Malleeshiyada Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Buuraleyda Galgala.

Date:

Dowlad goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maleeshiyad Al-shabaab iyo ciidanka Puntland ku dhex maray buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/le Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 10 ka tirsan argagaxisada Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay nolosha ku qabteen maleeshiyaadkii isku dayay in ay weeraraan ciidanka Puntland, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in cadaaladda la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Weerarkaan ayaa maleeshiyada Al-shabaab waxaa ka soo gaaray jab xooggan oo isugu jira dhimasho,dhaawac iyo dad nolosha looga qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...