Isdiiwaan galinta Musharaxiinta Gudoonka Hirshabelle oo maanta Jowhar ka socoto iyo Aragtida shacabka Jowhar.

Date:

Iyadoo dhawaan la shaaciyay Jadwalka Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ayaa maanta lagu wado in ay ka bilaabayto magaalada Jowhar ee caasimada maamul Goboleedka Hirshaebelle is-diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Guddiga qabanqaabada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa horay u shaaciyay in 4ta bishan November la qaban doono doorashada Gudoomiyaha, Balse maanta iyo maalmaha ina soo aaday laga shaqeyn doono qabashada Araajida iyo hadal jeedinta musharixiinta.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa mashquul aad u balaaran oo ku aadan arrinta isdiiwaangalinta Gudoomiya Baarlamaanka Hirshabelle iyo ku xigeenadiisa Waxaa jira musharixiin badan oo isu soo taagay qabashada xilalkan.

Dhanka kale shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa si weyn u soo dhaweeyay jadwalkadoorashada waxayna ugu baaqeen gudiga in doorasha gudoonka baarlamaanka Hirshabelle waqtigaada ay kudhacdo waxayna xildhibaadan cusub ka codsadeen in ay u dooraan shaqsiyaad samata bixinkara Hirshabelle.

Hoos ka (DAAWO) Aragtida Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...