Aqoon isweydaarsi looga hadlayey qoondada haweenka ee siyaasadda dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Date:

Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha ayaa muqdisho ka furtay tababar ku saabsan xaqiijinta qoontada haweenka ay leeyihiin labada aqal ee barlamaanka. 

Aqoon isweydaarsigaan ayay Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha ugu talagashay xoojinta qoontada loo asteeyay haweenka oo ah boqolkiiba sodon oo ay ku leeyahay labada qalka ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb-galay xildhibaano,Culumaa’udiin,bulshada Rayidka iyo masuuliyiinta xarunta.

Agaasimaha Xarunta Cilmi barista iyo hormarinta aadanaha Luul Salaad Ibraahim ayaa ka sheekeysay waxa loo qabtay kulamadaamn iyo heerarka ay soo mareeyn.

Nabadoon Cabduqaadir Xarago iyo Sheekh Cali Jawiis ayaa ku booriyay in kaliya haweenka loogu baahanayahay inay dhowraan sida diintu ugu ogoshahay iyagoo raacaya tilmaamaha saxda ee haweenka loo ogolyahay.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banana ee doorashoyinka qaranka iyo senator Samsam daahir Maxamed ayaa sheegay in cilada haweenka ay tahay inaan la tijaabin haweenka cilmiga u hogaaminta balse sanadaan dambey isbedel laga dareemayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...