Home Blog Page 844

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Dhagarqabe Bam-Gacmeed Ku Tuuray Bar-Koontarool+Sawirro

0

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsan argagaxisada Alshabaab oo bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ciidamadu ay ku hubiyaan gaadiidka taas oo ku taal waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal,Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in dhagarqabe bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugida amniga iyo in ay iska qabtaan argagaxisada ku soo dhex dhuumaneysa shacabka, taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee looga guuleysan karo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Tuulax ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan u adeegida shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin har iyo habeen difaaca dalka iyo dadka.

Galmudug oo Tababar u soo xirtay Shaqaale loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa

0

Muqdisho:(SNTV):-Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug oo kaashanaysa Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaga dowladda dhexe ayaa Tababar u soo xirtay Kooxo loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa oo Dhowaan yimid Deegaano ka tirsan Galmudug haddana dhibaato ku haya Dalagyada Beeraha iyo Daaqsinka, waxaana sidoo kale Wasaaradu soo bandhigtay qalabkii lagula dagaalami lahaa Ayaxa.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo xanaanada Xoolaha Galmudug Dr. Saleebaan Maxamed Saalax oo ka waramay Howshaan wasaaradu qabanayso ayaa xusay in Kooxahaan loo soo xiray Tababarka loo kala diri doono deegaanada Ayaxu ku habsaday.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Nuur Yuusuf Nuur ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaalanka Ayaxa iyo sidii lagu heli lahaa agabyada lagula dagaalamayo.

Ayaxa ayaa Sanadkii hore waxa uu halakeeyey dalagyo fara badan  iyo Dhul daaqsimeed aad u baaxad wayn wuxuuna Saamayn ku yeeshay deegaano badan oo Dalka ka tirsan.

Muwaadin Dalkaaga Ayaa Kuu Baahan, Ha Dumin Ee Dhis

0

Qaar Kamid ah Culimada Soomaaliyeed Oo Ugu Baaqay In Dhalinyarada La Qalday Al-Shabaab ee Kasoo laabtaan Fekerka Xagjirka Ee Al-Shabaab.

“Fadlan Ka soo bax Kooxda Kuna Soo biir Dhismaha Dalkaaga, Dadkaaga, Deegaankaaga iyo Qoyskaaga Koryeel Soomaaliya, Markale Udagaal Dalkaaga iyo Deegaankaaga” Sidaasi Waxaa Sheegay Sheekh Nuur Sheekh Cismaan.

Horey Ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed oo ugu baaqay in Dhalinyarada gaar ahaan Kuwa La qalday ay dib uga Faa’iideeystaan Fursadda Cafiska.

Hadalkani ayaa imaanaya xilli ay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay baaq u jeediyeen in laga faa’iideeysto baaqaasi.

KUDHUFO MUUQAALKA LINK-GA HOOSE:-

CODKA SHEIKHA

Wasaaradda Warfaafinta waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadda Soomaaliya

0

Muqdisho .(SNTV):- Ugu horeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku DFS ah waxay mar labaad u diraysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 03 May maalinta Saxaafadda Aduunka, waxay fadliga Bishan Barakaysan ee Ramadaan u rajaynaysaa kheyr iyo Barwaaqo.

Intaas ka dib, isla xuskii shalay ee 3 May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda.

Wasaarad ahaan waxaa qiraynaa in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan duruuf adag. Sida ay sheegeena ay kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab kala kulmaan dil, handadaad iyo Cabudhin, dhibtaas oo aanay Argagixisadu ku hayn Suxufiyiinta oo keliya ee ay sidoo kale ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo xataa masuuliyiinta Dawlada maadaama ay yihiin cadow calaami ah oo aan cidna u tudhayn.

Dawladdda Soomaaliya waxay ka xuntahay, isla markaana cambaaraynaysaa nooc kasta oo xadgudub ah oo loo geysto xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyiinta ku shaqeynaya qaab waafaqsan xirfada Saxaafadda iyo shuruucda dalka, Dawladda waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geysato oo kala shaqeyso ururada Suxufiyiinta sidii loo hagaajin lahaa duruufaha ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxbanaanida Saxaafadda, taasoo aanay danni ugu jirin Suxufiyiinta oo kaliya ee sidoo kale ay dani ugu jirto dib u dhiska Qarannimada iyo kobaca Dimuqraadiyadda Soomaaliya ee curdinka ah.

Dawladda Soomaaliya waa Dawlad ku dhisan oo aaminsan sareynta sharciga, waxay si buuxda ugu hogaansan tahay Dastuurka iyo Shuruucda kale dalka oo dhamaantood damaanad qaadaya Madax banaanida Saxaafada iyo xoriyatul qowlka, iyo sidoo kala xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah ee aanu qaybta ka nahay. Dhamaan hay’adaha Dawladda ee xidhiidhka la leh shaqada suxufiyiinta sida Booliska waxay ku amran yihiin ilaalinta xoriyada, madax banaanida iyo nabadgelyada Suxifiyiinta. Hase yeeshee maadaama dalku ka soo kabanayo burbur iyo nidaam xumo mudo dheer soo jirtay, isla markaana dagaal lagula jiro Argagixiso ku imaanaysa weji kasta oo ay waxyeelo ku geysan karto, waxaa mararka qaarkood dhici kara in Ciidamada nadabgelyadu hakiyaan Suxufiyiinta iyadoo ka taxadaraya badbaadada naftooda, mida ciidanka Booliska iyo shacabka.

Hadaba, eedaymaha ay ururada Suxufiyiinta qaarkood u jeediyeen Dawladda waa ku aan ku dhisnayn xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta, waa kuwo aan awood u lahayn in ay eedeeyaan cidda dilaysa weriyayaasha ama cabudhinaysa oo ah Argagixsada Alshabaab, waa kuwo aan marna xusin daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada Nabadgelyadu iyo taageerada joogtada ah ee ay Ciidamadu maalin kasta siiyaan Suxufiyiinta si ay u gutaan waajibaadkooda,

Wasaaraddu markii ay u kuurgashay Cabashada iyo Eedaymaha waxaa u muuqatay in arrimaha qaar laga badbadiyey, Tusaale ahaan, Ururada hadlay waxay xuseen in Sanadkii tagay uu ahaa sanad u xun Suxufiyiinta mana sameyn wax is barbardhig ah, waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka covid19 in aanay Dawladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5ta Galabnimo ay masuuliyiinta sarsare ee Dawladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta. Dawlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Warfaafintu waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadeed ee maalinkasta utaagan quudinta dhagaha iyo indhaha Shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay soo dhowaynaysaa abuurista jawi wanaagsan oo u sahla Saxafiyiinta in ay si hufan u gutaan shaqadooda, iyadoo u aragta lagama maarmaan dhamaystirka Sharciga Saxaafadda iyo dhismaha Gudiga Warbaahinta Soomaaliyeed oo fure u ah helista nidaam lagu wada shaqeeyo oo ilaaliya Madax Banaanida Saxaafadda iyo suxufiga.

Wasaaraddu waxay u aragtaa in qaar ka mid ah fariimaha ay direen ururada hadlay ee Saxaafadeed aanay ku socon Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeeed, maadaama aanay haba yaraatee jirin hal codsi ama cabasho oo si toos ah Ururada Saxaafadu ugu soo gudbiyeen Wasaaradda ama hay’adaha kale ee Dawladda. Wasaaradu waxay u soo jeedinaysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan in loo isticmaalo ujeedooyin ka baxsan Xirfadooda oo aanay ku milmin aragtiyada Siyaasadeed oo kala duwan, taasoo ah wax aan u wanaagsanayn xirfadooda iyo ku kalsoonaanta suxufiyiinta.

Halkan ka fiiri lifaaqa War-saxaafadeedka 

Jawaab Eedeyn

Diyaarad siday daawo oo ku dul dhacday meel waxyar u jirta garoonka diyaaradaha Bardaale

0

Muqdisho.(SNTV):- Diyaarad ay leedahay African Airways oo ah Nooca 30 qof qaada, kana kacday Muqdisho, ku hakatay Baydhabo ayaa ku burburtay Bardaale.

Wararka aynu ka heleyno Maamulka Shirkadda ayaa sheegaya in diyaaraddu ay siday cargo ayna waday 6 qof oo 2 ka mid ah ay Soomaali yihiin.

Diyaaradda ayaa ku dul dhacday meel waxyar u jirta garoonka diyaaradaha Bardaale, waxaana ay sidda shixnad daawo ah oo loogu talagalay ka hortagga COVID-19.

Ma cadda sababta keentay Burburka Diyaaradda

 

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

0

Muqdisho.(SNTV):- Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 34 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 17 qofood, waxaana geeriyooday 3 bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.

27 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 7 kalana waxay ku suganyihiin deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 756, waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada kahor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga ka hortagga Daadadka

0

Dhuusamareeb.(SNTV):- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne;

Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daadadka Gu’ga;

Markuu tixgaliyey:  In wali lagu jiro xilli roobaadkii Gu’ga, iyo in ay soo laaban karaan daadad nuucaas oo kale ah;

Wuxuu Xeeriye

Qodobka 1aad

Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Ka hortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah:

  1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
  2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
  3. Wasaaradda Maaliyadda
  4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
  5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska.

Qodobka 2aad

  1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku beelay roobabkii xoogganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.
  2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Batroolka iyo macdanta oo Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baardheere+Sawirro

0

Muqdiaho(SNTV):-Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Batroolka iyo macdanta Xukumadda Somalia Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Hilaal iyo masuuliyin uu hogaaminayay qaybna ay ka ahaayeen kuwa  ka tirsan Maamulka Gobalka  Degmada Baardheere iyo masuuliyin kale ayaa maanta kormeer ku tagay Ispitaalka Guud ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Masuliyiinta ayaa mid mid usoo maray dhamaan qaybaha uu ka gooban yahay Cisbitaalka Baardheere ee Gobalka Gedo iyagoona Howl wadeenada i ka xogwaraystay baahida ka jira  iyo bukaanada jiifa.

Agaasimaha Ispitaalka Guud ee Degmada Baardheere Maxamed Cabdulaahi Haashi ayaa masuliyinta uga warbixiyay baahida ka  jirta iyo sido kale caqabadaha so wajaha madaama ay haatan ka jirto marxalad adag.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobalka Gedo mudane Cusman Nuur xaaji ayaaa dhankisa wasiirka iyo masuliyinta kale warbixin ka siiyay xaaladaha Caafimaad daro ee guud ahaan  Gobalka Gedo.

Cabdiqaadir Maxamud Hilaal wasiir ku xigeenka Wasaarada batroolka  iyo Macdanta Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin wax ka qabashada xaaladaha Caafimaad ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

“Ka dowlad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan wax ka qabano xaaladaha soo wajahay guud ahaan Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Baardheere ee uu saameeyay fatahaada wabiga Jubba kaasi oo ay ka dhasheen Xaalado isugu jiro Caafimaad daro iyo kuwa kale ee bini aadanimo”sidaas ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka soomaaliya Cabduqaadir Maxamuud Hilaal.

 

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino

0

Muqdisho(SNTV):-Alle ha u naxariistee, waxaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan(Shiino) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya.

Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federal-ka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebook qoraal uu dhigay, ku sheegay in uu aad uga naxay geerida Marxuum Aways Shiino.

“Allaha u naxariistee Marxuum Aweys waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey qeybaha kala duwan ee Wasaaradda. Waxa uu ka mid ahaa khuburada aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugu shaqeeyey dalka marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, waxa aan ku xasuusan doonnaa marxuumka howl-karnimo, daacadnimo iyo dulqaad badan”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumka uu ahaa Qoraa aqris badan oo hibo u lahaa curinta iyo turjumaadda qoraallo iyo sheekooyin saameyn badan ku yeeshay nolosha aqristayaasha xilligii uu ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

“Waxa aan Ilaahay ugu baryeynaa in uu u naxariisto, sabir iyo Iiimaanna ka siiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”, Mr. Canshuur ayaa Sidaa Alle uga beryey.

Marxuum Aways Xuseen Xasan( Aways Shiino) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1955-tii, waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose, iyo sare ku qaatay Xamar, waxa uuna jaamacadiisa ku soo qaatay Syria halka dalalka kale sida Lubnaan uu aqoon korosi u tagay, sida Wakaaladda SONNA ogaatay.

SONNA ayaa sheegtay in Marxuumka uu ahaa saxafi, qoraa iyo mutarjam luuqada Carabiga wax ku turjamayey, waxa uuna wax ku qori jiray Wargayskii Xidig October ee dalkeena beri-samaadkii ka soo bixi jiray.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kala wareegay gudiga wacyi galinta qaran qalab looga gaashaanto coved-19

0

Muqdisho:(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa Maanta kala wareegay gudiga wacyi galinta heer qaran qalab looga gaashaanto coved-19 oo ay ku Deeqeen Haween soomaaliyeed oo ay wakiil ka tahay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka qaran xaliima ismaaciil (Xaliima yareey)

Munaasabada qabalabka lagu wareejiyay waxaa goobjog  ka ahaa masuuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socday gudiga wacyi galinta heer qaran.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Shaqkeeti ayaa ka gudoontay qalabka ka hortaga caafuqa faafa ee COVID 19 gudiga wacyi galinta heer qaran oo dadaal ballaran  ugu jira ka hortaga cudurka ka inta  uusan ku faaafin bulshada dhaxdeeda.