Xoogga dalka oo deegaanka Leego ku dilay xubno ka mid ahaa argagaxisda.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Leego ee gobolka Shabellada Hoose ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidamada Danab ay xalay Saqdii dhaxe howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.

Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan nabadiidka Al-Shabaab, kuwaasi oo dadka ku dhaqan Leego ka qaadi jiray lacago baad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...