Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed oo dalka dib ugusoo laabtay[sawirro]

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya oo muddo Todobaad ah ku suganahay Dalka Turkiga Ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Ahna Maareeyaha Guud Hey’adaasi Ibraahim Cali Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu muddo todobaad ah ku maqnaa dalka Turkiga.

Muddada todobaadka ah ay ku sugnaayeen dalka Turkiga, waxaa ay halkaasi ku soo qaateen tababar soconayay mudo 7 cisho ah, kaasi oo lagu baranayay howlaha Batroolka Dalka iyo Waajibaadka Saaran Gudigaasi,

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Mudane Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay inuu tababarkani soo xiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Ceydiid, waxa uu intaasi raaciyay in Guddigan oo ay ku jiraan xubno matalaya Dowlad Goboleedyada ay ka shaqeyn doonaan horumarinta Howlaha Batroolka Soomaaliya.

Guddigani Qaran oo loo xil saaray maareynta howlaha badroolka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la socdo howlaha badroolka Soomaaliya, waxaana Golaha Wasiirada ay  Guddigani ku meel mariyeen cod gacan taag ah kal hore.

 

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...