga ,Gaar ahaan waxaa uu uga mahadcilyay dowladda Turkiga oo muwaadiniintaan u ogolaatay inay dalkooda ku laabtaan”Ayuu yiri Danijre Ceydiid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore dalkaasi turkiga uga soo daad gureysay muwaadiniin ku xanibnaa kuwaasi oo laba jeer laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Lafta-Gareen Oo Sheegay In Dhowaan La Furayo Goobaha Waxbarashada K/Galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) oo ku sugan degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka hadlay caqabadaha waxbarasho ee xilligan ka jira deegaanada  Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegay in deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato.

Sidookale Madaxweyne laftagareen ayaa waxaa uu sheegay in Bisha July ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira COVID-19, si loo bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka 8-aad.

Xaaladaha Xanuunka Covid-19 Ee Mareykanka Oo Sii Kordhay

0

Khuburada caafimaadka ayaa aaminsan in Coronavirus ay u dhiman doonaan 200,000  oo Amerikaan ah marka la gaaro bisha September ee sanadkan, sida uu sheegay Ashish Jha, oo ah madax Machadka caafimaadka ee Jaamaacadda Harvard ee  Global Health Institute, xilli kiisaska COVID-19  ee Mareykanku dhaaftay labo milyan.

Tirada dhimashada ee dalka Mareykanka ayaa maraysa in ka badan 113,000 ruux.

In ka badan  7.36 million  ruux ayaa guud ahaan caalamka laga xaqiijiyay in ay qabaan Coronavirus iyadoo dhimashada ay tahay  416,000, sida laga soo xigtay Jaamacada Johns Hopkins oo isku howsha in ay uruuriso xogaha la xiriira saf-marka COVID-19 ee caalamka