Home Blog Page 846

Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne.

0

Wabiga Shabeelle ee dhex mara magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku fatahay xaafadaha magaalada, taas oo mar kale dadka ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan.

Xaafadaha hawlwadaag, iyo Buundawayn ayey biyaha Webiga oo ka imaanaya karkaarrada gudaha magaalada ay soo gaareen xalay ilaa saaka, waxaana sidoo kale dadka deggan xaafadaha Kooshin iyo dhagax jabis ay wal wal ka qabaan inay biyuhu soo gaaraan, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka  ee SONNA.

Xaaladdan cusub wali kama hadlin maamulka degmada iyo gudiga ka hortagga fatahaadda oo dhawrkii billood ee ugu dambeeyey hawlo carro-tuur ah ka waday tuulooyinka waqooyiga Baladweyne ee heli-kaliyo iyo Qooqane.

Dhawrkii sano ee ugu dambaysay waxaa magaalada Baladweyne kusoo noq noqonayay fatahaadda wabiga, taas oo hoos u dhigtay dhaqaalaha bulshada iyo wax soo saarkii beeraha.

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare.

0

Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka.
Tirada guud ee ardada imtixaanka oo ka dhcay 114-xarun gahay oo ahayd 33,727 ayaa waxaa gudbay 25,177 gudubtay , waxaana haray 8,550-arday

waa kuwan 10-ka arday ee ugu sarraysa ardada imtixaanka ku baasay

1-Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%
2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%
3-Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%
4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxday dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%
5-Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%
6-Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%
7-Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%
8-Cabdifitaax Cabdulaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%
9-Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay PS 90.14%
10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamushaafici kuna baastay 90.14%

HALKAN KA AQRISO MACLUUMAADKA OO DHAMMAYSTIRAN

Ciidanka XDS oo dhaq-dhaqaaq ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Mudug+Sawirro.

0

Qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shacabka ku dhaqan Tuulada Shabeelloow ee Gobolka Mudug ayaa dhaq-dhaq Ciidan ka wada degaanka Dhagaxleey oo  qiyaastii 20 km ujirta Degmada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah Dadka degaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanka xoogga Dalka ee kumaandooska Danab oo kaashanayo Dadka degaanka  ay dedaal ballaaran ugu jiraan sidii ay Argagixisadu ugala wareegi lahaayeen goobaha ay kaga sugan yahiin Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale soo sheegaya in Kooxda nabad-diidku ay halkaasi isaga carareen, ka dib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yahiin Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Dadka Shacabka oo iskaashanaya.

  

Suudaan oo soo rogtay xaalad deg-deg ah Fatahaadda darteed(Sawirro)

0

Golaha Difaaca iyo Amniga Suudaan ayaa dalkaasi ku soo rogay xaalad degdeg ah oo socon doona mudd 3 bilood ah.

Xaaladaan ayaa ka danbaysay kadib markii dalkaasi ay ku dhufteen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaad uu sameeyay wabiga Nay lee mara dhowr gobol oo dalkaasi ka mid ah.

Bayaankaan ayaa intaasi raaciyay in Suudaan waqti xaadirkaan ay tahay dal ay ka jirto Masiibo ka dhalatay dabeecadda, waxaana la sameeyay gole sare oo la tacaala xaaladaha adag ee ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha dalkaasi ka dhacay.

Dhanka kale wasiiradda Shaqada iyo horumarinta bulshada Suudaan Lena Al Sheikh ayaa sheegtay, in inta badan gobollada dalkaasi ay gaartey masiibada ka dhalatay daadadka oo saameyn ku yeelatay dad gaaraya Nus milyan qof waxaana ku burburay boqol kun oo guri.

     

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha laga dhisay Biyo xireennada Webiga Shabeelle “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maaddeey iyo Duq Magaalada Baladweyne ayaa kormeer ku tagay goobaha Biya xireennada laga sameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo maaliyadda, Abuukar Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddiga u xilsaaran fatahaadda Beladweyne ay wax badan oo muuqda ka qebteen goobaha ay ka sameeyeen Biya xireenada.

Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey ayaa sheegay in maamulkooda uu gacan ka geysanayo sidii guud ahaan loo ballaarin lahaa Biyo xireennada laga dhisay duleedka Beladweyne, si looga hortago in Webiga Sbabeelle uu fatahaad sameeyo.

   

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo goor dhaw lagu dhawaaqayo.

0

Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkaan ay ka qaybgaleen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Imtixaanka dowliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkaan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis.

kala soco sonna.so goor dhaw warkan oo faahfaahsan.

 

Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay degaanka Leego (Sawirro)

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal ka sameyeeyay degaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka waxay gacanta ku soo dhigeen Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab xilli ay ku jireen dhagrida Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa waxay ka wadaan Gobolka Shabeellada hoose hawlgallo lagu baacsanaayo Argagixisada Al-Shabaab.

   

Naadiga Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka oo gargaar gaarsiiyay dadka uu saameeyay COVID19.

0

Xafiiska Naadiga  Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka ee Soomaaliya ayaa gargaar raashin ah u qaybiyay qoysas danyar ah oo ku nool duleedka magaalada Mudisho iyo xeryaha barakacayaasha ee degmada Dyniile.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Naadigaan ayaa lagu sheegay in gargaarkaan ay  ka faa’ideysteen in ka badan 1000 qoys oo isugu jira Agoon, barakacayaal iyo dad sabool ah.

Ujeeddada kaalmadaan ayuu ku sheegay Xafiiska Naadiga  Caalamiga ah ee dhalinyarada Islaamka in la yareeyo duruufaha nololeed ay dadkaasi xilligaan wajahayaan.

Booliiska oo amarro cusub kasoo saaray Baladweyne.

0

Taliska Booliska magalada Baladwayne ayaa soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo gaadiidka muraayadaha madow ama loo yaqaano persolka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha  Ciidanka Booliska Beladweyne Maxamed Maxamuud Rooble ayaa uga digay  dhammaan gaadiidlayda ka shaqeeya gudaha magaalada Baladwayne iyo kuwa soo galaba,  sidoo kale ayay ka digeen inaan wax gaadiid ah la dhigi karin inta u dhaxeysa Bacadlaha iyo afaafka hore ee xarunta mamulka Gobolka.

Taliska Booliska ayaa sheegay in cidii u hoggaansami waysa amrkaasi ay tillaabo ay ka qaadi doonaan.

Kenya oo digniin u dirtay cid kasta oo caawisa Al-Shabaab.

0

Dowladda Kenya ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Isku-duwaha laamaha ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya, Nicodemus Ndalana ayaa sheegay in Dowladdiisu ay cadow la mid ah Al-Shabaab u aragto Qof kasta oo la shaqeeya Argagixisada, sidaas awgeedna ay isku si ula dhaqmayaan,tallaaba adagna ay ka qaadi doonaan.

Dhanka kale, Nicodemus Ndalana ayaa u mahadceliyay shacabka laamaha ammaanka u soo gudbiyay xog ku saabsan waxyaabaha ay ka shakiyaan, taas oo fududeysay in laga hortago weerarro qorsheysnaa oo ay maleegayeen Al-Shabaab.