Qaramada Midoobay oo kaalmo lacag ah u qorsheysay fatahaadaha Soomaaliya.

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya UNOCHA ayaa lagu sheegay in Sanduuqa gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya uu heley US$9.26 million lagu caawin doono ku dhowaad 300,000 oo kamid ah dadka ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb  ka ah dhaqaalaha Sanduuqa ugu talagalay Soomaaliya sanadkan 2020.

Deeqdan waxaa la sii marin doonaa hey’addaha gudaha iyo kuwo dibadda ee ka howlgala gobolada Banaadir, Hiiraan, Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe iyadoo loo kala eegi doono sida baahida ugu kala badan tahay degaanada.

“Deeqda ka timid Sanduuqa Qaramada Midoobe waxay hey’adaha gargaarka awood u siin doontaa in ay kordhiyaan barnaamijyada naf-badbaadinta ah gaar ahaan dadka sida daran u saameysay fatahaadaha ka dhacay dalka,” sidaas waxaa yiri Mr. Adam Abdelmoula, oo ah isu duwaha gargaarka bani aadanimada Soomaaliya.

$8.18 milyan oo lacagtaas kamid ah waxaa loo qoondeeyay in lagu bixiyo; cuntada, Hoyga, xarumaha caafimaadka, biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka, sidoo kale waxaa lagu xoojin doonaa daryeelka carruurta iyo ka hor tagga xadgudubka dumarka lagula kaco.

Iyadoo $1.08 million oo ah inta soo hartay ah, lagu qaban doono; caafimaadka iyo nafaqeynta dhallaanka, waxbarashada iyo ilaalinta carruurta.

“Durba, bulshooyinka liita oo isbedelka cimilada, Ayaxa iyo safmarka COVID-19 uu saameeyay waxay wajahayaan cunto iyo biyo la’aan, sidoo kalena waxay khatar ugu jiraan cudurada faafa sida shuban biyoodka iyo daacuunka,” Mr Abdelmoula ayuu mar kale yiri.

Sanduuqa gargaarka bani aadanimada Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa $40.2 million ka heley dalalka; Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Kuuriyada LKoofureed, uxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska isku dubaridka gargaarka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilli roobaadka deyrta oo ka bilowday gobolada dalka qaarkood sida degaanada Puntland iyo gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...