Ra’iisul Wasaaraha Bakistan oo sheegay in aysan aqoonsaneyn Israel.

Date:

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqoonsan doonin Israa’iil, ilaa ay halkaaasi ka jirto dowlad Falastiin ah oo ay aqbali karaan Dadka reer Falastiin.

Hadaladan Imran Khan ayaa imanaya maalmo kadib markii heshiis uu Maraykanku dallaal ka yahay uu dhex maray Imaaraadka Carabta UAE iyo Israa’iil,kaas oo qeexaya in caadi lagu soo celiyo xiriirka labadai Dal.

Wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ah ee Dunya News, ayuu Khan ku sheegay xukuumadda Islamabad ineysan raaci doonin arrinta la xiriirta aqoonsashada in Israel  ay tahay Dowlad.

Waxkastoo dalku sameeyo, mowqifkeenu waa mid aad u cad,arintaasina waxaa cadeeyay aasaasihii Pakistan] Quaid-e-Azam Muhammad Ali Jinnah  oo sanadkii 1948 xusay in aan la aqbali doonin Israa’iil inta Falastiin ay helayaan xuquuqdooda ”ayuu yiri Khan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...