Waaxda gurmadka deg degga ah oo ku guuleysatay daminta dab ka kacay Hotelka Royal Palace[Sawirro]

Date:

Waaxda Gurmadka degdegga ayaa ku guuleystey daminta dab ka kacay Hoteelka Royal Palace ee ku yaala Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Howlwadeennada Waaxda Gurmadka degdega ah oo gaarmay markii lagu soo wargeliyay dabka ka kacay Hotelka ayaa durba ku guuleystay inay damiyaan.

Agaasimaha Waaxda Gurmadka ayaa sheegay in dabka uu dhaliyey qasaare balse ay ka hortegeen in uu ku faafo hotelka intiisa kale, isagoo intaa ku daray in shan shaqaale ah oo ka mid ah gurmadka degdeg ah ay dhaawacyo ka soo gaareen intii ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadka loo igmaday, kuwaasi oo uu Alle uga baryay inuu u boog dhayo..

Waxa kale oo goobta gaarey Gudoomiyaha Degmada C/casiis iyo Taliska Saldhigga oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Waaxda Gurmadka degdeg ah ay uga mahadcelinayaan sida ay ugu soo jawaabeen arrinta oo ayna ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dabka, balse waxaa jirta qasaare hantiyadeed oo uu geystay dabka.

 

 

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...