Home Blog Page 844

Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur-galbeed oo kulmay.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo ujooga magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hoyga uu ka degganyahay muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Mas’uuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho arrimaha siyaasadda dalka doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada dalkeena, ka shaqeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta Bulshada.

Kulanka ayaa sido kale labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadlay Wanaajinta iyo iskaashiga labada Dowladood Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo dadaalada lagu dardargelinta hannaanka dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Cabdullaahi Dani booqashada uu’ ugu yimid kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.

AMISOM oo sheegtay in ay dardargalineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

0

Abaanduulaha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya oo booqasho ku tegay Taliska qeybta 1-aad ee Ciidamada Uganda ayaa sheegay in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhammaan Xerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.

Gen Diomede Ndegeya waxaa uu ku ammaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaan kordhineynaa howlgalada lagu sugayo amniga, waana dagaalami doonnaa illaa inta Shabaab laga sifeynayo gudaha Dalka Soomaaliya ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda waa Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya,waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Jaamacadda Carabta oo aan tixgalin soo jeedinta Falastiin.

0

Hoggaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, balse waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiixay bishii hore.

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aaddan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

“Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay .

“Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan al-Sacuud ayaa sheegay in Riyadh wali taageersan tahay hindisaha nabadda Carabta balse ma soo hadal qaadin heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Mareykanka, Isreal iyo Imaaraadka Carabta waxay madaxda Falastiin ugu baaqeen in ay dib u soo celiyaan wada xaajoodkii Isreal, la taliyaha sare ahna wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner ayaa sheegay in Falastiiniyiintu looga baahan yahay in aysan ku dheganaanin wixii hore oo ay tahay waaqaca ay la noolaadaan.

Wasiir Maliki ayaa heshiiska Isreal iyo Imaaraadka Carabta ku sifeeyay mid lama filaan ah isla markaana dhul-gariir siyaasadeed ku ah Carabta, isagoo xusay in kulankii deg dega ahaa ee Jaamacadda Carabta fashil ku dhammaaday.

Laakiin wasiirku ma adeegsan ereyo adag oo ay kamid tahay ‘khiyaano’ taas oo madaxda Falastiin isticmaali jireen maalmihii hore ka dib heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Wasiiru dowlaha Imaaraadka Anwar Gargaash oo wareysi siiyay telefishinka al Carabiya ayaa sheegay in luuqada dhaleeceynta iyo cambaareynta ay keentay heshiis la’aanta kulankii shalay.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Baydhabo+sawirro.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Maagalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ku soo dhaweeyey dhigiisa Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed

Madaxweyne Qoor-qoor oo ay socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle Galmudug, waxa uu Baydhabo kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya dawlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirka waxaa looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya dawlad goboleedyada, arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo iskaashiga amniga oo ay ugu horrayso la dagaalanka xagjirka.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur Galbeed ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Muqdisho, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirka dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dawladda Federaalka, kaas oo madaxweyne Farmaajo ku casuumay, islamarkaana lagu dhammaystirayo hanaanka doorashada dalka.

     

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan oo lagu dhaawacay qarax.

0

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan Amrullah Saleh ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray qarax lala eegtay kolonyo uu la socday magaalada Kapul ee xarunta dalkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen lix qof, halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in uu xafiiska ku jeeday subaxnimadii Arbacada maanta, waxaa la arkayay Amrullah oo gacanta bidix ay faashad kaga xirantahay.

Xeer-ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay baarista dilalka wariyaasha iyo tacadiyada loo gaystay.

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer ilaaliye gaar ah u magacaabay baarista dilalka wariyaasha Soomaaliya loogu gaystay, taas oo fududayn doonta in cadaaladda la hor keeno dadkii ku lug-lahaa dambiyada ka dhanka ah wariyaasha Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo dhaqan galineysa xeerarka la dagaalanka musuq-maasuqa.

0

Wasaaradda cadaaladda XFS ayaa Muqdisho ka furtay wadatashi ku aaddan dib ugu biirista hiishiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa.
Wadatashigan oo ku saabsan hirgalinta istiraajiyada Qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa iyo dib ugu biirista heshiiska caalamiga ah ee la dagaalanka musuq maasuqa ayaa magaalada muqdisho ka furay sii hayaha wasiirka cadaalada dalka abuukaate Xasan xuseen Xaaji.

Shirkaan oo socon doono muddo labo cesho ah waxaa ka qeyb galaya xubno ka socday dowlad goboleesyada dalka, xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda, xafiiska hanti dhowrka guud Qaranka, bankiga dhexe, xafiiska xeer ilaalinta iyo Booliska kuwaas oo ku shaqo leh arrimaha nidaamka maaliyadda dalka iyo la dagaalanka musuqa.

Sii hayaha wasiirka cadaalada dalka abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wasaaraddu ay xooga saareyso shuruucda lagu hagayo arrimaha cadaaladda iyo la dagaalanka musuqa, sidoo kalena ay dib u soo celinayso xiriirkii caalamiga ahaa ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee Soomaaliya aduunyada kala dhexeeyey.

Golaha wasiirada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa 4-tii bishii lixaad ee sanadkan ansixiyay xeerka istaraajiiyada Qaran ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee 2020 ilaa 2023-ka, kaas oo ku soo beegmay, xilli tallaabooyin loo qaaday la dagaalanka musuqa islamarkaana dad ay ku jiraan saraakiil dawladeed loo maxkamadeeyey maamul xumo maaliyadeed ee ay gaysteen.

           

Soomaaliya oo Caalamka la wadaagtay saamaynta dhaqaale ee uu gaarsiiyey Coronavirus.

0

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo ku aaddan saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19 uu ku keenay dhaqaalaha caalamka, kaas oo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo aaladda internet-ka ee tooska ah ku qabsoomay.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimaddiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee waddamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu cudurku yareeyey dakhligii dawladda soo galayey iyo koboca dhaqaalaha guud ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada maaliyadda 73-wadan iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha, waxaana leysku af-gartay in taageero maaliyadeed la siiyo waddamada soo koraya ee Soomaaliya ka mid tahay, kuwaas oo saameynta dhaqaale uu ku yeeshay Covid-19.

Is-maamulka Tigreega Itoobiya oo saaka u dareeraya doorasho.

0

Guddiga doorashada oo ay sameysteen ismaamulka tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhaceyso doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay.

Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goob oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof.

Doowlada federaalka Itoobiya ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee Baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation.

Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii August ayaa dib loo dhigay muddo 9 bil ah cudurka karoonaha dartii balse ismaamulka tigreega waa ay diideen arintaasi.

Ciidamada Danab oo khaarajiyay Horjoogihii Jubbada hoose u qaabilsanaa kooxda Al-shabaab.

0

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga gobolka Jubbada hoose waxey ku dileen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada Al-shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Kumaandooska Soomaliya ay Howlgal ka fuliyeen degaannada Dhisheeg-waamo,Maroodi-gubow iyo Dhaay unbow oo qiyaasti 75-km u jirta magaalada Kismaayo.

Taliyaha waxa uu sheegay in ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen labo Horjooge oo kala ah Xirow oo Nabadiidka Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka Dhisheeg waamo, iyo Cabdi Maxamed Bashiir oo argagaxisada Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab  ayaa xusay in ay dhaawac u geysteen 11 Maleyshiyaad ah oo ka tirsan Nabadiidka, isagoo intaa raaciyay in sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Danab ay burburiyey Saldhigyada Al-shabaab ay degaannadaasi ku lahayeen.