Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay danjirayaasha dunida u jooga Soomaaliya+sawirro.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Amb Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka iyo Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...