Maamulka gobolka Banaadir oo u kuur galaya saameynta ka dhalatay roobkii xalay ka da’ay Caasimadda, Muuqaalka Warkan Halkan hoose Ka (DAAWO).

Date:

Roobka gu’ga oo xalay ka curtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo aan heysan hoy ay ka galaan roobka.

Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa kamid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska fagax iyo Wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajir ayay gabi ahaanba biyuhu fadhiirteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayaan labada dhinac ee wadooyinkaasi.

Qaar kamid ah gaadiidleyda ka xeeya moota bajaajta iyo caasiyada ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.

Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka sameysan cooshado oo aan gaabaad uga noqo Karin roobabka xooggan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday Goobaha ugu saameynta badanaa roobka waxayna sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu yareynayo saameynta ka dhalatay roobka ka da’ay caasimadda, Waxuuna ugu baaqay Bulshada wax haysta in la caawiyo dadka uu saameeyay Roobka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...