Home Blog Page 854

R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Go’aan Taariikhi ah Ku Tilmaamay Go’aankii Deyn Cafinta  Naadiga Paris

0

R/Wasaaraha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha  caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya  laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballanqaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67%  kamid ah, taasoo kor u qaadi doonta daynta laga cafiyay dalkeenna. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan.

R/Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay sida ay dalalka u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadda iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd halbeeggii ugu  weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay.

Bandow Xilliga Habeenkii Ah Oo Garowe Caawa Ka Dhaqangalay

0

Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa ka dhaqan galaya wixi ka dambeeya 6:00 maqribnimo bandow oo lagu soo rogay Guud ahaan deegannada Puntland, kaasi oo looga gol leeyahay yaraynta dhaq dhaqaaqa iyo isu socodka bulshada qaybaheeda si looga hortago faafida cudurka Coronavirus oo dunida saamayn ballaaran ku haya .

Dhanka kale, Bandowgan ayaa qayb ka ah adkaynta Nabad galyada si aysan bulshada iyo madaxduba u dhibaatayn kooxaha Nabad diidka ahi kaddib qarax loo gaystay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobalka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay.

Gudaha Garoowe waxaa wareegayay saacadihii ugu danbeeyay gaadiid bulshada lagu ogaysiinayo in ay horay u xaroodaan inta uusan ku dhicin Bandowga Guud.

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waa caasimadda dowlad goboleedka Puntland, waxaana tani ay muujineysaa in uu dhaqan galay bandowga magaalada lagu soo rogay iyo deegaannada kale ee Puntland.

Dhameystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka Oo Laga Dooday “Sawirro”

0

Guddiga Wadajirka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa kulankii 3aad ee la-tashi iyo xogwareysi ku saabsan dhamaystirka xeerarka sharciga Doorashooyinka Qaranka la yeeshay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka oo uu shir-Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka iyo isxog-wareysi ku aadan 4-ta xeer ee guddiga loo soo xilsaaray in ay ka soo shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka KMG ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha guddiga Madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xallimo Yareey” latashiyada iyo talooyinkooda muhiimka ah ee la xariiro xeerarka dhamaystirka ah ee sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Saameynta Cudurka Coronavirus, Dalalka Afrikada Bari iyo Dunida “Sawirro”

In ka badan 862,613 oo qof ayuu ku dhacay fayruska sida ay muujinayso warbixinta guud ee laga soo saaray dalalka dunida sida ay qortay hay’adda caafimaadka adduunka.

Heerka Dhimashada 42,528 iyadoo ay xaaladda soo kabashada lagu qiyaasay 179,127 warbixintani ayaa waxaa kujira xogaha caafimaadka ee laga soo aruuriyay in ka badan 195 oo ay kamid tahay Soomaaliya oo laga helay 5-qof.

Dalalka                        Xaaladaha                   Dhimashada

Mareykanka              188,247                            3,921

Talyaaniga                 105,792                            12,428

Somalia                      5                                           1

Burundi                      2

Saudi Arabia              1,563                                10

Koonfur Afrika         1,353                                 5

Uganda                      44

Djibouti                     30

Zambia                      36

Spain                          94,417                               8,189

Eritrea                        15

Tanzania                     19                                      1

Ethiopia                      29         +3

Kenya                          59                                     1

Turkey                         13,531                             214

Norway                     4,643 39

Sweden                     4,435  180                        239+59 New deaths

 

 

Kiisaska Cudurka Coronavirus Ee Dalka Pakistan

In ka badan 862,613 oo qof ayuu ku dhacay fayruska sida ay muujinayso warbixinta guud ee laga soo saaray dalalka dunida sida ay qortay hay’adda caafimaadka adduunka.

Heerka Dhimashada 42,528 iyadoo ay xaaladda soo kabashada lagu qiyaasay 179,127 warbixintani ayaa waxaa kujira xogaha caafimaadka ee laga soo aruuriyay in ka badan 195 oo ay kamid tahay Soomaaliya oo laga helay 5-qof.

Heerka xaaladaha dadka uu fayruska Coronavirus soo riday guud ahaan ee magaalada Islamabad ee dalka Pakistaan ayaa maanta gaartay 2,042 26

R/Wasaaraha Pakistan, Imran Khan ayaa sheegay in ay dowladdu ugu talo gashay 2-milyan oo doolar ay kula tacaalayso dhibaatada caafimaad ee uu cudurkan ku haayo muwaadiniinteeda.

Dr. Zafar Mirza oo ah la taliyaha Xukuumadda Pakistan ayaa sheegay baahista gudaha cudurka uu sii kordhayo kadib markii ay dowladda dalkaasi joojisay duulimaadyada caalamiga ah, ilaa iyo haatan isu gudubka cudurka ayaa sii cago cageynaya 27% marka loo eego heerka fidista fayruska COVID-19.

Sida muuqata kiisaska ayaa kor usii kacaya maalinba maalinta ka dambeysa, in ka badan 593 ayaa laga soo sheegayaa magaalada Punjab, halka Gobolka Sindh 508 ay mareyso marxaladda dadka uu soo riday, 195 Gobolka Khyber-Pakhtunkhwa (KP), Gobolka Balochistan 144 gobolka Gilgit-Baltistan 128, iyadoo ay magaalada Islamabad ee Caasimadda dalka Pakistaan ay ko r udhaaftay 51 iyo Gobolka Kashmir qeybta ay Pakistan maamusho ayaa laga helay in ka badan 6-qof fayruska cudurka.

Halka 18 ay u dhinteen, oo ay kujiraan 4 caruur ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay, 28- ruux ayaa ku jira xaalad soo kabasho ah, halka 11 ay ku jiraan xaalad halis ah.

Cudurku waa uu sii baahayaa iyadoo ay dowladda Pakistaan wado tallaabooyin lagula tacaalayaao cudurka si uusan u sii fidin.

 

Nuur Cade, R/Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Geeriyooday

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa London ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus, sida ay qoyskiisa xaqiijiyeen.

Bishii hore ee March 26, ayaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu ku dhacay fayraska Covid-19, sida uu xilligaas xaqiijiyay wiilkiisa oo BBC Somali la hadlay.

Nuur Xasan Xuseen oo loo yaaqaan (Nur Cadde) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938 wuxuuna ahaa 82 sano jir.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen Nuur Cadde wuxuu yiri: “Wuxuu ahaa nin aad u qaali ah oo maamul yaqaan ah oo shaqadiisa garanaya”.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada uu ka dhintay Alle Ha u naxariisto, Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde).

Waayihiisii xilka Ra’iisul Wasaare

Nuur Cadde oo mudooyiinkii ugu dambeeyay degganaa magaalada London ee dalka Britain, wuxuu xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qabtay 22-kii November 2007-dii. Xilkaas waxaa u magacaabay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo hoggaaminayay dowlladii kumeel gaarka ahayd.

Wuxuu xillgaas xilka kala wareegay Cali Maxamed Geedi oo is casilay 29-kii bishii october ee isla sannadkaas, 2007.

Madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yusuf oo siyaasad ahaan ay kala aragti duwanaadeen Nuur Cadde, wuxuu dhammaadkii 2008-dii sheegay inuu kala diray Nuur Cadde iyo golihiisii Wasiirada.

Mooshinno iska soo horjeeday oo la geeyay Baarlamaaka waxaa codka ku guuleystay Nuur Cadde. Wuxuuna xilka Madaxweynaha u tartamay doorashadii Jabuuti ka dhacday horraantii 2009-dii ee uu ku guuleystay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxbarashadiisii iyo noloshiisii guud

Waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa. Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda ayuu wax ku bartay, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka, wuxuuna ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Nuur Cadde wuxuu shaqadiisii ugu horreysay ku billaabay Sarkaal canshuuro, 1958-dii, laba sano ka hor intii Soomaaliya aysan qaadan xuriyadda. Wuu dalacay illaa uu ka gaaray heerar sare oo la xiriira hoggaanka booliska. Wuxuu sidoo kale la shaqeeyay hay’ado boolis oo caalami ah.

“Wuxuu ahaa nin aqoon sare leh. Wuxuu wax ku soo bartay Taliyaaniga. Wuxuu ahaa nin afgaaban oo dabeecad macaan”, ayuu yiri Subxaanyo.

Ka dib markii uu ka baxay jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, wuxuu ku biiray Jaamacadda Room. Wuxuu labadaas Jaamacadood ka bartay Culuumta Shuruucda, sida ay xaqiijiyeen dad badan oo ay isla soo shaqeeyeen.

Ka dib Burburkii wuxuu u wareegay hay’adaha Gargaarka, wuxuuna la shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Hay’addii Bisha Cas ee Soomaaliya (SRCS).

Sannadkii 1976-dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah hay’adda Bisha Cas ee Somaaliyeed, ka hor inta aan loo dooranin inuu noqdo xubin gudiga fulinta ee hay’adda.

Nuur Cadde wuxuu ra’iisul Wasaare ahaa 2007 illaa 2009.

Alle ha u naxariisee, Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Soomaaliya wuxuu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala gedisan ayuuna ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska.

Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Sannadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliya.

Jeneraal Cabdiqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ay isla soo shaqeeyeen wuxuu yiri “Wuxuu ahaa diiwaan hayihii booliiska oo dhan. taliyaha ayuu la shaqeyn jiray. Booliska isaga la aantiisa maba socon karin. Wuxuu ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnayd booliska”.

Sannadkii 1986, Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka Taliyaaniga, halkaas uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, waxaa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo dembiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sannad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Soomaaliya.

Maxaa lagu xasuusan doonaa?

Waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mid ah “Heshiiskii lagu soo dhisay dowladdii (Sheekh Shariif) ee lagu qabtay Jabuuti iyo kaalintii fiicneyd ee uu ka qaatay”, ayuu yiri Subxaanyo oo sidoo kale xilligaas ay isla shaqeeyeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

“Wuxuu kaalin wanaagsan ka qaatay in ay dhacdo mideyn iyo isu imaatin iyo iyadoon dagaal dhicin in nabadgelyo wax lagu xalliyo,” ayuu hadalka ku daray.

Si gaar ah Booliskii uu ka tirsanaan jiray “waxaa ka tagay nin qiimo leh oo waxbadan ka soo qabtay”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tacsiyeeyay geerida Nuur Cadde wuxuu yiri: “Waxaan ka wada shaqeynay arrintii dib u heshiisiinta ee 2008-2009. Wuxuu ahaa nin qiimo leh oo nabadda aad u jecel”.

“Nabadda iyo dowladnimada ayuu xilkiisa Raysalwasaare miiska u saaray, danta guud ayuu ka hormariyey tiisa shakhsiga ah ee geedi socodka nabadda iyo dhismaha dowladnimada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo boggiisa facebook uga hadlay geerida Nuur Cadde.

 

 

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo safiirka Shiinaha kala wareegtay qalab lagu baaro Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadad Federraalka Soomaaliya ayaa Xalay Safiirka Dowladda Shiinaha kala wareegtay qalabka lagu baaro Covid-19 iyo dharka ay xirtaan Dhaqaatiirta ka howlgala meelaha lagu hayo Bukaanada.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dilaacay.

Diyaarad sidday qalab caafimaad iyo daawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa ka timid dalka Itoobiya, waxaana garoonka ku sugayay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, kuwaas oo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqdaas.

Deeqdaan gargaarka ayaa waxaa qeyb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee dunida ku baahay.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Muqdisho (SNTV)- Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa  guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  bartimihii December iyo dabayaaqadii January.

Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan  jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada  tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Muqdisho (SNTV)- Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii  January sanadkan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Xafiiska ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u  diiday inta ay  ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah Xoogsatadii.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle inta kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Abuukaataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah  oo ah qisaaasta Marxuum  Xuseen Axmed Cabdulle   sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

 

Madaxweynaha Galmudug oo shir-guddoomiyay Shirka Amniga

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xalay Shir gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Galmudug.

Kulankan oo kii 8aad ee Shirka Golaha Amniga waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Golaha Amniga waxaana laga dhageystay warbixin ku saabsan Qorshahooda dhanka Amniga iyo Siyaasadaha gacan siiya Amniga.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimey xafiiska Amniga Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa looga dooday Qodobo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin.
Dardargelinta Siyaasada Amniga Galmudug,  Fulinta qorsha hawleedka guud ee Amniga iyo xoreynta Deeganada Aragagixisadu Dadka ku dhibaateeyaan.