Beeraleyda magalada Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda.

Date:

Beeraleyda degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa cabasho ka muujinaya dhac iyo burburin loo geesto dalagyada beerahooda marna laga qaato qalabka beeraha ay ku waraabinayaan taasi oo caqabad ku noqotay wax soo saarka beerahood.

Macallin Ibraahim Aadan waxa uu ka mid yahay beeraleyda soo saarta qaybaha kala duwan ee qudaarta waxa uuna u iib geyn jiray suuqyada magaalada Xuddur,waxaa beertiisa usoo dhacay tuugo sida uu u sheegay warbaahinta dowladda.

Macallin Ibraahin ayaa waraabinta beertiisa u isticmaali jiray ceel-biyood uu saaray matoor si uu ugu waraabiyo beer ay ka baxdo qudaarta oo uu lahaa, balse wuxuu sheegay in laga dhacay matoorki uu u isticmaali jiray waraabka.

Beeraleyda Xuddur ayaa sheegay in ay kordhiyeen wax soo saarka beeraha, hase ahaatee waxey tilmaameen in ay meesha ka maqantahay kaalinta wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur galbeed iyo hay’adaha kale ee ay quseyso.

Beeraha degmada Xuddur ayaa waxaa ku tiirsan bulsho farabadan noloshooda, balse waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga yimid tuugo caadeysatay dhaca beerahooda, waxeyna maamulka degmada iyo kan gobolka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan arrintaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...