Beesha Caalamka oo ka hadashay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Date:

Wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalaka daneeya arimaha Soomaaliya, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wanaajinta dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Hadaladaan ay sheegeen wakiilada saaxiibada muhiimka la ah Soomaaliya ayaa yimid xilli ay Booqasho ku tageen Magaalada Beydhabo oo xarun ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Waxaa na dhiirri-gelinayaa dib u soo nooleynta wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhammaan Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusomareeb bilihii la soo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinka” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Waxaan Madaxweyne Cabdicasiis uga mahadcelineynaa hoggaamintiisa ku aadaneyd marxalado badan ee geedi socodkan,” ayuu raaciyay, isagoo ka hadlay shir jaraa’id oo kooban oo uu ku qabtay caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo kadib kulan kooxeed uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen.’

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa socdaal ku tagay magaalada Baydhabo, isaga oo ay weheliyaan Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Urur-goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Mudane Swan wuxuu hadalkiisa ku sheegay in natiijooyinka shirarkii Dhuusomareeb iyo Muqdisho ay muujiyeen waxa la gaari karo marka madaxda Soomaaliya ay isugu yimaadaan si is afgarad iyo wada shaqeyn leh.

Waxaan ku boorineynaa madaxda inay sii wadaan diyaar garowga loogu jiro doorashooyinka qaranka si ay u noqdaan kuwo ku saleysan daahfurnaan, cadaalad iyo u wada dhammaansho," ayaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Tani waxay khuseysaa dhammaan dhinacyada geeddi-socodka doorashooyinka, sida sameynta guddiyada doorashooyinka madax-bannaan ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Mudane Swan ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay leedahay in la yeesho wada shaqayn dhow si loo xaqiijiyo amniga doorashooyinka, wuxuuna garwaaqsaday dadaalada maamulka Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aadan arrintan, inkastoo ay jirto khatarta joogtada ah ee Al Shabaab.

Saaxiibada ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey madaxda Soomaaliya inay iskaashigooda sii ballaadhiyaan dhinacyada kale, sida dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka kale ee gacan ka geysan kara horumarinta arrimaha hortabinta u leh qaranka, dib-u-habeynta dimuqraadiyadda iyo xorriyadaha asaasiga ah, sida xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.

Kuwani dhammaantood waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah nidaam dimoqraadiga ah ee nool oo u oggolaanaya in la maqlo codadka Soomaalida ayuu yiri Md. Swan, isaga oo intaa ku daray in Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo Qaramada Midoobe ay sii wadi doonaan garab istaagga shacabka Koonfur Galbeed iyagoo dhisanaya mustaqbal wanaagsan.

Dhanka dhaqaalaha, saaxiibada beesha caalamka ayaa qiray saameynta ba’an ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo sida uu u curyaamiyay kobaca dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhimadda ay ururinta dakhliga iyo maamul wanaagga u leeyihiin mustaqbalka horumarka

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale