Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Gaalkacyo+sawirro.

Date:

Madaxweynaha dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug, waxaana safarkiisa Gaalkacyo uu la xiriiraa kormeerka hawlaha maamulka iyo wadatashi uu la yeelanayo qaybaha bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tababar u soo xiri doona qayb ka mid ah daraawiishta Galmudug oo bilihii la soo dhaafay loo carbinayey inay ku biiraan qaybtii ugu horraysay ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....