Home Blog Page 845

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo lagu laayey Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Muqdisho:(SNTV):- Maleeshiyad ka tirsan kooxaha nabad diidka Al-shabaab Al-qaacida oo is dayay in weerar arbushaad ah ey ku soo qaadan fariisimaha ciidamada xooga dalka ey ku leeyihiin deegaanada ceelsaliini iyo bariire oo katirsan gobolka shabeelada hoose ayaa araxda looga jabiyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa warbaahinta qaranka  u xaqiijiyay in tobaneeyo ka mid ah argagixisada weerarka soo qaaday ladilay islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray maleeshiyadaas oo jab xoogan kala kulmay ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee jooga jiida hore ee dagaalka.

Ciidanka Xogga Dalka ayaa dhabarjab xoogan u geysanayay Maleeshiyaadka kooxda arxanka daran ee Al-shabaab tan iyo markii ay dib u bilaawdeen holgalka lagu ciribtirayo Al-shabab.

Qadar oo Soomaaliya u soo direysa gargaar caafimaad

0

Amiirka Qadar, Tamim bin Xamad Al Thani, ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya loo soo diro gargaar caafimaad oo wax ka tara dadaallada looga hortagaaayo cudurka Covid 19.

Amiirka oo soo saaray  hadal kooban ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad caafimaad oo loo soo diro Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in dalka Qadar uu ka qeybqaadanaayo dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo viruska Corona.

Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona, dalka Qatar waxay gargaar caafimaad siiyeen dhowr waddan oo adduunka ah, oo ay ku jiraan Falastiin, Lubnaan, Tunisia, Algeria, Iran, China, Italy, Nepal, Rwanda iyo Somalia.

Wabiga Shabelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga magalada Joowhar

0

Muqdisho(SNTV):-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka Hirshabelle.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa tuulooyin ku yaala jiinka wabiga.

Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah  Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same,  Raqayloow, Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, iyo Buur Fuule oo dhamaan hoostaga  magalada Jowhar.

Cabsida laga qabo biyo farabadan ee uu wado wabiga shabeele ayaa ku qasabtay qooysas  tuulooyinkaas daganaa  in ay guryahooda ka cararaan.

 

 

Qalab Caafimaad oo ka yimid Turkiga oo Garoonka Muqdisho laga soo dejiyay+Sawirro

0

Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo axad  ka soo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.

Qalabkaan ay ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus .

Muqaal kooban oo ay Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya ku daabacday barta ay ku leedahay faceboka ayaa u qornaa sida tan “Diyaaradii sedexaad ee sida qalab caafimaad  ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay 48 saac ee la soo dhaafay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Tirada xaaladaha COVID-19 guud ahaan  dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen.

Baaritaanno la Sameeyay ayaa Lagu Xaqiijiyay in 48-kii Saac ee Lasoo Dhaafay in ay Soo Kordheen Xaalada Cusub Oo COVID-19 Ah

0

Muqdisho:(SNTV):-Wasiirka Wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haweenyihiin.

37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Ololaha wacyi-galinta bulshada Covid-19 oo si rasmi ah uga furmay muqdisho

0

Muqdisho:(SNTV)-Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan aadan Dhuuboow,Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi iyo Gudddoomiyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta oo axad ah kormeer ay ugu kuur galayeen sida ay usocdaan ololaha wacyigelinta ku tageen Degmooyinka Shangaani,C/Casiis Iyo Boondheere .

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu boorinayo ololaha wacyigelinta ee ka soconaya dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si looga hortago Cudurka ku sii fidayo dalka ee Karoona Feyrus waxaana iska kaashanayo Wasaaraddaha Warfaafinta,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday olole Balaaran dalka oo dhan oo lagu wacyigelinayo bulshada sidii layskaga kaashan lahaa xakameynta cudurka Covid -19.

Farriinta Madaxweynaha JFS ee Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda

0

Muqdisho.(SNTV):- Farriinta Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ee Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xorriyadda Saxaafadda

Xubnaha sharafta leh ee Bahda Warbaahinta

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Warbaahinta awgeed, waxaan bahda saxaafadda la qaybsanayaa xuska maalintan.

Munaasabaddan weyn waxaan uga faa’idaysanayaa inaan xuso shaqada tayadeedu sarreyso ee aad haysaan taasi oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna.

Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna.

Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19).

Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada.

Waxaadna ogaataan in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta.

Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed.

Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna.

Lifaaq hoose ka akhriso

War-saxafaded Maalinta Saxaafada Aduunka

Ciidamada Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay nin miino aasayay+Sawirro

Muqdisho.(SNTV):- Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen nin Miino aasayay, xilli ciidamadu wadeen howlgal miino baaris ah.

Ciidamada ayaa sheegay intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen nin dhalinyaro ah oo miino ku aasayay wadada soo gasha deegaanka Janaale.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamadda ciidamada, si sharciga loola tiigsado.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in ninkan uu doonayay inuu miinada uu aasayay ku dhibaateeyo shacabka.

Ciidamada Milateriga ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale waxay wadeen howlgalo miino baaris ah, waxaana dhowr jeer lala ciidamadu ay fashiliyeen miino ay aaseen argagixisada Al-Shabaab.

Roobab mahiigaan ah oo ka da,ay deegaanka Bacaadweeyn ee gobolka Mudug ayaa sababay qasaare isugu jira naf iyo maal ah

0

Galkacyo:(SNTV) Roobab mahiigaan ah oo ka da,ay deegaanno badan oo dhaca bariga gobolka mudug ayaa sababay qasaare isugu jira naf iyo maal   ka  soo gaaray dadka ku nool deegaanka bacadweyne ee Koonfurta  gobolka mudug.

Sida ay shegeen dadka degaanku laba caruur ah ayaa geyriyootay ka dib markii daadad ay ku soo rogmadeen deegaanka bacaadweyne ee koonfurta gobolka mudug kuwaas oo buburiyey dhismayaal ku yaalay bacaadweyne.

Dadka ku nool Bacaadweeyn  ayaa ka dal badeen  Dowlada fadaraalka iyo madaxda maamulka Galmudug  in ay ka qeeyb qaataan sidi loo kaalmeeyn lahaa .

 

Dowladda Soomaaliya oo gurmad deg-deg ah u diraysa magaalada Bacaadweyne

0

Muqdisho:(SNTV)-Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey gurmad deg-deg ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiinayso Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad binu aadantinimo oo adag.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaataysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadka ku fatahay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku nafwaayey fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyey sida Madaxweynaha, Raaiisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga murugaysan yihiin dhibaatadan.

Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Lifaaqa  hoose ka akhriso

WAR SAXAAFADEED 03-05-2020