Degmada Mahaddaay oo fatahaaddu ugasii dareyso.

Date:

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Degmada Mahaddaay, Saalax Fuleel Xaaji ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Degmada gebi ahaanba ay ka go’day jidadka soo gala Degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn oo Beero ah ay goysay fatahaadda Webiga, wuxuuna hay’adaha ku shaqada leh ugu baaqay in ay gurmad lasoo gaaraan Dadka ay saameysay fatahaadda.

Saalax Fuleel Xaaji ayaa intaa ku daray in Dadka ka yimaadda meelaha ka baxsan Degmada ay biyaha lug ku soo jiiraan maadaama aysan Gawaaridu sahal ku geli karin, inkastoo haatan uu sheegay in ay sii yaraanayaan Biyahaan ka dhashay fatahaada webiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha gargaarkuba aysan wax gurmad ah gaarsiin Degmada Mahadaay, kuwaas oo wajaheya xaalado kala duwan oo ka dhashay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...