Home Blog Page 859

Duulimaadyadii tooska ahaa ee Uganda iyo Soomaaliya oo si rami ah dib u billowday.

0

Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya Muqdisho iyo Kampala oo toos ah ayaa maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib muddo bilo ah oo safarka xagga cirka ah ay labada wadan u kala xirnaayeen safmarka cudurka Corona Virus.

Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air waxay sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkii 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurkan.

Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha nidawga duulimaadyada gudaha Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala.

Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.

Ruushka iyo Faransiiska oo wada-xaajood ugu baaqay Azerbaijan iyo Armeina.

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah sameeyaan dawladaha Armenia iyo Azerbaijan oo muddo ku dhaw todobaad ku dagaalamaya gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaal xuduudda labada wadan.

Dagaalkaas oo ciidamada labada wadan ay isku adeegsadeen hub culus ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 100-qof, waxaana ay Azerbaijan sheegtay inay Armenia ka qabsatay ciidan, saanad dagaal iyo fariisimo ay ciidankeedu isticmaalayeen.

“Vladimir Putin iyo Emmanuel Macron waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan xabada sida ugu dhaqsiyaha badan, in xiisadda la qaboojiyo oo la muujiyo xakameynta ugu sareysa,” aqalka Kremlin-ka ayaa ku yiri hadal uu soo saaray goor hore oo Khamiista maanta ah.

Xiriir ay taleefanka ku yeesheen labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen inay muhiim tahay in la xoojiyo doorka ururka OSCE ee nabadgalyada iyo iskaashiga Yurub, ayna ka shaqeeyaan sidii colaadaasi loo joojin lahaa.

Hoggaamiyayaashu waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay bayaanka ay soo saareen iyaga oo ku hadlaya magaca guddoomiyeyaasha kooxda Minsk oo la isku yiraahdo Ruushka, Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo la bilaabo wadahadallada, ayuu intaas kudaray aqalka Kremlin-ka.

Labada dhinac ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa dhexmaraya dagaalkii ugu cuslaa ee sanado ka dhaca gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan gobolka Armenia ee qowmiyadeed kaas oo ka go’ay Azerbaijan sanadii 1990-yadii markii Midowgii Soofiyeeti burburay.

Galmudug oo shaacisay in Covid-19 uusan ka suullin deegaannadeeda.

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee  Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay illaa iyo hadda la diiwangeliyay hal kiis.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii lasoo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal ah oo looga hortagayo.

Sheekh Nawaaf Al-Axmed oo loo dhaariyay Amiirnimada Kuwait.

0

Sheekh Nawaaf Al-Axmad oo la dhaarinaayo maanta Amiirnimada dalka Kuwayt
Guddomiya golaha baarlamaanka Kuwayt, Marzuuq Al-Ghanim, ayaa ku dhawaaqay in Sheekh Nawaaf Al-Axmed loo dhaarinayo Amiirnimada dalka Kuwayt kadib marki uu geriyooday amiirkii dalkaasi maalintii shalay.

Golaha wasiirada ee dalka Kuwayt oo shalay shir deg deg ah yeeshay ayaa ku dhawaaqay in Shiikh Nawaaf noqon doono Amiirka dalka.

Amiirka cusub ayaa dhashay June 25, 1937, isaga oo siyaasadda billaabay 1962-dii.
Sheekh Nawaaf ayaa hore usoo qabtay xilal kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga.

Malleeshiyaad Suuriyaan ah oo lagu eedeeyay in ay ku biireen dagaalka Azerbaijan & Armenia.

0

Heyad kor kala socota colaadda ka oogan Suuriya iyo hoggaamiye ka tirsan mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaridka Dowlada Suuriya oo laga diray dalka Turkiga ay ku biireen dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia, si ay gacan u siiyaan ciidamada Azerbaijan.

Heyadda xuquuqda aadanaha ee kormeerta dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa Talaadadi sheegtay in ciidan ka badan 300 la geeyay Azerbaijan oo xulafo dhaw muddo dheer ah la ahaa Turkiga.

Ziad Hajj Obeid, oo ka mid ah taliyaasha xoogga mucaaradka Suuriya ee uu Turkigu taageero, ayaa telefashinka Rudaw TV ee gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq u xaqiijiyay ciidamdaasi. Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa labaduba beeniyay ciidamadaasi.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo maanta galay maalinti afraad, ayay wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah. Labada waddan ayaa isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan hase yeeshee dadka dagani ay kasoo jeedaan Armenia.

isha VOA.

Dab qasaaro geystay oo ka kacay Dhuusamareeb.

0

Dab Khasaare Hantiyadeed gaystay ayaa ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla bartamaha Magaalada Dhusamareeb, waxaana lagu guuleystay in la damiyo balse waxaa dhamaanba ku bas beelay hantidii goobta taallay Dabka ayaana ku Fiday goobo kale oo ganacsi.

Dadka Shacabka ayaa u soo Gurmaday waxayna ku guuleysteen inay dabka damiyaan maadaama aysan magaaladu lahayn gadiidka Dabdamiska ah taasina waxa ay keentay in Khasaaruhu weynaado.

Waa markii sedadxaad ee magaalada ee Kaalimaha Shidaal uu dab ka kaco dhowr Fadhi oo Ganacsatadu yeesheen ayay uga hadleen sidii lagu heli lahaa Dabdamis balse ma suuragalin arinkaasi.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo socdaal ku maraya dalalka Aljeria, Maroco iyo Tunis.

0

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa maanta oo Arbaca ah billaabaya socdaal uu ku maraayo waddamada kala ah Aljeeriya, Tuunis iyo Maroco.
Inta lagu guda jiro booqashadiisa, Esper wuxuu madaxda dalalkas kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskashiga kala dhaxeeya waddamadaas iyo la dagaalanka ururada argagixisada.

Esper wuxuu socdaalkiisa ka billaabi doonaa dalka Tunis isaga oo la kulmi doona Madaxwaynaha dalkaas Qays Saciid. Esper ayaa Tunis kadib u socdaali doona Aljeria isaga oo la kulmi doona madaxda dalkaas gaar ahaan Taliyaasha ciidamada.
Esper ayaa noqon doona xoghayihii difaaca Maraykanka ugu horreeyay ee booqda Aljeria muddo 15 sano ah.

Xoghayaha Mareykanka wuxuu booqashadiisa ku soo gabagabeyn doonaa maalinta Jimcaha ah dalka Maroco, isaga oo madaxada dalkaas kala hadli doona sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir adag oo xagga amniga ah.

Madaxweyne Farmaajo oo dawladda iyo shacabka Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas.

0

Madaxweynaha dawladda FS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo saaka ku dhintay dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.

Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa berri loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana barri kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas

Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.

Sheekh Sabaax waxa uu calaaqaad gaaar ah la lahaa Soomaaliya, waxaana uu Beer ku lahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo uu waqtiyo nasiino ah ku qaadan jiray 1978-dii iyo sanado ka dambeeyeyba.

Kuwait waxay qabanqaabinaysay sanadkan inay marti galiso shir muhiim ah oo looga hadli lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa loo baajiyey cudurka Crona dartiis.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo la kulmay safiirka UK+SAWIRRO.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa saaka kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska Mudane Ben Fender.

Labada masuul ayaa iska waraystay marxaladda kala guurka ah ee Hirshabeelle, arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo sida doorashooyinka ku soo fool leh ay u noqon lahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa Safiirka uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay si gaar ah u garab istaagaan Hirshabeelle maadaama uu yahay dowlad gobaleedka ugu nugul ee ugu da’da yar.

 

Hoggaamiyaha Mucaaradka Tanzania oo eedeyn ku shubasho u jeediyay Madaxweyne John Magufuli.

0

Musharax Madaxtinimada mucaaradka ugu weyn dalka Tanzania, Tundu Lissu, ayaa ka soo hor muuqday Guddiga anshaxa ee gudiga doorashooyinka talaadan maanta ah isagoo wax laga weydiinayo eedeyn uu u jeediyay Madaxweynaha dalka John Magufuli taas oo aheyd in uu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay agaasimaha degmooyinka ee guddiga doorashada isla markana ka wadahadleen sidii Madaxweynaha ugu shuban lahaa doorashada bisha October qorsheysan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka Wilsan Mahere ayaa sheegay in eedeynta ay ka dhigan tahay in doorashada dalka ka dhacaysa aysan aheyd mid ku qabsoomaysa jawi xor iyo xalaal ah.

Xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda ayaa warqad u direy xisbiga Mr. Lissu ee Chadema in hadalka uu soo dhigay baraha bulshada uu yahay mid khatar gelinaya amniga qaranka.

Agaasimayaasha fulinta degmada waxaa looga baahan yahay sharci ahaan inay u dhaqmaan sida saraakiisha soo noqoshada deegaanka inta lagu jiro doorashada. Xukuumadda ayaa dafirtay eedeynta ka timid Mr.Lissu.

Dhinaca kale, hogaamiyaha mucaaradka Tanzania ayaa sheegay in booliiska carqaladeeyeen kolonyo xisboga oo mareysay degaanka Nyamongo ee waqooyi dalka xilli ay ku socdaan goob ay ka ololeynayaan.Waxaa uu sheegay in taageeriyaashii six un loola dhaqmay la garaacay isla markaana ka dhibaateeyay qaarkood. Mr Lissu ayaa bartiisa Twitter soo geliyay muuqaal sheegaya isku dhaca u dhexeeya booliiska iyo shacabka.

Tanzania ayaa doorashada madaxtinimada la qorsheeyay in ay qabsoonta 28 bisha October, waxayna dadweynaha u codeyn doonaan xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha . madaxweynaha talada haya John Magufuli ayaa hadda raadinaya in markii labaad dalka hogaamintiisa loo doorto shanta sano ee soo socota.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xukuumadda ay sare u qaatay cadaadisk ay ku sameynayso mucaaradka, ururada aan dowliga aheyn iyo warbaahinta.