Shirkadda Safe Air oo duulimaadyo ka bilowday Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Safe Air Company ‘SAC’ ayaa duulimaadyo ka sameysa dalalka caalamka.

Munaasabadda bilowga duulimaadka Safe Air ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin isagu jirtay Xildhibaanno, Guddiga Gaadiidka Diyaaradaha Soomaaliyeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadda, Hay’adda Duulista Rayidka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo marti sharafkale.

Maxamednuur Aadan, Kabtanka Diyaaradda ahna milkiilaha Diyaaradda Safe ayaa ka warbixiyay adeegga iyo howlaha duulimaadka Diyaaradda.

Guddoomiyaha Diyaaradaha Soomaaliyeed Xasan Xaashi iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir ayaa kula dardaarmay Safe Air inay ka shaqeyso xoojinta wadashaqeynta Shirkadaha Duulimaadka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa bogaadiyay duulimaadka Safe Air ee maanta bilowday, iyagoo sheegay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto qaadista shixnadaha iyo Rakaabka.

Shirkadda duulimaadyada Safe Air oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa isaga kala gooshi doonto magaalooyinka Dubai, Mogadishu, Cairo, Aden, Djibouti, iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...