Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey.

Date:

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa mudane Maxamed Axmed Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

Shariga Maarreynta Deegaanka,

Sharciga Hay’adaha,

Sharciga Dhismaha Booliiska

Iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda Gole, Garsoorka, La- taliyeyaal iyo Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...