Home Blog Page 854

WFP oo sheegtay in cuntada ay Iskoollada ku bixiso ay dhiirigalin u noqotay Waxbarashada.

0

Iyada oo maanta caalamku xusayo maalinka Cuntada Adduunka si loogu baraarugo baahida ayaa hey’adda WFP waxay ay sheegtay in cunnada ay siiso ardayda qaar ka mid ah iskuulada Soomaaliya ay sare u qaaday in carruur badan iskuulada loo diro.

WFP waxay tilmaantay in cuntada nafaqeysan ee diyaarsan ee la siiyo ardayda ay kaalin weyn sidoo kale ka qaadatay heerka waxbarasho ee carruurta.

Mashruucan oo kaalinta ugu weyn uu ka geysto dalka Shiinaha ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaraa gabdhaha taas oo dhiiri galineysa horumarinta waxbarashada gabdhaha.

Ardayda qaar ayaa la siiyaa raashiin ay guriga u qaataan iyo agab kale oo waxbarashada ka saacid a siiba gabdha.

Hey’adda WFP waxay sheegtay sanadkii 2019 in caruurta ay ka caawisay iskuullada guud ahaan Soomaaliya ilaa 200,000 arday, kuwaas oo hablo u badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo baaq u diray Culimada Soomaaliyeed.

0

Ra’iisul wasaraaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa culimadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan la dagaalanka iyo iftiiminta fikirka xagjirka maadaama bulshada Somoomaaliyeed ee u badan dhalinyaro loo baahan yahay in la gaarsiiyo sida ay Diinteena  islaamku uq eexeyeso.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu ku booriyay in la kordhiyo muxaadarooyinka sida maalmaha Jimcada iyo goobo kale si dadka loo gaarsiiyo dhibaatooyinka laga dhaxlayo Argagixisada gaar ahaa waxii ka dhacay 14-kii octobar isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

“Waa in la joogteeyo muxaadarooyinka looga hadlayo dhibaatooyinka argagixisada waa in la waaniyaan dhalinyarada,waa in la waaniyaan Hooyooyinka si loo goorsiiyo waxa ay diinteyna  naga reebeyso’ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad loogu duceynayay AUN dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay sedex sano ka hor isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo galaafsaday nolosha dad badan oo shacab ah, sidoo kalane ay dhibaatooyin kasoo gaareen dad kale oo ubadan rayidka.

Erdogan oo beeniyay in Turkigu dagaalyahanno Suuriyaan ah u dirtay Azerbaijan

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayib Erdogan ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in dowladdiisu u dirtay dagaalyahanno Suuriyaan ah gobolka Karabakh ee ay ku muransan yihiin dowladaha Azerbajaan iyo Armeniya.

Dowladda Armeeniya ayaa dhowr jeer ku eedeysay dowladda Turkiga inay gacan siineyso Azerbijaan iyadoo goobaha dagaalka usoo dirtay dagaalyahano calooshood u shaqaystayaal ah kuwaas oo ka barbar dagaalama Azerbijaan.

Dowladda Ruusha ayaa sabtigii sheegtay in wada hadallo kadib labada dowladood ogolaadeen xabbad joojin, inskata oo aysan suurta gelin xabbad joojintaas.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda oo tababar Diblomaasiyadeed u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradda.

0

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah guddoonsiiyay shahaado diblomaasiyadeed todobo agaasime waaxeed oo ka mid ah 14 agaasime waaxeed ee Wasaaradda oo muddo labo bilood oo tababar ah u socday, kuwaasi oo si habsami leh u qaatay casharada, si joogta ahna u xaadiri jiray, halka todobada kale ay dib u qaadan doonaan daraasadda.

Danjire Cawad ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay ku talagalaysay in wax badan ay fuliso, hayeeshee feyruska Karoona uu carqaladeeyay howl-socodkii qorshayaashiisa oo ay ka mid ahayd in dalka la keeno tababarayaal Sweden u dhashay oo barnaamijyo tababar ku qabta Muqdisho, isagoo bogaadiyay Machadka Diblomaasiyadda iyo tababarayaashiisa oo kaalin weyn ka qaatay tababaridda agaasimeyeyaasha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiisha habmaamuus ee Madaxtooyada, Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koorsada diblomaasiyadeed oo si rasmi ah loo daah-furay 29 Febraayo, ayaa jadwalkeedu ahaa in la soo afjaro 29 Abriil si kor loogu qaado xirfadaha afar iyo tobanka agaasime waaxeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, balse feyruska Karoona ayaa u horseedday in Machadku qaato go’aan lagu hakinayay tababarka si kumeel-gaar ah, si loo hubiyo bedqabka, loona xaddido faafitaankiisa, waxaase koorsadu dib u bilaabatay horraantii November.

      

   

Bangiga adduunka oo 12 bilyan u qorsheeyay dalalka soo koraya si ay u helaan tallaalka Covid-19.

0

Bangiga Adduunka ayaa go’aan ku gaaray in 12 bilyan oo dollar la siiyo dowladaha soo koraya si ay u helaan tallaalka cudurka Corona Virus.

Guddoonka Bangiga adduunka ayaa sheegay in qorshahaan looga dan leeyahay in waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ay si dhaqso ah u helaan tallaalka Covid19.

12-kaan bilyan ayaa loo isticmaali doona iibinta  iyo qaybinta tallaalka cudurka corona, waxaana loogu tala galay inay ka faa’iideystaan dad gaaraya hal biyan oo qof.

Illaa iyo hadda majiro tallaal leysku raacsanyahay in loo isticmalo cudurka Covid-19 kaas oo ay aqoonsantahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, waxaase tallaallo kala duwan soo saaray dalal badan.

 

Wasiir Beyle oo ku baaqay in si wadajir ah loo wajoho kooxaha ka dambeeya xasuuqa bulshada.

0

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS C/Raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay xasuuqi ka dhacay isgoyska Soobe,ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan ka hortagga falalka gurracan ee ay maleegayaan kooxaha nabad-diidka ee isu baheystay dhibaateynta shacbiga.

“ Markii aan arkay sida ay wax u dheceen, burburkii goobta iiga muuqday iyo dhaawaca ama dhimashada walaaleheen waxaa ii caddaatay in argagixisadu aysan wax arxan ah inoo heynin balse ay sugayaan in aan u midoowno, isla markaana qof waliba uu waajibkiisa ka soo boxo” ayuu yiri Beyle.

Sii hayaha Wasiirka ayaa  dhacdadii Soobe ku tilmaamay mid xanuun badan oo taabatay shacbiga Soomaaliyeed,wuxuuna intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed uu la wadaagayo dareenka murugada leh ee lagu xasuusanaayo dhibaatadii iyo xasuuqii argagixisadu u geysatay walaalaha soomaaliyeed.

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu gabagabadii dhambaal tacsi ah u diray Umadda Soomaaliyeed,gaar ahaa eheladada iyo qoysakii ay ka baxeen dadkii wax ku noqday qaraxii argagixisada ee 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaare Rooble oo sheegay in weji cusub loo wajahayo la dagaalanka Al-shabaab.

0

Ra’iisal wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Gole,ayaa maanta ka qeybgalay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay kaalinta culumada ee ka hortagga argagixisada , nabadenta iyo dib u heshiisiinta dalka.

Hadal uu kulankaasi ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble,waxa uu xusay dhibaatadii ka dhacday isgoyska Soobe ee 14-kii oktoobar iyo saeynta ay ku yeelatay bulshada,isagoo culumada ugu baaqay in ay xoogga isugu geeyaan sidii looga  fogaan lahaa fikirka qaldan ee xag-jirka.

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay u howlgaleyso xoojinta xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo shacaka,isla markaana  la sameyn doono  kormeerro joogto ah oo qeyb ka ah habsami u socodka waxqabadka ciidamada.

R/Wasaare Rooble,waxa caddeeyay in  xukuumaddu ay la imaan doobto dib u habeyn xagga istraatiijiyadda ah oo lagula  dagaalami doono kooxaha  argixixisaa ah.

Mudane Rooble, waxa uu faray culimada  in ay ka shaqeeyaan raadinta nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Dalka ,isla markaana ay gacan ka geystaan la dagaalanka argagixisada,.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Aw-qaafta XFS iyo maamulka xarunta Madaxtooyada,waxaa lagu qabtay xarunta Tiyaatarka,iyadoo ay sidoo kale ka qeybgaleen qeybaha culumada ee Soomaaliya.

Mareykanka“Weli waxaan la murugooneynaa dhibaatadii uu geystay qaraxii Soobe.

0

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii Oktoobar 2017 oo argagaxisadu xasuuqday dad aan waxbo galabsan oo isugu jira dhammaan qeybaha bulshada.

Safaaradu waxay sheegtay in dowaladda Mareykanka la xanuunsaneyso qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay isla markaana ay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Dhammaan saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa maanta umadda Soomaaliyeed la qeybsanaya xusuusta xanuunkii 14-kii Oktoobar 2017 oo argagaxisada geysteen weerar waxuushnimo ah oo lagu sheegay mid argagaxiso Kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca qaarada Afrika.

 

QM “Waxaan murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay qaraxii 14-kii Oktoobar”

0

Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh.

Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxuushnimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Bololaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa

Amniga Jowhar oo la adkeeyay xilli lagu jiro ololaha doorashooyinka Hirshabeelle.

0

Ciidanka boliiska magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid leysku haley karo kaddib howlgalo ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jowhar.

Taliyaha saldhigga boliiska caasimadda Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali “Canjeex” ayaa tilmaamay in xaafadaha magaalada iyo bannaankeeda ay ku leeyihiin xarumo laga sugo ammaanka ayna ka sameeyaan howlgalo joogto ah.

Howlgallada sare loogu qaadayo ammaanka ayaa waxey ku soo aadayaan xilli Jowhar ay ka socdaan ololaha doorashada baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, waxaa soo dhaweeyay shacabka ku nool caasimadda maamulkaas.