Home Blog Page 872

Abiy Axmed Oo Ka Jawaabay Hadalkii Trump Ee Abaalmarinta

0

R/Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in haddii Madaxweynaha Maraykanka Donal Tramp uu u arko in isagu u qalmo billadda nabadda adduunka ay la gudboon tahay inuu dacwad u gudbisto guddiga caalamiga ah ee abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace.

Arrintan ayaa jawaab u ah hadalkii Donald Trump ee ahaa in isagu u xaq lahaa abaalmarintii nabadda laakiin la hareer mariyey, inkastoo Trump uusan xusin magaca qofka la siiyay balse hadalkaas ayaa u muuqday mid hoos u dhigayey in R/Wasaaraha Ethiopia uu u qalmo iyo in kale Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019.

R/Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed wuxuu sidoo kale sheegay inuu san waxba ka ogayn heerarka ay soo martay iyo sababaha ay guddigu ugu doorteen in isaga la siiyo billadda nabadda adduunka, balse uu ogyahay oo kaliya in bulshada caalamku ay ku amaaneen qaabkii uu waddankiisa Ethiopia u hirgeliyay heshiiskii nabadeed ee ay Ethiopia la gashay dalka deriska la ah ee Ereteriya oo ay mudo dheer ka dhex aloosnayd colaad raagtay oo galaafatay nolosha kumanaan qof oo u kala dhashay Ethiopia iyo Ereteriya, taasoo god dheer ku riday xiriirkii labada shacab.

”Waxaan ahay mas’uul u shaqeeya in la adkeeyo nabadda iyo xasiloonida deriska iyo caalamka laakiin uma shaqeeyo inaan helo abaal marin” mar uu ka hadlayay isagoo jooga caasimadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Guddiga doorashada Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada  

0

Gudiga  qaban qabadaa  doorashada Galmudug ayaa soo saaray habraca doorashada lagu qaban doonno Galmudug, sida lagu xusay warqaad kasoo baxay gudiga  jadwalkaan ayaa soo baxay maantay oo Isniin ah.

lifaaqa hoose ka  Akhriso Jadwalka  

Ciidanka Danab oo la wareegay deegaanka Tooratoorow

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ciidanka sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow.

Degmada Tooratooroow oo qiyaastii 50 KM ujirta degmada Wallaweyn gobolka Shabellaha hoose iyo deegaano kale oo hoos taga ay  gacanta ay ku dhigeen ciidanka Danab  waxaa sidoo kale ay gacanta ku dhigeen ciidanku  horjoogihii ugu sareeyay maxkamadda argagixisada ee deegaankaas.

Ciidamada weli waxa ay wadaan howlgalka iyadoo la burburinayo xarumihii argagixisada ay ku lahaayeen Tooratoorow.

 

Ruushka oo martigalinaya maanta shir looga hadlayo xaaladda dalka Libya

0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in maanta oo Isniin ah Moscow ay ku kulmi doonaan ra’iisal wasaaraha dowladda QM ay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli iyo hoggaamiyaha maleeshiyaadka dowladda la dagaallamaysa.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka Interfax, Ra’iisal wasaare Fayez al-Sarraj, oo madax u ah dowladda la aqoonsan yahay ayaa caasimadda Ruushka kula kulmi doona Khaliifa Xaftar oo madax u ah malleeshiyaad ku sugan bariga Libya.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ka taagnaa jahwareer tan iyo markii meesha laga saaray hoggaamiyihii mudadda dheer ka arriminayay dalkaas Mucammar Qadaafi, oo lagu afgambiyay kacdoon ay taageerayeen gaanshanbuurta NATO sannadkii 2011.

Wadankan hodanka ku ah saliida ayaa tan iyo markii ay ka sameesmeen labo maamul oo iska soo horjeedaa kuwaasoo kala fadhiya bariga iyo galbeedka, waxaa uu noqday dal sii burburaya, iyadoo ay jirto khilaaf soo jiitamayay oo u dhexeeya awoodaha shisheeye.

Tan iyo bishii April, dowladda QM ay aqoonsan tahay, waxa ay la kulmaysay weerar uga imaanayay maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Xaftar, kaasoo 6-dii Janaayo qabsaday magaala xeebeedka istiraatiijiga ah ee Sirta.

Weriyaha Al Jazeera ee ku sugan Moscow ayaa sheegtay in kulanka labada dhinac maanta uga furmaya Moscow la filayo inuu noqdo “kulan dheer”.

“Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in wufuud ka socota Masar iyo sidoo kale Imaaraadka Carabtu ay goob joog ka noqon doonaan xafladda lagu furayo kulanka ka dhacaya Ruushka, wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidaas noo sheegtay sidoo kale waxaa la filayaa in kulanka uu qaato 10 saacad ama ka badan” ayey tiri weriyaha Al Jazeera ee Moscow.

Madaxweyne Farmaajo Oo Cuman Uga qayb galaya Aaska Loo Sameynayo Suldan Qaaboos

0

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada aanu walaalaha nahay ee Cumaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariiskee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo dheer.
Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman.
Labada dowladod ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qadaqabsi.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Sheegay in aysan Ogayn Qorshayaal Ay iiraan Ku Weerarayso Qaar Ka Mid Ah Safaaradaha America ee Caalamka.

0

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuusan arkin  xog ay ka heleen ama ka timid saraakiisha sirdoonka maraykanka taasoo tilmaamaysa in Iiran ay qorsheyneysay inay weerarto afar safaaradood oo maraykanku ku leeyahay dalalka caalamka, arintan oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u tilmaamay kadib dilkii General Qaasim Suleymaani.
Esper ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Trump ku raacsan yahay xogta tilmaamaysa inay dhici karaan weerarro kale oo lagu qaado safaaradaha Mareykanka ee caalamka, laakiin ilaa hadda ma muuqdaan tallaabooyin ka dhan ah safaaradaha America ee caalamka.
Xoghaye Esper ayaa intaa ku daray in dhamaan safaaradaha maraykanka ee caalamka uu la wadaagay arrimaha tilmaamaya suurta galnimada inay dhici karaan weeraro ka dhan ah safaaradaha isla markaana uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Wixii ka danbeeyey markii la xaqiijiyey geerida Qassem Soleimani oo ku dhintay duqayn xagga cirka ah oo Mareykanku ka geystay caasimadda ciraaq ee Baqdaad, waxaana dawladda maraykanku ay u aragtaa dilka sulaymaani in ay ka hortageen khatar halis ku ahayd dibloomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dhamaan dalalka bariga dhexe.

Xabbad joojintii dalka Libya oo burburtay

0

Xabbad joojinta burburtay ayaa bilaabatay maalin kahor, kadib markii Dowladda Libya ay cadaadis kala kulantay dalalka Ruushka iyo Turkiga, si ay u aqbasho.

Dowladda ay Qaramada midoobay aqoonsan tahay iyo jabhadda uu hogaamiyo Jeneraal Khalifar Haftar ayaa sheegay in dagaal uu ka bilawday meel aan ka fogeyn caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Wakaaladda wararkaee Reuters ayaa kusoo warrantay in maalintii axadda dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo badan oo duleedka caasimadda.

Dowladda Turkiga ayaa toddobadkii lasoo dhaafay ciidamo u dirtay dalkaas, si ay gacan u siiyaan Dowladda.sidaa waxa lagu Qoray BBC Qeebta somaliga

Jeneraal Haftar ayaa waxaa uu taageero ka heystaa dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraatka iyo Urdun, taas oo keentay in dalka shidaalka leh ee Libya uu noqdo goob horleh oo ay ku dagaalamaan dhinacyada isku haya bariga dhexe, ayna noqoto Suuriyada labaad.

Dalka Libya ayaa qalalaaso ku jiray tan iyo sanadkii 2011, xilligaas oo uu bilawday kacdoon xilka lagaga tuuray hogaamiyihi mudada dheer kasoo talinayay dalkaas ee Muammar Gaddafi.

Ciidamada Qaranka ee dalka Libya ee daacadda u ah Jeneraal Haftar waxaa ay maamulaan inta badan bariga dalkaas. Waxaa ay duulaan ka dhan Dowladda fadhigeedu yahay Tripoli bilaabeen sanadkii 2019-ka, inkastoo aysan ku guuleysani in ay la wareegaan caasimadda haddana waxaala sheegaa in ay gacanta ku hayaan inta badan dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga iyo dhiggiisa Ruushka ayaa ku baaqay xabad-joojin, kadib markii ay ku kulmeen magaalada Istanbul.

Al-Mabrouk al-Gazawi oo katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in maleeshiyaadka Haftar ay jabiyeen xabad-joojinta, wuxuuna intaa raaciyay in ay adeegsadeen hub noocyo kala duwan.

Dowladda Libya ayaa markii hore diiday in ay aqbasho xabad joojinta, inkastoo markii dambe ay dib ka aqbashay.

Ciidamada XDS oo soo dhoweeyay maleeshiyaad ka soo goostay al-Shabaab

0

Malleeshiyaad ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa  isku soo dhiibay  ciidamada XDS ee ka howlgala gobolka Gedo..

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo bandhigay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan  kooxda.

Labadan nin ee lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayna hadda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada XDS ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda iyo iyagoo yaqiinsaday in mas’uuliyiinta dowladdu ay soo dhaweynayan dhallinyarada ka soo tagta Shabaab.

Ciidanka Booliiska oo hawlgallo kawadda magaalada Jowhar

0

Bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar oo si diirran u soo dhaweeysay howlgallo ay ciidamada booliisku ka billaabeen xaafadaha magaaladaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi,  loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro  ah ka wada halkaasi.

Wariyaha nooga soo warama magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in  ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo  ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsoonibadan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri Abuukar Maxamed Bacadle oo u saaka u waramay Newsroomka warbaahinta Qaranka.

Ammaanka magaalada Jowhar oo markii horeba hagaagsanaa ayaa haddana howlgalkani wuxuu bulshada ku dhiirrigelinayaa in ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, maaddaama ay ciidamadu habeen iyo maalin ku suganyiihiin xaafadaha magaalada Jowhar.

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamanka labaad Galmudug oo diyaarinaya habraaca doorashada.

0

Xubnaha Baarlamanka Galmudug ayaa fadhi ay shalay ku  yeesheen Dhuusamareeb ku doortay guddi suurta geliya doorashada guddoonka Baarlamanka labaad ee Galmudug kaasoo ka kooban 15 xubnood.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in guddiga shalay la doortay uu hadda ku howlanyahay diyaarinta habraaca doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug, isagoo intaasi raaciyay in guddigaasi laga sugayo shuruudaha doorashada guddoonka cusub baarlamanka labaad ee Galmudug.

Sidoo kale guddigan shalay la doortay ayaa hadda ku howlan diyaarinta shuruudaha looga baahanyahay musharaxiinta u tartameysa guddoonka baarlamanka Galmudug.

“Shalay waxaa la soo gudbiyay sadax xubnood oo ka mid ah lix ka dhinneyd tirada guud ee  xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Galmudug kaasoo ka kooban 89 mudane,  sadexda harsanna dhawaan ayaa lagu wadaa in la soo gudbiyo si loo dhameystiro xubnaha baarlamanka labaad ee Galmudug” sidaasi waxaa yiri Maxameddeeq Cabdi Maxamed oo saaka u waramay warbaahinta Qaranka.

Dhinaca kale guddiga farsamada ee waday howsha dhismaha Galmudug ayey u muuqataa in shaqadiisii ay gabagabo tahay, iyadoo shaqada inta harsan uu la wareegidiino haddii la doorto gudoonka baarlamanka Galmudug