Degmooyinka gobolka Banaadir oo ka wadahadlay tacadiyada loo gaysto Haweenka.

Date:

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa gudoomiyay shirka totobaadlaha ah ee  degmooyinka gobalka Banaadir oo looga hadlay todobaadkaan arrimaha tacaddiyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed waxaa uuna ka dhacay xarunta ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan gudoomiye Ku xigeenada Maamulka gobolka banaadir sida maamulka iyo maaliyada,arrimaha bulshada,amniga iyo siyaasada iyo howlaha guud iyo agaasime waaxeedyada gobolka.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ciidanka gobolka ee uu hogaaminayay taliyaha qaybta guud ee gobolka iyo gudoomiyayaasha17ka degmo ee gobolka Banaadir.

Qodobada shirka  diiradda Lagu saaray waxaa sidoo kale ka mid ahaa arrimaha  Amniga, Nadaafadda iyo ka hortagga maandooriya siiba goobaha lagu iibiyo ee ku yaalla caasimada, waxaana guddoomiye cumar filish uu sheegay in guud ahaan maamulka gobolka banaadir looga baahanyahay inuu si adag ula dagaalmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...