Home Blog Page 845

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Garoowe kula kulmay Madaxwayne ku-xigeenka Puntland.

0

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay Ku-simaha Madaxweynaha  ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulankaan ayay labada dhinac uga wada hadleen sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Puntland .

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta qaybaha Booliiska ee dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

“Waxaan ka wada hadalnay taliya Booliiska Somaaliya S/gaas. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar sugidda amniga goobaha ay doorashada ka dhacayso iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Booliiska dalka” ayuu yiri Axmed Karaash madaxwayne ku xigeenka Puntland

Dhanka kale taliye Xijaar) ayaa maanta  kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto doorashada xubnaha golaha Shacabka BFS ee ka imaanaya Puntland.

Taliyaha Booliiska waxaa komeerkiisa ku wehliyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto. Ceydiid Axmed Nuur, iyo sarakiil ka tirsan ciidanka Punland.

Sidoo kale wuxuu kormeer ku tagay qaar kamid ah saldhigyada ciidanka Booliiska Puntland ay ku shaqeyaan, isla markaana saraakiisha maamulka ku amaanay sida wanaagsan ay habeen iyo maalinba shacbiga ugu adeegayaan.

Kormeerkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la socadka tayada ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, maadaama Garoowe ay ka mid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada xildhibaanada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Shacbiga oo maanta yeelanaya kulan muhiim ah.

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya Xaruntooda Villa Hargaysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardargalin doono kulamada golaha, maadaama waqti xileedka xildhibaannada uu muddo kooban ka harsan yahay.

Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa ah Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada diiwaangalinta iyo bixinta aqoonsiyadda iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aadan inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.

Isdiiwaan galinta Musharaxiinta Gudoonka Hirshabelle oo maanta Jowhar ka socoto iyo Aragtida shacabka Jowhar.

0

Iyadoo dhawaan la shaaciyay Jadwalka Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ayaa maanta lagu wado in ay ka bilaabayto magaalada Jowhar ee caasimada maamul Goboleedka Hirshaebelle is-diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Guddiga qabanqaabada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa horay u shaaciyay in 4ta bishan November la qaban doono doorashada Gudoomiyaha, Balse maanta iyo maalmaha ina soo aaday laga shaqeyn doono qabashada Araajida iyo hadal jeedinta musharixiinta.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa mashquul aad u balaaran oo ku aadan arrinta isdiiwaangalinta Gudoomiya Baarlamaanka Hirshabelle iyo ku xigeenadiisa Waxaa jira musharixiin badan oo isu soo taagay qabashada xilalkan.

Dhanka kale shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay jadwalkadoorashada waxayna ugu baaqeen gudiga in doorasha gudoonka baarlamaanka Hirshabelle waqtigaada ay kudhacdo waxayna xildhibaadan cusub ka codsadeen in ay u dooraan shaqsiyaad samata bixinkara Hirshabelle.

Hoos ka (DAAWO) Aragtida Shacabka.

Maamulka gobolka Banaadir oo u kuur galaya saameynta ka dhalatay roobkii xalay ka da’ay Caasimadda, Muuqaalka Warkan Halkan hoose Ka (DAAWO).

0

Roobka gu’ga oo xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka.

Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax iyo Wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajir ayay gabi ahaanba biyuhu fadhiirteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee wadooyinkaasi.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiyada ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.

Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday Goobaha ugu saameynta badanaa roobka waxayna sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu yareynayo saameynta ka dhalatay roobka ka da’ay caasimadda, Waxuuna ugu baaqay Bulshada wax haysta in la caawiyo dadka uu saameeyay Roobka.

Wasiirka Shaqada XFS oo Guddoomiyey Kulan looga hadlayay Qorshe Howleedka Wasaaradda+Sawirro.

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo  is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii  u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda  ee sannadkan  iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.

Wasiir Duraan, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda muddada sagaashka cisho ah ee soo socota.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa  sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda , Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

     

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Garoowe+Sawirro.

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil uu hogaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Wafiga waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay, taliye ku xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland Sareeyo guuto Ceydiid Axmed Nuur ,taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko.iyo sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Punland.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahaan safaro socdaal ah ku marayay qaar ka mid ah gobolka dalka.

           

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjireyaasha Masar iyo Jarmalka+Sawirro.

0

Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane  Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane  Sascha Andreas Kienzle.

Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah.

Safiir ku xigeenka  dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha  Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay  dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

     

Dab geystay burbur hanta oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho.

0

Dab xoogan ayaa maanta qabsaday guri ku yaalla dhabarka dambe ee dhismaha aqalka Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne, ka dib markii ay ku timid cillad dhinaca korontada ah.

Dadka degaanka ayaa   waxaa ay sheegeen in uu dabka ka bilaawday Korono, isla markaana uu baabi’iyay guriga uu ka bilaawday sidoo kalena uu ku faafay guryo kale.

Dabkaasi ayaa geystay burbur hanta, balse ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Xaafada uu dabku ka kacay ayaa aheydmid isku raran ah, waxaana jirtay in saacado badan uu qaatay in uu dabka ku faafo Guryo kale maadaama gaadiidka dam-demiska uu geli waayay.

Ugu dambeyntii Kooxda gurmad deg dega ah ee dowlada hoose Xamar ayaa ku guuleystay daminta Dabkaasi.

 

Ciidamada xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay argagixisadu ku lahayd Gobolka Shabeelah Hoose.

0

Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan oo ciidamadu ku qaadeen goob ay isku soo abaabuljireen maleeshiyadka Al-Shabaab ayaa waxa u ka dhacay deegaanka Leego oo qiyaastii 44km dhanka woqooyi kaga beegan dagmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Weerarkaan waxa si wada jira u fuliyey ururka 4aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana lagu burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay maleeshiyada lacago baad ah kaga qaadan jireen dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaasi iyo gaadiidka dadweynaha ee isticmaala waddada.

Intii uu Howlgalka ciidanka socday waxa ay gacanta ku dhigeen mootooyin ay Nabadiidka Al-Shabaab u isticmaali jireen miinoyinka sida uu kusoo waramayo Wariyaha Idaacadda codka Ciidamada Qalabka sida Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo howlgalka qeyb ka ah.

Ciidamada ayaa markii ay burburiyeen fariisimahaasi waxa ay bilaabeen baaritaanno joogto ah oo lagu xasilinayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana ay baadi goob ku hayaan xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa wada howlgallo kala duwan oo lagu cirib tirayo kooxda nabadiidka Al-Shabaab oo deegaanno iyo degmooyin faro ku tiris ah kaga dhuumaaleysanaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey.

0

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa mudane Maxamed Axmed Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

Shariga Maarreynta Deegaanka,

Sharciga Hay’adaha,

Sharciga Dhismaha Booliiska

Iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda Gole, Garsoorka, La- taliyeyaal iyo Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.