Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo shir la yeeshey madaxda Ha’yadda UNODC.

Date:

Shir looga hadlayay sidii loo tayeyn lahaa loona tababari lahaa xubnaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka shaqeeya qeybta dembi baarista (CID) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida ay SONNA ka soo xigatay taliska boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay la socdaan Saraakiil  sare oo ciidanka ah, ayaa maanta kulan kula qaatay Airport-ka Caalamiga ah ee Muqdisho Madaxda Sare ee Hay’ada UNODC oo Qaramada Midoobe u qaabilsan ka hortagga dembiyada Saldhigga Booliiska  (AAIA).

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha tayeynta iyo Tababarrada Xubnaha Ciidanka ee Baarista Dembiyada, iyada oo la is dhaafsaday qorshaha mustaqbalka dhow.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wada dadaallo ku aaddan howlaha lagu tayeynayo adeegyada Booliiska ee bulshada ay u qabanayaan,iyadoo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay howlihii adeegyada (CID) ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax...

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...