Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo shir la yeeshey madaxda Ha’yadda UNODC.

Date:

Shir looga hadlayay sidii loo tayeyn lahaa loona tababari lahaa xubnaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee ka shaqeeya qeybta dembi baarista (CID) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida ay SONNA ka soo xigatay taliska boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay la socdaan Saraakiil  sare oo ciidanka ah, ayaa maanta kulan kula qaatay Airport-ka Caalamiga ah ee Muqdisho Madaxda Sare ee Hay’ada UNODC oo Qaramada Midoobe u qaabilsan ka hortagga dembiyada Saldhigga Booliiska  (AAIA).

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha tayeynta iyo Tababarrada Xubnaha Ciidanka ee Baarista Dembiyada, iyada oo la is dhaafsaday qorshaha mustaqbalka dhow.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wada dadaallo ku aaddan howlaha lagu tayeynayo adeegyada Booliiska ee bulshada ay u qabanayaan,iyadoo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay howlihii adeegyada (CID) ay ka helaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...