Home Blog Page 840

Ciidamada-Ammaanka- Ee Puntland-Oo-Gacanta-Ku-Dhigay-Qaraxyo-Ay-Maleegayeen Daacish-sawirro

0

Howlgal gaar ah oo ay ciidamada difaaca Puntland ee loo yaqaano PSF galabta ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Boosaaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas..

Qaraxyadan ay ciidamada difaaca Puntland fashiliyeen ayaa ka koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanku ka sameeyeen Boosaso oo lagu diley xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Daacish, sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada ciidamada difaaca Puntland waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ah kooxihii abaabulayay falkan.

 

 

Xaaladaha Cusub Ee COVID-19-ka Ee La Diiwaangeliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan.

Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Dowladda Soomaaliya Oo Hay’adda Fao Kala Wareegtay Diyaarado Lagula Dagaalamo Ayaxa+Sawirro

0

Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan.

Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo  xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada  Ayaxa.

“Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada  Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso  ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed.

“Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah  guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo 30 sano ah kadib.

“Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi.

Madaxweyne Saciid Deni Oo Magacaabay Taliyaha Iyo Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowlad Gpboleedka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Gaashaanle Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Waxaa Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Saameynta Coronavirus Uu Ku Yeeshay Waxbarashada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha guddiga ayaa waxaa looga hadlay saameynta karoona fayris uu ku yeeshay waxbarashada dalka.

Cudurka karoona fayris ayaa saameyn xooggan ku yeeshay waxbarashada dalka,iyadoo la xiray dhammaan goobaha waxbarashada inkastoo Jaamacaduhu ay daruusta ku bixiyaan qaab online ah.

Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle Oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Covid-19

0

Wasiirka Wasaaradda Caafmaadka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdi Macalin Maxamed  oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeey ee cudurka Covid 19 ee laga diiwaan geliyay deegaanada Hirshabeelle waxaa uuna sheegay in guud ahaan Hirshabeelle laga helay 6ruux tan iyo markii cudurku uu soo gaaray dalka.

Wasiirka Caafimaadka  ayaa Bulshada ku nool  Hirshabeelle ugu baaqay in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafmaadka Dowlada Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle si looga hortago faafida Cudurkan dunida dhibaatada ba’an ku haya ee Coronavirus.

Dhanka kale Wasiirka caafimaadka Cabdi Macalin Maxamed ayaa  sheegay inay diyaariyeen goobo dadka lagu karantiilo  oo qofka isaga shakiya ama uu ku dhaco Covid19 uu tagi karo si baaris loogu sameeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ahaa dadkii u dhintay xanuunka Karoona fayris.

Guddiga Qaran Ee Ka Hortagga Cudurka Dilaaga Ah Oo Agab Xakameynta  Ku Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta.

0

Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinka  afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo farriimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Talaabadaan ayaa  qeyb ka ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xakameyneyso xanuunka Coronavirus,iyadoo guddiga Qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus qalab kan la mid ah ka qeybiyeen goobo kale oo muhiim ah, si loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamada Ciidanka Oo Xukunno Dil & Xabsi Ku Ridday 4-Eedeeysane Oo Lala Xiriirinayo Dilkii Taliyihii Ciidanka Gorgor.

0

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socday,  halka labada kale lagu xukumay min 5 sano oo xabi ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Dib Ugu Celinaysa Dadka Ku Xayiran Kenya.

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dadka ku xayiran Kenya dib ugu celinaysa dalka Soomaaliya.

Dadka la celinayo waxaa qasab ah in ay haystan Baasaboorka ama degganaanshaha Soomaaliya , isla markaana aysan qabin cudurka COVID-19 sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda.

Safaaradda ayaa maalmihii la soo dhaafay  diiwana gelisay dadka ku xaniban dalka Kenya,  iyadoo weli diyaar u ah in ay sii diiwaan gelliso dadka weli dhiman.

Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines ayaa qaadi doonta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya, waxaana ay dadku Tikit-yada jaran karaan ugu dambeyn 17-ka Bishaan May.

Kaalinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa noqonaya fududeynta sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya, sida ay safaaraddu sheegtay.

Kheyre: “Hadii Aan Xal Waara Loo Helin Daadadka Iyo Maamulka Biyaha Lama Gaarayo Horumarka”

0

R/Wasaaraha Jamh.mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

R/Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

R/Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.