Home Blog Page 852

Madaxweynaha Maraykanka Oo Sheegay In Ay Baarayaan Cidda Ka Dambaysay Faafitaanka Cudurka Coronavirus.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u sheegay inay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Coronavirus uu dunida ku faafo iyadoo uu kaga tegayo khasaaro dhimasho iyo mid dhaqaale oo aad u tiro badan.

Trump ayaa sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Corona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado arrintaas oo noqon doonta mid hortaala caalamka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu hanjabay in Dawladda Maraykanku ay  ciqaabi doonto Shiinaha haddii la caddeeyo in ay si ula kac ah u faafisay fayraska Corona, maadaama cudurkaasi uu dhibaatadii ugu darnayd u geystay dalka Maraykanka.

Trump ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan talaabooyinka uu Mareykanku qaadi karo haddii sida uu sheegay la caddeeyo in cudurka Covid-19 la helo cidda dunida ku faafisay kana shaqaysay inuu dunida wada gaaro.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli toddobaadkan gudihiisa uu Madaxweyne Trump joojiyay kaalmadii uu siin jiray Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyey in urukaasi uu u janjeero dhinaca Shiinaha.

Muranka u dhaxeeya Washington iyo Beijing oo ah labada Dawladood ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa soo noq noqday, isagoo hadda gaaray meeshii ugu sareysay iyadoo horraantii sanadkan uu madaxweyne Trump cudurkaan ugu magac daray Viruska Shiinaha.

Maamulada Gobalka Mudug ee Puntland & Galmudug Oo Amar Ka soo Saaray Goobaha Lays kugu Yimaado Ee Magaalada Gaalkacyo

0

Guddoomiyaasha Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug Gudoomiye Axmed Muuse Nuur iyo Mudane C/raxmaan Cali Diiriye oo maanta shir ku qabtay Gaalkacyo ayaa si wadajir ah u sheegay in Xaalad deg deg ah la geliyay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Goobaha la iskugu yimaado si looga fagaado faafitaanka cudurka Covid-19

Shirkooda ayay ku sheegeen in laga bilaabo caawa Bandow lagu soo rogay Gaalkacyo shacabkuna ay u hogaansamaan Amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland , ayagoo xusay in ayagana u taagan yihiin fullinta amarada kasoo baxay Madaxdooda.

Go’aankaan ay soo saareen Masuulyiinta Gobalka mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa qeyb ka ah ololaha looga hortagayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Ciidanka XD Soomaaliyeed oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ka Saaray Deegaanno Ka tirsan Gobalka Baay

0

Howlgalo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado degmada Diinsoor Gobalka Baay ayay argagixisada al-shabaab waxay kaga saareen degaanada Bandhuub iyo Biilane kuwaasi oo ay maleeshiyada al-shabaab ku dhibaateeyn jireen shacabka kunool deegaannadaasi.

Taliyaha Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay ujeedka howlgalka inuu yahay sidii maleeshiyaadka argagixisada looga saari lahaa gobolada Baay iyo Bakool.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdulaahi ayaa tilmaamay inay haatan ay kordhiyeen howlgalada la isugu furayo Baay iyo Bakool islamarkaana ay ku guuleeysteen deegaanno dhowr ah in ay ka saaraan argagixisada.

Sacuudiga Oo Qaaday Xayiraaddii Saarneyd Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya

0

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha, iyo Beeraha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaar ah u  qaadday cuna qabatayntii xagga dhoofinta xoolaha nool ee saarnaa dalka Soomaaliya.

Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay in ay tahay mid lagu taageerayo suuqyada dalkaasi oo u baahday keenista  xoolo nool oo laga soo iibsado dibadaha.iyada doorka iyo waajibaadka Wasaaradda uu yahay sugidda cunnada, oo ay ku jiraan hilibka cas ee la soo dhoofiyo iyo Xoolaha nool

Wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi,30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dadaalkaasi uu yimid ka dib markii la dejiyay xaalado karantiil ah,isla markaana meesha laga saaray halista cudurada faafa ee xoolaha

Dowlad Goballeedka Hirshabeelle Oo U Diyaargarowday Kahortagga Fatahaadda Webiga Shabeelle

0

Wasaaraadda Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo kaashaneysa Bulshada Jowhar ayaa dib u dayactir  ka billowday goobo looga cabsi qabo inuu fatahaad  ka sameeyo Wabiga Shabeelle, maaddaama xiligaan lagu guda jiro waqtiga roobka guga.

Wasiirka Beeraha ee Hirshabeelle, Cali Xaaji Is-goowe ayaa Shacabka  Hirshabeelle ee u badan Beeralayda ugu baaqay inay si iskood ah uga qeyb qaataan Carratuurka lagu sameynayo goobaha Webiga uu ka jilicsanyahay si looga hortago fatahaad waxyeello gaarsiisa dalagyadooda.

Beeraleyda deegaannada Hirshabeelle ayaa xilligan ku howlan waxsoosaarka dalagyada noocyadooda kala duwan, ka dib fatahaaddii Webiga Shabeelle oo dib u dhigtay beerahii ay tacban jireen.

 

Tala-bixiyaha Caafimaad ee Covid-19 Oo Shacabka Soomaaliyeed La Wadaagay Talooyin Muhiim Ah.

0

Dr. Maxamed Cali Fuje oo ay Dowladda Soomaaliya u magacawday Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID 19, ayaa Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay digniin la xiriirta  khatarta iyo saameynta adag  ee cudurka COVID-19 oo si dhaqsiyo badan ku faafaya.

Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID 19 Dr Maxmed Cali Fuje ayaa Bulshada Soomaaliyeed kula taliyey in ay qaataan Talooyinka Caafimaad ee muhiimka u ah xakameynta faafitaanka COVID19, si guul looga gaaro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamed Cali Fuje ayaa shcabka Soomaaliyeed ka codsaday in la bedelo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is jaceylka iyo is -dhexgalka bulshada inta lagu guda jiro ka hortaga Faafitaanka Cudurka COVID19 si looga badbaado qatarta cudurka sida fudud ku faafa ee COVID19.

Dowlada Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoogan oo ku aadan xakameynta faafitaanka Cudurka COVID19 ayadoo qaaday tallooyin adag oo ay uga hortageyso in uu cudurkaas ku dhex fido bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta Xfs Oo Ka Tacsiyaysay Geerida Cabduqaadir Boolaay

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Maxamed Xayid Maareeye , Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Aadan Isaaq Cali ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha unaxariistee C/qaadir Cali Boolaay.

“Alle ha u naxariisto halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo saakay ku geeriyooday London, waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay,waxaan ku booqday isbitaal ku yaala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dr C/qaadir Cali Boolaay waxa uu ahaa shaqsi kaalin muuqata ka galay warbaahinta Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa howlwadeennadii lagu aas aasay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna wax kasoo saari jiray Madaxna ka soo noqday wargeysyadii Corriera Della Somalo, New Era, Uninone, Stella di October, Xidigta Oktoobar & “waarimaysid” oo ka soo kala bixi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam.

Madaxwaynaha Puntland Oo Isku Beddelay Taliyayaasha Booliiska Nugaal Iyo Mudug

0

War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlad goballeed Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la isugu beddelay taliyayaasha qeybaha booliska goballada Nugaal iyo Mudug.

Xeerka uu soo saaray madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in lagu dardargaliyo amniga deegannada Puntland.

Qoraalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in G/sare Muumin Cabdi Shire in loo beddelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, halka G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo beddelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa faray taliyayaasha la isku beddalay in ay ka soo dhalaallaan shaqada ay hayaan.

 

Dalka Kasta Oo Dunida Guud-Keeda ah Oo Soo Rogay Xayiraad, Mid Walbana Albaabada Ayuu Ka Xirtay Kan Kale, Daawo “Sawirro”

0

Dalalka Dunida ayaa qaaday tallaabo lagu xayirayo xuduudaha taasi oo qeyb ka ah tacaalka ka hortagga fidista cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa xiran garoomada duulimaadyada gudaha iyo dibadaha dalalka iyo gobollada dunida, Wadamada caalamka ayaa sii kordhinaya tallaabooyinkooda ka hortagga oo ay sidoo kale kamid tahay in dadku joogaan guryahooda, iyadoo la joojiyay lana xayiray dhammaan socdaaladii iyo safarada ay dadku ay bixin jireen gudaha gobollada wadamadooda iyo kuwa caalamka ah intaba si looga hortago inuu cudurka fidin.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ee Loo soo gaabiyo WHO ayaa cudurkani ku sifeysay inuu ku fido isu socodka dadka gebi ahaantiisa.

Warbaahinta Qaranka gaar ahaan Qeybta Qoraalka SNTV Kala soco wixii talo iyo tusaale ama akhbaar cusub oo ku saabsan khatarta dunida ee COVID-19, Caafimaadku Waa Muhiim Kahortagguna Waa Lama Huraan, Muwaadin ku dadaal Nabaafadda guud iyo tan gaarka ah.

Cudurkani waxa uu ku sii fidayaa dalalka dunida iyadoo ay kiisas horleh soo baxaan maalin kasta taasina waa sababta uu dalalka dunida dagaalka Ka hortagista u qaadaayaan, Dadka safraya waa in ay booqdaan website-ka Dowldda si ay uga socdaal macluumaadka iyo sheekooyinka cusub ee cudurka halista ah ee Coronavirus.

Amnesty Oo Ku Boorrisay Dowladda Eritrea In Ay Xabsiyada Ka Sii daayso Maxaabiista

Hay’adda Amnesty International Ayaa waxa ay ugu baaqday dowladda Eritrea In Ay Xabsiyada Ka sii daayso Maxaabiista Si Ay Uga Badbaadaan Halista Cudurka Covid-19

Bayaan ay soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxa ay ku sheegtay “Xaaladaha buux dhaafka iyo mid nadaafad xumida darteed ay tahay xabsiyada laga sii daayo maxaabiista ku xir-xiran gudaha xabsiyada ee dalka Eritrea   ” taasi oo sii kordhin karta fursadaha uu ku fidi karo cudurka COVID-19, caabuqa cudurkani oo ah mid ku dhaca neef-mareenka ayaa waxaa sababa cudurka cusub ee coronavirus.

Hadalka qoraalka Amnesty International ayaa ku soo aaday xilli uu dunida ku sii baahayo cudurka iyadoo uu dalkastaahi uu wado dadaal lagu wacyielinayo ka hortagga baahista cudurkani oo xaaladihiisa caafimaad darro awgeed ay intaba dad kala duwan ugu geeriyoodeen meelo badan oo ka mid ah dalalka caalamka.