Fatahaadda Webiga Shabeelle Saameyn noocee ah ayuu yeeshay Warbixin.

Date:

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ay soomaaliya iminka wajaheyso taas oo ay weheliyaan ayaxa iyo Covid-19.

Warbixin ay soo saartay hey’adda OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha sal kiciyeen Dad gaaraya 341,884 guud ahaan Soomaaliya .

Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen.

Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan waxaa ku sal kacay fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

OCHA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso raahsiin yari ba’an 2.1 malyuun oo qof illaa bisha December ee sanadkan ayaa xaalku sii murgi doonaa hadii Wabigu mar kale fataho.

WQ: Maxamed Maxamuud Dhoore

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...