Cudurka COVID-19 oo ku soo roogaal celiyay Turkiga.

Date:

Turkiga ayaa wajahaya labo kacleyn cusub ee safmarka COVID-19-ka ah, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca, iyadoo dowladdu soo rogtay xayiraado hor leh oo lagu xakameynayo cudurka sida xafladaha aroosyada iyo goobaha kale ee bulshada isugu timaado.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in kiisaska cusub ay gaarayaan 1,596, iyadoo 45 qof ay u dhinteen safmarka.

Koca ayaa saxaafadda la hadlay ka dib markii uu soo dhammaaday kulan uu kula lahaa magaalada Ankara koox dhakhaatiir ah, waxaa uu sheegay in tirada cudurka si deg deg ah u kordhayso.

“Waxaa na heysata iminka wajigii labaad ee safmarka COVID-19. Taxadir la’aanta xafladaha aroosyada, goobaha cibaadada ayaana sabab u ah halka aan maanta joogno,” Koca ayaa sidaa yiri, laakiin waxaa uu intaas raaciyay in xukuumadda xilligan qorshaha ugu jirin in ay soo rogto xayiraad cusub.

Hadalka wasiir Koca, ka dib xukuumadda ayaa soo saartay xayiraad lagu xadidayo tirada dadka ka qeybgalaya xafladaha aroosyada, joojinta meelaha laga cunteeyo iyo meelaha kale ee dadweynaha isugu yimaadaan.

Dhakhaatiirta iyo ururada caafimaadka Turkiga ayaa sheegaya in isbitaalada buux dhaafeen. Iyadoo maayarada magaalooyinka Istanbul iyo Ankara xukuumadda ku dhaliileen in ay hoos u dhigayso saameynta safmarka COVID-19.

Tirada dhimashada cudurka COVID-19 ee Turkiga ayaa meesha ugu sareysay waxay gaartay bartamihii bishii May, iyadoo kiisaska cusub ee cudurkay kordheen bartamihii bishii Juun, waxayna dowladda khafiifisay xayiraadka dhammaadka iska bishaas.

Kiisaska COVID-19 ee Turkiga ayaa hadda maraya 273,301, sida wasaaradda caafimaadku sheegtay halka dhimashada ay tahay 6,462.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...