Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo booqday bar-xuduudeedka Qeydar.

Date:

Kormeerkan uu Gaashaanle sare, Maxamed Aadan Koofi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu ku tagay bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar ee Gobolka Galgaduud oo ku taala Xuduudda Ethiopia ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha qaybta Boliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi, Gudoomiyaha magaalada Guriceel Faarax Macalin Cabdi iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Agaasime Koofi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay dadka deegaanka Qeydar waxayna warbixino ka dhageysteen odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka.

Guddoomiyaha magaalada Guriceel, Faarax Macalin Cabdi, ayaa sheegay inuu heer gababa ah marayo dhismaha xafiiska bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar oo ay ku howlgali doonaan saraakiisha Hay’adda Socdaalka si looga warqabo isusocodka xuduuda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS G/sare Maxamed Aadan Koofi, waxaa uu xusay in ka hay’ad ahaan ay wax ka qabanayaan baahiyaha ay sheegeen dadka degaanka, isagoona codsaday dadka ku nool deegaanka inay la shaqeeyaan xubnaha hay’dda ee ku shaqeyn doona bar-xuduudeedka Qeydar.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS ayaa sanadihii la soo dhaafay xafiisyada socdaalka ka hirgalisay bar-xuduuudeedyada Soomaaliya si loo la socda dadka dalka soo galaya loona hubiyo dokumentiyadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...