Home Blog Page 853

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

  • Gogoldhig

Dastuurka Soomaaliya ee sida KMG loo ansixiyay 1/8/2012, wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay Nidaamka Federaalka Halkaasna looga guuray Nimaadkii Dowladda mideysan (Unitary State) ee Soomaaliya ku dhaqmi jirtay tan iyo markii ay qaadatay xurriyadda 1960.[1]

Dastuurka Federaalku wuxuu Xaddidayaa Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Ama haddii si kale loo dhaho xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Gobaleedyada, sidoo kale Dastuurku wuxuu dhigayaa mabaadi’da asaasiga ah ee nidaamka Federaalka iyo xiriirada iskaashiga Heerarka Dowladaha, Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed.

Haddaba, Qormadaan kooban waxay ku saabsan tahay Hannaanka Xallinta Khilaafaadka ka dhax dhasha Heerarka Xukuumadaha ee Dowladda Federaalka sida khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ama haddii si kale aan u sheegno Heerarka Dowladeed ee kala sarreeya, iyo sidoo kale  khilaafaadka ka dhax dhaca Heerarka Dowladeed ee Siman oo laga wado Khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya  Dowlad Gobaleedyada laftooda.

 

 

Ugu Dambayntoo Qormadaan waxay ka kooban Mowduucyada Hoos ku xusan:

  • Gogoldhig
  • Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka  u dhaxeeya Heerarka Dowladaha leedahay Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

3-    Hababka xallinta khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah oo isugu jiro :

A-   Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee aan ahayn Hannaan Garsoor

  • Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee ah Hanaanka Garsoor
  • Gunnanad

Ugu dambayntii waxaan rajaynaa in Qormadaan ay iffindoonto arrimo badan oo xirirr la leh hirgelinta Nidaamka Federaalk iyo Xillinta Murannada iyo Khilaafaadka ka dhax dhaca  Heerarka Dowladaha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

T- Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka u dhaxeeya Heerarka Dowladaha u leeyihiin Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

Dastuurrada Waddamada ku dhaqmo Nidaamka Federaalka inta badan waxay Qoraan Mabaadi’ muhiim ah oo saldhig u ah joogtaynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya Heerarka  kala duwan ee Dowladaha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed.[2]

Haddaba si Mabaadi’daas loogu baddalo kuwo shaqayn kara waxaa Dowladaha Federaalku Sameeyaan hay’ado ka shaqeeya joogtaynta hannaanka iskaashiga u dhaxeeya Heer Dowladeedyada  kala duwan, tusaale Wadanka Garmany oo ka mid ah wadamada ku dhaqmo nimaadka Federaalka Dastuurkiisu wuxuu jiddeynayaa dhisidda Madal ( platform )  Madashaas oo loogu talagalay Xaqiijinta iyo Xoojinta Xariirka iyo iskaashiga joogtada ah ee Heerarka Dowladaha,  waxay xaqiijinaysaa madashu  hawlgelin joogta ah ee u dhaxeysa Heerarka kala duwan ee dowladda,  madashu wey baahsantahay oo waxaa  si joogta ah uga qayb-qaadanaya Madaxda Fulinta, Golayaasha Sharci-dejinta, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Qaranka sida Guddiyada Madaxa bannaan.

Wadamo kale oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka Dastuurkooda ayaa  si cad u qeexaya mabaadi’da gaarka ah ee la xiriirta nidaamka iskaashiga  Heerarka Dowladaha  sida wadanka koonfur afrika, hase ahaatee Dastuurrada wadamadaas waxay u dhaafayaan qaab-dhismeedka  hay’adaha hormarinaaya  xiriirka iskaashiga xukuumadaha sharci gaar oo uu  soo saaro Baarlamaanku.[3]

Dastuurka   Federaalka ee Sida KMG ah loo Ansixiyay ee Soomaaliya  Wuxuu Qeexayaa Mabaadi’da Saldhiga u ah Nidaamka Federaalka iyo Mabaadi’da iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha.

Ugu horreyntii qodobka 48aad ee DFKMG wuxuu qeexayaa in qaab-dhismeedka Dowladda  ee Jamhuuriyadda  Soomaaliya uu ka kooban yahay Laba Heer Dowladeed oo kala ah, Heer Federaal iyo Heer dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalk. [4]

Sidoo kale qodobka 50aad ee DFKMG isna wuxuu si wanaagsan u faah-faahinayaa mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama haddii aan si kale u sheegno mabaadi’da saldhiga u ah nimaadka Federaalka ee Soomaaliya qaadatay, mabaadi’daas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwan hoos ku xusan:

  1. Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;
  2. Awood walba waa in la siiyo hadba Heer xukuumadeedka ee  sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  3. Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Xukuumadda Federaalka ah;
  4. Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;
  5. Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;
  6. (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba Heer xukuumadeedka ee sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  7. (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.[5]

Si taa la mid ah Dastuurku Wuxuu bixinayaa tilmaamo cad cad oo hagaayo Xiriirka iyo iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha haddii ay ahaa laheyd  Heerarka siman oo loola jeedo dowladaha Xubinta ka ah dowladda Federaalka dhexdooda  ama kuwa aan sinnayn oo loola jeedo Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

 

Mabaadi’da iskaashiga ee Dastuurku uu jiddeynaayo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

  • Heer kasta oo Xukuumadeed ha ahaadeen Heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan
  • Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:
  1. La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah Heerarka kale ee Xukuumadaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;
  2. Heer kasta oo Xukuumadaha waa in ay ku wargelisaa Heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada Heerarka kale;
  3. Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.[6]

J- Wadiiqooyinka Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha Dhexdooda Ah

Sida lagu yaqaanno waddamada Federaalka, gaar ahaan kuwa Nimaadkan uu ku Cusubyahay sida Soomaaliya oo kale  waxaa hubaal ah in ay jirayaan khilaafaad la xiriira iskaashiga iyo qaybsiga awoodaha,  Sidaa awgeedna Dastuurrada Wadamada  federaalku waxay  dejiyaan habraacyo iyo hay’ado awood buuxda loo siiyay in ay ka gaaraan go’aan kama-dambeys ah iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha Heerarka kala duwan ee  ee Dowladaha Haddii ay ahaa lahaayeen kuwa Siman ama kuwa aan sinnayn.

Haddaba waxaa jira laba hab oo loo raaco Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhexeeya Heerarka  Xukuumadaha, Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleedka iyo Dowlad Gobaleedyad dhexdooda, labadaas hab oo kala ah hab aan garsoor ahayn iyo habka garsoorka.

A-  Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhexdooda ee Habka aan garsoorka ahayn

Waddamada qaarkood ayaa doortay in lagu xalliyo khilaafaadka hab aan garsoorka ahayn. Dalka Itoobiya, awoodda lagu fasirayo Dastuurka  laguna xallinaayo khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda waxaa leh Golaha Federaalka  oo ka kooban wakiillo ka socda kooxo ka soo jeedo qowmiyadaha kala duwan ee Dalkaas. Maxkamadaha caadiga ah ma laha awoodda  ka garnaqista  murannada la xiriira Dastuurinimada sharciyada oo dhan, ha ahaado Heer federaal ama Heer dowlad Gobaleed.

Marka aan eegno Dastuurka Federaalka KMG wuxuu soo jeedinnayaa marka hore in Khilaafaadka Xukuumadaha dhexdooda ah lagu Xalliyo Hannan aan garsoor ahayn loona  adeegsa karo qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

  • Ugu horreyntii dastuurku wuxuu farayaa Samaynta Sharci lagu magacaabo Sharciga Heerarka Xukuumadaha oo saldhig u noqonaaya Nidaamka Federaaleynta iyo Hanaanka iskaashiga Heerarka Xukuumadaha Sharcigaas waa in uu la xiriiro sida uu dastuurku faraayo arrimo ay ka midyihiin:
  1. Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda Heerarka Xukuumadaha.
  2. Samaynta hay’ado iyo habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha Heerarka Xukuumadda inta aanay u gudbin maxkamad[7].
  • Samaynta Madal ( platform)

Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

  1. Adkaynta Midnimada Qaranka;
  2. Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
  3. Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
  4. Horuumarinta baraaraha shacabka;
  5. Isdhaafsiga macluumaadka.[8]
  • Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliy

Sida uu jiddeynaayo Xarafka G ee qodobka 50aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah khilaafaadka waa in lagu xalliyaa wadahadal iyo dib-u-heshiisin ka hor inta aan Maxkamad lageeyn.

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka  Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu Maadaama uu yahay Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;, astaanta Midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, sida uu qeexaayo  qodobka 87aad ee Dastuurka FKMG, wuxuu hormuud ka noqo karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah, si taa lamid ah ayaa aqalka sare ee barlamaanka isna uu kaalin wayn uga qaada karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah maadaama Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo. [9]

Qaababkaan waa qaab aan ahayn hannaan garsoor oo lagu xalli karo khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya Heerarka Xukumadaha oo uu tilmaamaayo Dastuurka FKMG.

B-    Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhaxdooda ee HababkaGarsoorka

Wadamo badan oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka  Maxkamadda ugu sarraysa ee Federaalka ayaa  Xalka ugu Dambeeya ka gaarta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ka dhasha. Dalka Koofur Afrika, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay leedahay awoodda ugu dambaysa ee xallinta khilaafaadka u dhaxeeya Dawladda dhexe iyo Gobollada iyo sidoo kale  midka ka dhax dhasha gobollada dhaxdooda. Dastuurku wuxuuu dalbaayaa in dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo ay marka hore sameeyaan dadaal maangal ah si loo xalliyo khilaafaadka si wada xaajood ah. Maqnaanshaha dadaalka lagu xalliyo khilaafka iyo niyadsami-, Maxkamadda waxay dib ugu soo celin kartaa dhinacyada uu khilaafaadku  ka dhaxeeya si ay marka hore khilaafooda ku Xalliyaan wada xaajood.. Dastuurrada dalaka Nigeria iyo Argentina ayaa sidoo kale  iyagana  awood u siinayaan maxkamadda sare ee Federaalka in ay xaliso khilaafaadka ka dhax dhasho xukuumadaha ha noqdaan kuwa Siman ama kuwa kala sarreya.

Iyadoo laga Amba qaadaayo  Ahmiyadda ay leedahay maxkamadaha Federaalka ugu sarreeeya ee Dhinaca xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ha loogu yeero Maxkamadda Dastuuriga ahama Maxkamadda Sare,  ayaa Dowladuhu si wanaagsan uga fikiraan habka lagu magacaabayo xubnaha  Maxkamaddaas  tusaale ahaan, dalka Jarmalka, aqlka koowaad iyo labaad  mid kasta wuxuu magacaabayaa kala bar xubnaha ka tirsan Maxkamadda Dastuuriga ah. Koofur Afrika aqalk labaad kuma lug laha soo-magacaabist xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la tashanaya Golaha Adeega Garsoorka iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah. Dalka Maraykanka, Madaxweynaha ayaa soo magacaaba garsoorayaasha kaddibna waxaa ansixiya aqalka sare, aqalka hoose kuma lug laha soo-magacaabista garsoorayaasha.

Dastuurka Federaalka ee Sida ku kumeel gaarka ah loo ansixiyay ee Soomaaliya wuxuu ka dalbayaa Heerarka kala duwan ee dawladaha in ay isku dayaan marka Hore  in lagu xalliyo khilaafaadka si wada-hadal iyo dib u heshiisiin ah (Qodobka 50(g)). Haddii uu guul dareeysto wadahadalka, awoodda kama-dambaysta ee xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda ah  waxaa Dastuurku  siiyay  Maxkamadda Dastuuriga (109C Qodobka(1)(d)). Dastuurku si gaar ah uma dalbaayo in ay Maxkamaddu hubiso in dhinacyada is-khilaafsan ama muranku ka dhaxeeyo  ay billaabaan wada-hadal iyo dib-u heshiisiin ka-hor inta aysan u gudbin Dacwad Maxkamadda Dastuuriga ah iyo  in khilaafaadka iyo Murannada la isku dayo in lagu Xalliyo Wada Xaajood,  Hase ahaatee , mabaadi’da Federaalka  ee Dastuurka Lagu Xusay ayaa qeexaysa (Qodobada 51 iyo 52) in loo baahan yahay dadaallo iyo wada xaajood u dhaxeeya Dhinacyada .

Waxaa Mudan in la xuso in Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ay Ansixinayaan Laba aqal ee Barlamaanka kadib marka ay soo Magacaabaan Golaha adeegga Garsoorka sida ay jiddeynayaan Qoddobada 109B(2)) iyo Qodobka 71(i)), ee Dastuurka  FKMG.

 

 

 

Ka qaybqaadashada aqalka sare ee Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga garsoorka waxay ka dhigantahay in ay Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ay qayb ka yihiin Hanaanka Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah Maadaamada aqalka sare uu Dowlad Gobaleedyada Ku matalo Heer Federaal.

X- Gunnaanad

Waa arrin cid kasta ay Fahmi Karto in Dowlad Soomaaliya oo Kale ah oo uu ku cusbyahay Hanaanka Federaalka ay Caqabado kala kulmi karto hirgelinta Nidaamkaas, Caqabadahaas waxaa ka mid noqo kara  Khilaafaad iyo Muranno La xiriira Hanaanka Hirgelinta Federaalka oo uu ugu horreyso  awood qaybsiga u dhexeeya Heerarka kala sarreeya ee  Xukumadaha.

Waxaa kale oo Muhiim ah in la isla garto in arrinta La xiriirta Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada ka dhax dhaca Heerarka kala duwan ee Xukumadaha uu saldhig u yahay Ku dhaqanka Dastuurka Federaalka, Gaar ahaan Qodobada ka hadlaayo Mabaadi’da Federaalka iyo iskaashiga Heerarka Xukuumadaha ee Ku Xusan Cusubka 5aad ee Dastuurka.

Ugu dambeyntii si loo Daboolo Dul duleelada muuqda, Xal kama dambeys ahna looga Gaaro Murannada Ka dhax dhasha Xukuumadaha,  Daraasadaan Gaaban waxay soo jeedineysa Arrimahaan soo socda:

  • In labadaaqal ee Barlamaanka Federaalku ay u howgalaan Soo saarista sharciga iskaashiga Heerarka Xukumadaha ee uu tilmaamayo qodobka 51aad ee DFKMG
  • In la Sameeyo Madasha ku Xusan isla qodobka 51aad ee DFKGSi loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waana in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka.
  • In khilaafaadka lagu Xalliyo Marka hore wada xaajood iyo wadahal ku dhisan niyad Sami iyo Dareen Midnimo qaran sida uu jiddeynaayo
  • in loo hawlgalo dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah Hay,adda leh awoodda ugu dambeysa ee Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Xukuumadaha dhaxdooda.

Wabilaahi Towfiiq

Tixraacyada Daraasadda:

  • Dastuurka Federalka KMG  1 Aug,  2012
  • Assefa Fisha: Ethiopian federalism 2009
  • John Law: How Can We Define Federalism, Perspectives on Federalism, Vol. 5, issue 3, 2013
  • Erato Kozakou-Marcoullis: Understanding Federalism: Different models-Different Challenges Advantages-Disadvantages, 21 December 2015
  • Elliot Bulmer: Federalism International IDEA Constitution-Building Primer 12, © 2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA) Second edition first published in 2015.
  • Loqman Omar Hussein, The principle of Participation in Federal state, 2011.
  • Böckenförde, M. et al., Max Planck Manual on Different Forms of Decentralization, 3rd edn (Heidelberg: Max Planck Institute for Comparative Public Law and International Law, 2008)
  • Carey, J. and Shugart, M. S., Presidents and Assemblies: Constitutional Design and Electoral Dynamics (Cambridge: Cambridge University Press, 1992).
  • Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism in Somalia, Heidelberg, 2016
  • IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

 

 

Waqaa Qoray:  Qareen. Daahir Maxamed Cali,

Tel: 0615539570

E-mail: Daahircarab@gmail.com

 

[1] fiiri farqadda 1aad ee Qodobka 1aad iyo farqadda 3aad ee qodobka 3aad ee Dastuurka FKMG

[2]Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism  in Somalia, Heidelberg, 2016 P.G72

 

[3]IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

[4] fiiri qodobka 48aad ee DFKMG

[5] fiiri Qodobka 50aad ee DFKMG

[6] fiiri qodobka 51aad ee Dasuutka Federaalka KMG

[7] fiiri qodobka 51aad ee DFKMG

[8] fiiri farqadda 3aad ee qodobka 51aad ee DFKMG

[9] fiiri qoddobada 61aad iyo 71aad ee DFKMG

Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad oo Ayidday Xukun dil ah oo lagu Ridday Gacan Ku Dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

0

Baydhabo (SNTV) Kadib racfaan ee ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteyda 60-aad, D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamadda sarre ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha, waxaana goob joog ka ahaa qareeno difaacayay eedeeysanayaasha.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Q-60 ayaa horey ugu riday xukun dil ah Racfaanle D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo loo heystay dilka marxuum Max’ed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Q-60aad ayaa horkeenay maxkamadda cadeeymo dheeri ah, qiraal muujinaayo inuu galay danbiilaha eedii lagu soo oogay iyo sidoo kale maarkhaatiyaashii ku marag furay eedeysanaha dhammaan waxay kahor cadeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan Sugoow uu galay danbigaas.

Doodii dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenadii difaacayey eedeysanaha kadib waxaa fursad loo siiyey racfaanlaha inuu ka jawaabo su’aalo garsoorka uu weydiiyey kuwaasoo  dhammaan kusaabsanaa eeda loo heystay.

Intaas kadib Maxkamadda Sarre ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida Q-60-aad horay ugu xukuntay D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo ahaa dil toogasho ah ahna qisaasta marxuum Max’ed Xasan Max’ed Weeydhaan.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatay dacwada racfaaanle D/LE Darwiish Xuseen Cali Macalin iimaan Gurey oo 23jir ah iyo racfaanle D/LE Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer kutaala duleedka magaalada Baydhabo

Maxkamada derajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Q-60 aad ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Dilay Maleeshiyaad Ka tirsan Al-shabaab.

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Xoogga dalka ayaa fashiliyay weerar gaadmo ah oo ay nabad diidka argagaxisada arxanka daran ee Al-shabaab damacsanayd in ay ku qaadaan tuulada Ceelsaniini oo qiyaastii 15-Kilomitier u jirta deegaanka Nambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Abaanduullaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle Aadan Axmed Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xogta argagaxisada isla markaana ay ka hortageen, isagoo sheegay in labo ka tirsan maleeshiyada ay ku dileen halka ay afar kale ay ku dhaawaceen.

Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobalka Shabeellaha hoose howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in dhawaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobalka laga xoreeyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee arxanka daran ee Nabad diidka Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Holwgalo Ka Sameeyay Deegaanno Katirsan Gobalka Gedo .

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamadda Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada gobalka Gedo ayaa maanta sameeyay hwol-galo balaaran oo dhana maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Wariyaha Radio Muqdisho ee Gobalkaasi Cumar Ceyduruus ayaa soo sheegaya in howlgalada maanta ay saameeyeen deegaano dhowr ah oo ay ku dhuumaaleeysan jireen maleeshiyaad ka tirsan Argagaxisada Al-shabaab.

Ciidamada howl galka sameynayay oo baaritaano ka sameeyay xaafado katirsan deegaanno hoostaga degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamadu.

Ciidamada Xoogga dalka ee jooga goballada kala duwan ee dalka ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ka dhan ah nabad diidka arxanka daran ee argagaxisada Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta Danab oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanka Camaara oo Ka tirsan Gobalka Mudug

0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobalka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Sida lagu soo waramayo ciidamada ayaa saakay gaaray deegaanka Camaara iyagoo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay gacanta ku dhigeen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee nabad diidka Al-shabaab.

Hawlgalka oo weli socda ayaa la sheegay in ay ciidamadu sidoo kale baaritaano ka fuliyeen xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo fogaan 85-km dhinaca woqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ee bartamaha soomaaliya.

Guddoomiyaha deegaanka Camaara Sheekh Yuusuf Salaad ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Qaranka in hawlgalka uu weli ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad lagu eedeeynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda nabad diidka ee xagjirka ee xiriirka la leh argagaxisada iyo sidoo kale kuwa basaas u ahaa kooxda xagjirka ah.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbedel xagga hoggaanka ah ayaa qeybo ka mid ah goballada Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

Maxkamada degmada Hodan waxaa ay u yeereysaa dhammaan dhaxaltooyada Marxuum Cusmaan Caato.

0

Maxkamada degmada Hodan ee gobolka Banaadir Waxaa ay u yeereysaa dhammaan dhaxal-tooyada Marxuum Cusmaan Xasan Cali {Cusmaan Caato}inay ku yimaadaan muddo sadax maal-mood ah maadaama la guda galay qaybinta dhaxaltooyada.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taliyaha saldhigga Booliska Airborka caalamiga ah ee Aadan cadde  waxaa la farayaa in safarada laga xayiro dhammaan dhaxaltooyada Marxuum Cusmaan Caato inta lagu kala baxayo dhaxaltooyada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dalka oo furay shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta furay shir wada-tashi ah oo Wasaaradaha Warfaafinta dowlad-goboleedyda iyo dowladda Dhexe muddo saddex maalin ah ay ku yeelanayaan magaallada Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada Warfafinta ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyo wakiillo ka socda gobolka Banaadir iyo warbaahinta gaarka loo leeyahy, waxaa looga hadlayaa sidii labada heer ee dowladdu ay si mideysan ugu dhaqan galin lahaayeen istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka oo la ansixiyay sannadkii hore.

Shirka ayaa sidoo kale looga doodi doonaa mideynta farriimaha wacyigelineed ee xiriirka la leh arrimaha xagjirnimada, argagixisada, dowlad-wanaagga iyo qabyaalladda.

Wasiirrada Warfaafinta dowlad-goboleedyada oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay waajib tahay in si mideysan loo wajaho arrimaha xiriirka la leh wacyigelinta bulshada, ayagoo ku nuuxnuuxsaday in istiraatiijiyadda qaran ee wacyigelintu ay aasaas u ahaan doonto arrintaas.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka furay ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo wafdiga ka yimid dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka ah.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in talada iyo kheyraadka la wadaago si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay dowlad-goboleedyada la yeelanayso is-kaashi joogto ah si adeeg wanaagsan loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la leh wasaaradaha warfaafinta ee heer dowlad-goboleed, ayagoo si wadajir ah u soo saara siyaasado iyo qorsheyaal wax looga qabanayo ama lagu horumarinayo warbahinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Jubaland.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal Iyo Dib u heshiisiinta waxa ay warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland.

Halka Hoose ka Akhriso

”Boqortooyada Sacuudi Carabiya sanadkan waxay Xujayda u diyaarisay adeegyo casri ah.

0

Wasiirka Wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay horumarka wayn ay Boqortooyada Sacuudiga ka gaartay nidaaminta iyo fududaynta adeegyada xujayda sanadakan ,kuwaasi oo si heer sare ah loo diyaariyay, islmarkaasna lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah.

Wasiirka Awqaaf iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga sida wanaagsan ay xujayda Soomaliyeed ugu adeegeen, iyagoo u fududeeyay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay hiil walaaltinimo.

Wasaaradda Cumrada iyo Xajka Boqotooyada sacuudiga sanadkan waxa ay ku soo kordhisay adeegyo casri ah iyo Barnaamijyo, kuwaas oo ka qaybqaatay fududaynta adeegyada xujayda sanadakan.

Wasiir Goodax Barre oo bogaadiyay tallaabaddii ciidanka Booliisku ay ku toogteen 4tii argagixisada ee shalay

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa boogaadiyey tallaabadii Ciidanka Boolisku ka qaadeen Koox dhagar qabayaal ah oo doonayey inay dilaan Lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Faceboogga ku yiri“Waxaan bogaadinayaa uguna hambalyeynayaa Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howlwadaag feejignaanta iyo dhiifoonaanta ay dhagar qabayaasha uga hortageen in ay dhibaato u geystaan La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Arrimaha Dhulka iyo Hantida Maguurtada.

Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa xusay in tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidanka ay tahay  guul u soo hoyatay dhammaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna u ay  in ay sii laba jibbaaraan ilalinta iyo  badbaadinta bulshada Soomaaliyeed”.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Booliiska degmada H/wadaag ay  hortageen fal ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku dilaan mas”uul ka tirsan wasaaradda Waxbarashada,Waxaana ciidamada ay halkaasi ku toogteen afartii dhagarqabe ee falka arxan la’aanta ah ku guda jiray,  kuwaasi oo kala ahaa seddex rag ah iyo hal dumar ah